Duqa Degmadda Mustafe Maxamed Muuse Calas oo kalmado muhiima ka jeediyay Xadhig ka jarka dhismaha cusub ee xarunta Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshil Bank International ee magaalada Burco.
Gunaanadkii munaasibadda Duqa Degmadda ahna Gudoomiyaha Gollaha deegaanka ayaa Shahaado sharaf Gudoonsiiyay Shirkadda Dahabshiil Group oo wax badan ka qabatay horumarka baahiyaha kala duwan ee Gobolka sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo guud ahaanba kaabayaasha kala duwan ee dhaqaalaha.
Dawladda Hoose ee Degmada Burco
Dawladda Hoose ee Degmada Burco waa hay’ad dowladeed oo masuul ka ah maamulka iyo horumarinta magaalada Burco.
Waxay bixisaa adeegyada aasaasiga ah sida nadaafadda, qorshaynta magaalada, iyo horumarinta kaabeyaasha, iyadoo ka shaqaynaysa magaalo nadiif ah
11/06/2026
Maamulka Degmadda Burco oo ka qayb galay munaasibada xadhig ka jarka xarunta cusub ee Magaalada Burco ku yeelan doono Dahabshiil Bank
Maamulka Degmadda ka gobolka Togdheer ee munaasibada ka qayb galay ayaa bogaadiyay Dhismaha Xaruntani Cusub oo si casriya loo dhisay, taasi oo qayb wayn ka qaadan doonta bilicda Magaalada, Horumarka iyo adeega Bulshadda.
Sidoo kale Maamulka Degmadda ayaa Shahaado Sharaf ku maamuusay Shirkadda Dahabshiil Group, taasi oo ay ku mutaysteen doorka iyo kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan Cashuur Bixinta, horumarka iyo ka Shaqaynta Arimaha Danta Guud ee Magaalada
"Ganacsatada yar-yar iyo dhismo kasta oo soogalay wadada Hodan-qaylo waxaanu faraynaa in ay kaga guuraan mudo 25 cisho ah"
Mukhtaar Cabdi Maxamuud "Baaryare".
Mayor ku xigeenkii h**e ee Degmada Burco ahna Xildhibaan Gole-Deegaan.
"Wadada Hodan-Qaylo ayaanu saaka ka wadnaa sidii qiimeyn iyo daraaseyn loogu sameyn lahaa ka hor dhisitaankeeda".
Cabdiraxmaan Saleebaan.
Agaasimaha Howlaha Guud ee DHB.
Waxa Maanta oo taariikhdu tahay 6/10/2026 qiimeyn iyo daraaseyn lagu sameeyey Jidka Xaafada Hodan-Qaylo kaas oo dhawaan laga hirgelindoono wado Casri ah.
"Halkan waxa ku diyaara labadii boqol ee kun ee ugu h**eeyay oo Magaalada lagu Cagaarin doono, waa mid kamida hadafyada ugu waa wayn ee Wasaaradda Dawladaha Hoose ku horumarinayso Magaalooyinka"
Aamiin Abdilaahi Yaasiin
Xog-Hayaha Dawladda Hoose
Xaruntan Dhir-kobcinta Degmaddu Waxay door muhiim ah oo muuqda ka qaadan doonta kobcinta iyo taranta geedaha, dib-u-cagaaraynta deegaanka, yaraynta nabaad-guurka dhulka, iyo xoojinta dadaallada kor loogu qaadayo bilicda Magaalada iyo la qabsiga isbeddelka Cimiladda.
Xadhig Ka Jarka Xarunta so saarista iyo Dhir-kobcinta Aroori ee Degmadda Burco
Xaruntan ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta kobcinta iyo taranta geedaha, dib-u-cagaaraynta deegaanka, yaraynta nabaad-guurka dhulka, iyo xoojinta dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.
09/06/2026
Maamulka Degmadda, Wasiiro ka tirsan Xukumadda JSL, ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray Xarunta Dhir-kobcinta Aroori ee Gobolka Togdheer.
Xaruntan ayaa qayb ka ah Mashruuca SINAAN ee horumarinta Magaalooyinka, taasi oo door muhiim ah ka qaadan doonta kobcinta iyo taranta geedaha, dib-u-cagaaraynta deegaanka, yaraynta nabaad-guurka dhulka, iyo xoojinta dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.
Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay xaruntani u leedahay ilaalinta deegaanka iyo kordhinta dhirta, iyagoo bulshada ku dhiirrigeliyey inay ka qayb qaataan dadaallada dib-u-cagaaraynta iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah
Duqa Degmadda Mustafe Maxamed Muuse Calas, Xog-Hayaha D-Hoose Aamiin Abdilaahi Yaasiin, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada ayaa Xadhiga Ka jaray Nursery-ga ku yaalla deegaanka Aroori, kaas oo loogu talo galay soo saarista iyo abqaallinta dhirta lagu cagaarinayo Magaalada Burco.
Click here to claim your Sponsored Listing.
