Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland Mudane Cali Diiriye Axmed iyo masuuliyiin kale ayaa shacabka reer Berbera kala qayb-galay munaasibadda farxadda leh ee Ciidda, iyaga oo bulshada la wadaagay hambalyada iyo dareenka ciideed....
Hay'adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland
This is the official page of Somaliland Ports Authority. Waa Bogga Rasmiga ah ee Hay'adda Dekedaha Jamuuriyadda Somaliland.
26/05/2026
Ciid Mubaarik 🌙
Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland Mudane Cali Diiriye Axmed, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca guud ee maamulka Hay’adda Dekedaha Somaliland, waxa uu hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa dhammaan shaqaalaha hay’adda meel kasta oo ay joogaan, munaasibadda barakaysan ee Ciidal Adxa awgeed.
Maareeyuhu waxa uu Alle uga baryayaa shaqaalaha iyo qoysaskoodaba caafimaad, nabadgelyo iyo cimri dheer, isla markaana uu Eebbe ka aqbalo acmaasha wanaagsan ee ay gudanayaan maalmahan fadliga badan leh.
Ciid Mubaarak. 🌙
Afar markab ayaa xalay xoolo ka qaaday dekedda Berbera, iyada oo si habsami leh u socday hawlaha dhoofka xoolaha ee dekedda.
Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Badhasaabka Gobolka Saaxil, maamulka Wakaaladda Biyaha Berbera, Kastamka, Dhakhtarka Dhoofka Xoolaha ee Dekedda Berbera iyo ganacsatada xoolaha ayaa kormeer ku sameeyey habsami u socodka dhoofka xoolaha.
Masuuliyiintan ayaa mid mid u eegay adeegyada kala duwan ee la xidhiidha dhoofka xoolaha, iyaga oo bogaadiyey wada shaqaynta hay’adaha iyo ganacsatada, taas oo door weyn ka qaadanaysa kor u qaadista dhaqaalaha iyo dardargelinta ganacsiga xoolaha ee Somaliland.
Ganacsato Imaaraad ah oo Indho-indhayn Maalgashi ku Tegay Dekedda Berbera
22/05/2026
Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland Mudane Abokor Cawil Cumar ayaa dekedda Berbera ku soo dhaweeyey ganacsato iyo maalgashadayaal ka socday dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo booqasho shaqo iyo indho-indhayn ah ku yimid magaalada Berbera.
Waftigan ganacsatada ah ayaa kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee Dekedda Berbera, halkaas oo ay xog iyo warbixin kaga dhegaysteen adeegyada iyo horumarka balaadhan ee ka socda dekedda. Sidoo kale, waxay booqdeen Dekedda Kalluumaysiga Berbera iyo goobaha casriga ah ee lagu kaydiyo kalluunka, iyaga oo u kuurgalay fursadaha maalgashi ee ka jira dhinacyada ganacsiga badda iyo kalluumaysiga.
Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland ayaa waftiga uga warbixiyey muhiimadda istiraatiijiga ah ee Dekedda Berbera iyo doorka ay ka qaadanayso koboca dhaqaalaha gobolka, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay soo dhawaynayso maalgashi kasta oo wax ku ool u noqon kara horumarka dalka.
19/05/2026
Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland Mudane Abokor Xaaji Cawil ayaa maanta qaabilay wafti uu hoggaaminayo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka UK, Gavin Williamson, kuwaas oo ka soo qayb galay munaasibadda xuska 18-ka May.
Waftigan ayaa waxa ku weheliyay suxufiyiin caalami ah iyo marti sharaf kale oo ka kala timid dalal duwan. Intii ay booqashada ku jireen, waxay kormeer ku tageen Dekedda Berbera, iyaga oo indho-indhayn ku sameeyey habsami u socodka shaqada dekedda iyo horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay.
Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland iyo maayirka Berbera Cabdishakuur Cidin ayaa waftiga siiyey warbixin guud oo ku saabsan shaqada dekedda, adeegyada ay bixiso, koboca ganacsiga iyo muhiimadda ay Dekedda Berbera u leedahay dhaqaalaha Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Dabaal-dega xuska 18 May ee Hay’adda Dekedaha Somaliland
iyo
18/05/2026
Sawiro: Haya'da Dekadaha Somalilnad oo si wayn ugu dabaal-degtay xuska 18 May
Xuska 18 may Haya'da Dekadaha Somalilnad
Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland Mudane Cali Diiriye Axmed ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, madax ka socotay shirkadda DP World, ganacsato iyo ururka geelayaasha.
Kulanka ayaa lagu lafaguray sidii loo horumarin lahaa adeegyada Dekedda Berbera, maadaama ay si weyn u kordheen maraakiibta iyo doomaha ku soo xidhanaya dekedda. Sidoo kale, waxa la adkeeyey muhiimadda wada-shaqaynta dhinacyada kala duwan iyo dardargelinta adeegyada si loo daboolo baahida sii kordhaysa ee ganacsiga iyo dhoofka xoolaha.
Click here to claim your Sponsored Listing.
