26/05/2026
Gudoomiyaha Degmada Caluula Mudane Ahmed Mohamed Hassan hamari
"Mubarak Dhammaan Ummada Muslimiinta Gaar Ahaan Umada Soomaliyeed Alle ha ina ka aqbalo Acmaasha Wanaagsan"
Xafiiska Warfafinta || Dawlada Hoose Ee Dagmada Caluula
13/05/2026
Magaalada Xaabo ee xarunta ganacsiga Gobolka Raas-Casayr ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Raas-Casayr Mudane Muuse Saalax Guuleed, waxaana wafdiga qeyb ka ahaa Taliyaha Qaybta Cusub ee Gobolka Raas-Casayr G/sare Maxamuud Maxamed Cabdulle Shoox, Taliye Ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Raas-Casayr G/ Ali Said Aani, Taliyaha Tulbataariyada Gobolka Raas-Casayr Kabtan Abdi Xaabo iyo masuuliyiin kale.
Wafdiga ayaa waxaa afafka h**e ee magaalada kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Degmada Caluula, nabadoonno, waxgarad, dhalinyaro, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Xaabo, kuwaasi oo muujiyay taageero iyo soo dhoweyn diirran.
Socdaalka wafdigan ayaa qeyb ka ah xoojinta amniga, wada shaqeynta maamulka iyo bulshada, iyo dardargelinta horumarka Gobolka Raas-Casayr.
Xafiiska Warfafinta || Dawlada Hoose Ee Dagmada Caluula || C Malik Gurdan
30/03/2026
Gudoomiyaha Degmada Caluula Mudane Ahmed Mohamed Hassan Hamari Ayaa Umagacaabey Tababaraha Xulka Degmada Seid Ahmed Ali Varane
Xafiska Warfafinta || Dawlada Hoose Ee Dagmada Caluula
20/03/2026
Caluula – 20 March 2026
Guddoomiyaha Degmada Caluula Mundane Ahmed Mohamed Hassan Hamari oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Gobolka Raasi Caseyr iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland, ayaa maanta shacabka magaalada Caluula kala qeyb galay tukashada Salaadda Ciidda
Masuuliyiinta ayaa shacabka kula tukaday munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga, iyagoo la wadaagay farxad, isxilqaan iyo midnimo.
Maamulka Degmada Caluula ayaa shacabka ugu hambalyey Ciidda, waxayna u rajeynayaan nabad, barwaaqo iyo horumar.
xafiska Warfafinta || Dawlada Hoose Ee Dagmada Caluula
19/03/2026
Gudoomiyaha Degmada caluula axmed maxamed xasan xamari Ayaa Hambalyo Udiray Shacabka Soomaaliyeed Gaar Ahaan Shacabka Puntland Ciidul Fidriga Awgeed
Xafiska Warfafinta || Dawlada Hoose Ee Dagmada Caluula