05/11/2025
Macmiil, waxaan idiin haynaa guryo iyo qolal kiro ah oo, ku yaalla goobo suuqa u dhow. Sidoo ka le, guryo iyo jagooyin iiba ayaa oo qiime jaban ayaa idiin haynaa. Hadda na la soo xiriir, hadda deg.
shirkadda Wacad, waxay u taagan tahay qancintaada, shaqaraadintaada, daboolidda baahidaada iyo dhisidda aayaahagaa.
"alleylehe waxyeelluu taraa, wacad la diidaaye."
05/11/2025
Macmiil, waxaan idiin haynaa guryo iyo qolal kiro ah oo, ku yaalla goobo suuqa u dhow. Sidoo ka le, guryo iyo jagooyin iiba ayaa oo qiime jaban ayaa idiin haynaa. Hadda na la soo xiriir, hadda deg.
01/11/2025
Fursad weyn. Booskani, wuxuu yaalla goob muhiim ah. Wuxuu ku dhowyahay masjid jaamaca, halka, uu ku yaalla laamiga labaad ama sakadda afraad ee waddada halbawlaha ah.
Weedhahani, ma aha dhiirrigelin ee waa kuwo jiraali ah oo ay waajib tahay in qof walba uu fahmo. In wax uun la isku dayo—haba la gu fashilmee—ayaa dhaanta in gacmaha la isa saarto oo, nolosha la ga dayriyo. Dayradu, ma aha dhaqanka gobta iyo geesiga.
Waa guri weyn oo ku yaalla goob muhiima, waxaana degi kara cid walba oo doonaysa—hase ahaate, golaha wasiirrada iyo xildhibaannada wuxuu u anfacayaa si weyn, maadaama, uu leeyahay hool weyn oo la gu qabsan karo shirarka.
Saaxiibbayaal, shirkaddu waxay idiin haysaa qolol iyo xafiisyo ka le duwan oo ku yaalla xaafadaha Laascaanood. Yoolka shirkaddu, waa fududaynta raaxadaada iyo himilaadaada.
Mudane iyo marwo waxay shirkadda Wacad idiin haysaa qolol badan oo kiro ah oo ku yaalla aagga jidka koowaad ee xaafadaha Ekiska iyo Shacabka.
29/10/2025
Shirkaddaada Wacad, iyadoo ka duulaysa ka dhabeynta ganacsigaaga ayay kuu haysaa xafiisyo ganacsi oo, uu mid kani ka mid yahay. Xafiiskani, maanta ayay shaqadiisa gacantu soo dhammmaatay, wuxuuna ku yaalla bartanka magaalada. Fadlan, la soo xiriir whatsapka shirkadda.
27/10/2025
Mudanayaal iyo marwooyin, shirkadda Wacad waxay idiin haysaa guri kiro u taagan oo, ku yaalla xaafadda Ekiska—gaar ahaan dhabarka cisbitaalka Shaafi ama maqaaxida Caddallool.
Gurigani, wuxuu ka kooban yahay lix qol, laba istoodh, kijo weyn, laba suulli iyo laba barande. Fadlan wixiii faahfaahin ah la soo xiriir whatssapka: 0907369371.