Xisbiga Kaah Ee Gobolka Awdal

Xisbiga  Kaah  Ee Gobolka Awdal

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xisbiga Kaah Ee Gobolka Awdal, Government Organization, Borama.

04/06/2026

Xukuumadda talada haysa maanta waxay si cad u muujisay dayacaad ka jirta masuuliyaddii ka saarnayd ilaalinta caafimaadka bulshada. Qirashadeeda ah in dalka ay soo galaan dawooyin aan la hubin tayadooda iyo badqabkooduba waxay daliil u tahay in aan si buuxda loo gudan waajibaadkii loo igmaday ilaalinta nolosha iyo caafimaadka muwaadiniinta.
Arrintani waxay muujinaysaa masuuliyad-darro iyo fashil dhinaca maamulka ah, maadaama shacabka codkooda iyo kalsoonidooda ku doorteen in la ilaaliyo dantooda guud.
Annaga oo ka tirsan Xisbiga KAAH, waxaan xukuumadda ugu baaqaynaa inay garawsato masuuliyadda saaran, kana tanaasusho maamulka dalka haddii ay awoodi waydo inay si hufan u gudato waajibaadkeeda. Dalka iyo dadkuba waxay u baahan yihiin hoggaan karti leh oo ilaalin kara caafimaadka, amniga iyo mustaqbalka shacabka.

W/Q af hayeenka xisbiga kaah ee gobolka awdal
Sayid cabdi ismaaciil

29/05/2026

Xukuumaddan talada haysaa waxay noqotay mid madhalays ah oo shacabka maawelisa, kana gaabisay gudashada waajibaadkii loo igmaday. Masuuliyiinta ay xukuumaddu u xilsaartay Gobolka Awdal waxay noqdeen kuwo fashil ku suntan, kana ceeboobay bulshada ay matalayeen.
Waxaa muuqata masuuliyiin badan oo magaca xukuumadda ku jooga Gobolka Awdal, balse iyagu markhaati ka noqday waxqabad la’aantooda iyo dayaca jira. Qaar badan xitaa Hargeysa k**a soo tallaabaan, kuwo kalena way ambadeen, halka qaar kale ay hanjabaad iyo cabudhin u arkaan xal.
Xukuumaddu waxay ku fashilantay maamulka iyo maaraynta Gobolka Awdal, awooddeeduna waxay ku koobantahay cabudhin iyo xadhig ay kula kacdo cid kasta oo hadasha ama dareenka shacabka gudbisa.
Waxaan xukuumadda u sheegaynaa in wakhtigeedu gabaabsi yahay, bulshada reer Awdalna aan laga tashan karin iyadoo la iska indho tirayo tabashadooda iyo xaqooda.
Iska niikiya, waayo waqtigiinnu waa gabaabsi, waxaana dhawaan iman doona xilli shacabku tashado oo codkoodu muuqdo.

W/Q: Afhayeenka Xisbiga KAAH ee Gobolka Awdal Sayid Cabdi Ismaaciil

27/05/2026

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga KAAH Mudane Cabdilaahi Ibraahin Habane Oo Hambalyada Ciidda La Wadaagay Shacabka JSL Iyo Guud ahaan Ummadda Muslimka Ah

27/05/2026

Munaasabadda Ciidul-Adxaa ee barakaysan awgeed, waxaan hambalyo iyo bogaadin maamuus sare leh u dirayaa dhammaan ummadda Islaamka meel kasta oo ay dunida ka joogaan, anigoo Eebbe weyne ka baryaya inuu ciiddan ciideeda inagu gaadhsiiyo khayr, nabad, barwaaqo iyo bashbash.
Waxaan si gaar ah ugu ducaynayaa xujayda gudanaysa waajibaadka Xajka inuu Alle ka aqbalo acmaashooda suuban, kana dhigo xaj la aqbalay iyo dambidhaaf.
Sidoo kale, waxaan hambalyo diiran u dirayaa shacabka sharafta leh ee Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga KAAH oo mar walba tusaale u ah nabadda, wadajirka iyo isku-duubnida bulshada.
Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dalkeenna ku waaro xasillooni, horumar iyo barwaaqo, innagana inagu guuleeyo sii wadidda dedaallada horumarinta dalka iyo dhismaha kaabayaasha nolosha, si aynu u gaadhno mustaqbal ifaya iyo guul waarta.
Ciid Mubaarak
Kullu Caam Wa Antum Bikheyr.
Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Xisbiga KAAH
Mudane Cali Cabdi Diiriye (Cali Jawhar)

20/05/2026

Xadhigga joogtada ah ee saxafiyiinta iyo xorriyad la’aanta hortaagan in dadku si furan u cabbiraan fikirkooda, waxay calaamad su’aal weyn dul dhigaysaa dimuqraadiyadda aynu ku faanno.

Waxaan ugu baaqayaa xukuumadda xisbiga Waddani inay joojiso cabudhinta ay ku hayso shacabka iyo saxafiyiinta reer Somaliland.

Ugu dambayn, waxaan si adag u cambaaraynayaa falka foolxumada leh ee lagula kacay saxafi Cumar Hayne, waxaanan ku baaqayaa in xorriyaddiisa si degdeg ah dib loogu soo celiyo.

W/Q Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Kaah ee Gobolka Awdal
Muxiyadiin Maxamed jaamac

19/05/2026

XADHIGA SAXAAFADU MA AWOODDA XUKUUMADDAA?❗

Xadhiggan soo noqnoqonaya ee lagu hayo saxaafadda wuxuu bulshada ku abuurayaa dareen ah in xukuumaddu ay jiraan waxyaabo ay qarinayso. Xorriyadda saxaafaddu waa laf-dhabarta bulshada dimuqraadiga ah, waxaynu ognahayna in ay saxaafdu tahay awooda afraad nidaamka dawladnimadeena, mana habboona in wariyeyaasha lagu cabburiyo xadhig iyo handadaad joogto ah.
Sidaas darteed, waxaan si adag u cambaaraynayaa xadhigga Saxafi Cumar Hayne oo lagu xidhay magaalada Boorama maalintii 18-ka May. Waa arrin laga xumaado in maalintii qaranimada Somaliland la xuso ay dhacdo in saxafi xorriyaddiisa lagu duudsiyo, iyadoo aan loo tixgelinayn kaalinta ay saxaafaddu ku leedahay horumarka iyo ilaalinta codka shacabka.
Sidoo kale, waxaa muuqata in Isku-duwaha Wasaaradda Warfaafinta ee Gobolka Awdal uu ku fashilmay xilkii loo igmaday, maadaama uu mar kasta iska indho tirayo xadhigyada soo noqnoqonaya ee wariyeyaasha gobolka. Mas’uul xil qaran haya waxaa laga filayaa inuu difaaco xorriyadda warbaahinta, balse halkii laga sugayay doorkaas waxaa muuqata inuu ku koobnaaday sawir-qaadis iyo muuqaal uun.
Waxaan kula talinayaa Isku-duwaha in haddii uu gudan kari waayo waajibaadka saaran, uu iscasilo ka hor inta aan xilka laga qaadin, si uu u ilaashado sharaftiisa iyo sumcaddiisa.

W/Q: Afhayeenka Xisbiga KAAH ee Gobolka Awdal
Sayid Cabdi Ismaaciil

Photos from Xisbiga  Kaah  Ee Gobolka Awdal's post 18/05/2026

Sareedo iyo Somaliland La Wadaago

Happy 18th May 🟥✋️

08/05/2026

Cabdilaahi ibraahin habane oo kasheekaynaya taariikhdii madaxwayne cigaal

Photos from Xisbiga  Kaah  Ee Gobolka Awdal's post 04/05/2026

xisbiga kaah oo halkudhigiisa 18may kadhigtay
"Aqoonsi iyo isbedel"

04/05/2026

Afhayeenka Xisbiga Kaah Ee Gobolka Awdal
Sayid Cabdi Ismaacil

Want your business to be the top-listed Government Service in Borama?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Borama