Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer

Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer

Share

Waa Bogga Rasmiga Ah ee Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer.

Photos from Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer's post 14/06/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 14 June 2026, ayaa xarunta Gobolka Togdheer lagu qabtay kulanka joogtada ah ee u dhexeeya hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawlgala gobolka iyo maamulka Gobolka Togdheer.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga xogaha la xidhiidha hawlaha bani’aadannimo ee ka socda gobolka, si loo xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku-duwidda adeegyada ay hay’aduhu bulshada u fidiyaan.

Kulanka waxaa furay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo ka hadlay muhiimadda uu kulankani u leeyahay joogtaynta wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha samafalka iyo laamaha kala duwan ee dowladda. Guddoomiyuhu waxa uu hay’adaha uga mahadceliyey dedaalkooda iyo sida ay uga go’an tahay inay sii wadaan hawlaha gargaarka bani’aadannimo, inkasta oo dunida ay ka jiraan caqabado dhaqaale iyo hoos-u-dhac ku yimid maalgelinta arrimaha samafalka.

Furitaanka kadib, kulanka waxa si wadajir ah u guddoominayey Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Togdheer iyo Hay’adda Candlelight iyaga oo hagayey ajandayaasha iyo doodaha la xidhiidha xaaladaha bani’aadannimo ee gobolka iyo qorshayaasha iskaashiga mustaqbalka.

Photos from Cabdiraxmaan Cirro's post 14/06/2026
13/06/2026

Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa kal-fadhi aan caadi ahayn ku yeeshay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, waxaana Kalfadhigaas Xilkii ay kaga Qaadeen maayer ku-xigeenkii h**e ee degmada.

Sidoo kale, Golaha Deegaanku waxay doorteen maayer ku-xigeen cusub, waxaana xilkaas loo doortay Mukhtaar Cabdi Maxamuud (Baaryare), oo noqday maayer ku-xigeenka cusub ee Degmada Burco.

Photos from Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer's post 11/06/2026

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), iyo Guddoomiyaha Sherkadaha Dahabshiil Group, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray dhismaha cusub ee Xarunta Dahabshiil Bank ee magaalada Burco.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin heer gobol iyo degmo, madax ka tirsan Dahabshiil Group, ganacsato, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Dhismahan cusub ayaa lagu tilmaamay mid casri ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo adeegyada bangiyada isla markaana kor loogu qaado tayada adeegyada maaliyadeed ee la gaadhsiinayo bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa bogaadiyey doorka ay Dahabshiil ka qaadato horumarka dalka, isaga oo xusay in xaruntan cusub ay wax weyn ka tari doonto koboca dhaqaalaha iyo fududaynta adeegyada maaliyadeed ee gobolka.

08/06/2026

Magaalada Burco ayaa lagu qabtay munaasibad lagu xusayay Maalinta Deegaanka Adduunka (World Environment Day 2026), taas oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Maamulka Gobolka Togdheer, Maamulka Degmada Burco, iyo masuuliyiin kale.

04/06/2026

Taliye Ku Xigeenka Booliska JSL iyo Maamulka gobolka Togdheer oo gaadhay Degmadda Fiqi-ayuub.

03/06/2026

𝐓𝐀𝐂𝐒𝐈

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxday ALLE ha u naxariistee Marxuumad Nimco Cabdi Dheeg, oo ku geeriyootay magaalada Burco.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyaynayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Togdheer, Mudane Axmed Maxamed Cali (Afyare), oo marxuumaddu ahayd hooyadii.

Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa marxuumadda inuu janatul-firdowsa ka waraabiyo, dambigeedana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan qoyskeeda, eheladeeda iyo qaraabadeeda.

27/05/2026

"Amniga iyo iimaanka lama kala reebin" Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golleyaasha iyo Arimaha Dastuurka JSL

27/05/2026

"Hadaan nabad galyada laga wada Shaqaynayn intan oo bulsho ah halkan isku may timadeen" Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta JSL

27/05/2026

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Salebaan Ramaax ayaa shacabka Magaalada Burco kula Tukaday Salaada ciida garoonka Alamsey.

Want your business to be the top-listed Government Service in Burco?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer
Burco

Opening Hours

Monday 07:00 - 15:00
Tuesday 07:00 - 15:00
Wednesday 07:00 - 15:00
Thursday 07:00 - 15:00
Saturday 07:00 - 15:00
Sunday 07:00 - 15:00