Xafiiska Maamulka Gobolka Awdal

Xafiiska Maamulka Gobolka Awdal

Share

Bogga rasmiga ah ee Xafiiska Maamulka Gobolka Awdal

28/02/2025

BISMILLAH

Badhasaabka Gobolka Awdal Mudane Muhumed Jaamac Xodey ayaa dhambaal tahniyada udirey Shacabka gobolka Awdal curashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wuxu Alle uga baryay in bulshad Reer Awdal iyo guud ahaanba Shacabka reer Somaliland ku dhamaystaan nabad iyo caafimaad qab oo uu waafajiyo kheyrka bisha Ramadaan.
Wuxu shacabka Soomaliland meel ay joogaanba ku boorrinayaa in ay is gargaaran lana caawiyo danyarta iyo agoonta.

Ramadaan Kariim.

27/02/2025

Badhasaabka oo ka qaub galay nadiifinta isbuucii labaad ee magalada borama.

24/02/2025

Xilwareejinta Xoghayaha ayaa ka qabsoontay xafiiska Gobolka. Waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Awdal.

23/02/2025

Daawo Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Muxumed Xasan Jaamac(Xoday)Ayaa Soo Xidhay Tababar Mudo Laba Maalmood ah u Socday Haweenka kala Duwan Ee Gobolka Awdal Kaasi Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Hay'ada Ciag.

Ujeedadiisuna Ahayd Sidii Haweenku iskugu Diyaarin lahaayeen Ka Qayb Galka Doorashooyinka Soo Socda Ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada.......

Photos from Xafiiska Maamulka Gobolka Awdal's post 23/02/2025

Borama: Wasiirka wasarada deegaanka iyo isbedelka cimilada Somaliland oo uu weheliyo badhasaabka gobolka Awdal ayaa maanta magalada Borama ka dhagax dhigay dhismaha xarunta kobcinta dhirta.

23/02/2025

Wasiirka wasaarada deegaanka iyo isbedelka cimilada Somaliland oo dhagax dhigay xarunta kobcinta dhirta gobolka Awdal.

Photos from Xafiiska Maamulka Gobolka Awdal's post 17/02/2025

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฌ๐ข ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐š๐๐š, ๐€๐๐ž๐ž๐ ๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu maanta kulan muhiim ah la qaatay Badhasaabada Gobollada dalka, kulankaasi waxa uu ahaa mid is-xog waraysi ah laguna dar-dar galinaayey nidaamka dawladnimo, xoojinta nabadda , bixinta adeegyada bulshada, iyo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha mudnaanta u leh Qaranka oo ay wadajirka iyo walaalaynta bulshadu ay saldhig u tahay.

Qoddobada muhiimka ah ee kulanka lagaga wada hadlay waxa ugu mudnaa:

๐Ÿ. Amniga iyo Xasiloonida Gobollada dalka.

๐Ÿ. Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Gobollada.

๐Ÿ‘. Kobcinta kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada ee Gobollada,

๐Ÿ’. U diyaar-garowga Aafooyinka iyo Gurmadka Abaaraha.

๐Ÿ“. Maamul Wanaagga, Daah-furnaanta iyo la shaqaynta qaybaha kala duwan ee Bulshada:

Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada u sheegay in wallaalaynta iyo midnimada ummadda reer Somaliland, adkaynta nabadda iyo xasiloonidu ay tahay muhiimadda koowaad ee Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD.

Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyeyaasha Gobollada u sheegay in xilka iyo masโ€™uuliyadaha uu u igmadey ay kaga wakil yahiin isaga (Madaxweynaha). Sidaa darteed, Guddoomiyeyaasha looga baahan yahay in bulshada ku nool gobolladooda ay dareensiiyaan in Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ay tahay Xukuumadoodii.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Guddoomiyayaasha Gobollada dalka kula dardaarmay in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufan oo hagar laโ€™aan ah, sida oo kale-na ay u fuliyaan himilooyinka xagga horumarka ah ee ay hiigsanayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Photos from Xafiiska Maamulka Gobolka Awdal's post 15/02/2025

Badhasaabka Gobolka Awdal Muxumed Xasan Jaamac Xoday ayaa maanta Qado sharaf ku maamuusay Saladiinta Dhaqanka ee Gobolka Awdal.

15/02/2025

Gudoomiyaha Gobolka ayaa qado sharaf ku maamuusay hoggaanka dhaqanka Gobolka Awdal.

13/02/2025

Waxaan balan qaadaynaa in magaaladu ay helayso laydh jaban. Waana balanqaadyada fulaya.

Want your business to be the top-listed Government Service in Borama?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Awdal
Borama