Dawladaha Hoose

Dawladaha Hoose

Share

How Local Government works

29/10/2024

Waa Maxay Doorarka Gaarka ah ee Gollayaasha Deegaanka ee Degmooyinku ?

Gollaha Deegaanka ee Dadka deegaanku soo doorteen Waxay leeyihiin Masuuliyado Badan sida aan h**ey qaar u soo sheegnay, Laakiin waxaynu Afar Qodob ku soo koobi doonaa Masuuliyadaha iyo Doorarka Xubnaha Gollaha Deegaanka.

1. Gollaha Deegaanku Waxa uu doortaa Duqa iyo Kuxigeynkiisa isaga oo farta Kasaara Aragtida iyo Siyaasda lagu hagayo Degmada Taas oo ay hadhow kula Xisaabtamayaan.

2. Gollaha Deegaanku Waxa uu dajiyaa Miisaaniyada Dawlada Hoose iyaga oo eegaya mudnaanaha iyo baahiyaha Tuulooyinka, waxa uuna ku jaangooyaa Siyaasada iyo Arigatida (Vision) Degmada ee uu Golluhu Diyaariyo.

3. Gollaha Deegaanku Waa in ay La socdaa Tabashada/Cabashada dadweynaha isla markaana la socdaan Baahiyaha bulshada iyo sida ay uga Jawaabayso Dawlada hoose marka ay gacantooda wax ku soo dhacaan.

4. Xubnaha Gollaha Deegaanku waa in ay u kuurgalaan Baahiyaha Deegaanada kajira Gaar ahaan dhanka Arrimaha bulshada Sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Maareynta Qashinka, Bilicda, Furida Wadooyinka iyo Deegaanka

13/10/2024

Waa Maxay Golle Deegaan?

Gollaha Deegaanku Waa Koox dad ah oo loo doorto in ay u adeegaan Degmo kuwaas oo Xukuma Xaduud Cayiman oo ay la leedahay Degmooyin kale.

. Gollaha Deegaanka Waxaa soo doorta Shacabka Degmadaas ku nool sida ku cad Dastuurka Soomaaliyada iyo kuwa Dawlad Goboleedyada.

Waa Maxay Masuuliyadaha Gollaha Deegaanka?

Golaha degmadu waxa uu leeyahay awood buuxda oo uu ku fuliyo howlo ballaaran iyo adeegyo uu islamarkaasna u sameeyo bulshada ku dhaqan inta sharci ahaan maamulkiisa hoos timaadda, waxaana kamid ah.

1. Xoojinta iyo dhiirigelinta nabadda, deganaanshaha, kala damaynta/nidaamka, iyo kor u qaadidda fulinta ku dhaqanka sharciga
2. Dhiirigelinta kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta
3. Kor u qaadidda iyo danaynta daryeelka adeegyada bulshda sida, waxbarashada, caafimaadka, biyaha, korontada, nadaafadda, etc.
4. Daryeelidda iyo dhowridda degaanka, kaymaha/dhiraynta, xayawaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
5. Samanynta suuqyo lagu iibiyo alaabooyinka, xoolaha iyo kaluunka.

6. Hubinta dhismayaal cusub, iyo kuwa la cusboonaysiinayo ama u baahan in la dumiyo.
7. Ka hortagga iyo la dagaalanka dhibaatooyinka ka dhasha Macaluusha, duufaanada, dabka ba’an, iyo wax kasta oo kale oo sababa waxyeelada buslhada.
8. Daadguraynta dadweynaha marka dhibaato ay dhacdo
9. Halabuuridda iyo fulinta barnaamijyda iyo mashaariicda
10. Kor u qaadidda farshaxanka, ciyaaraha iyo dhaqanka

11. Dhisidda berkedaha biyaha ee magaalooyinka iyo xaafadaha
12. Dhismaha, hagaajinta iyo daryeelidda jidadka gudaha magaalooyinka degmada
13. Soo jeedinta iyo codsiga ogolaanshaha qorshayaasha magaalooyinka degmada
14. Diiwaan gelinta hantida ma guurtada ah ee dadka degan degmada iyo kuwa dowladda.
15. Samaynta iyo hagaajinta xarumo ganacsi iyo wax soo saar oo ay bulshadu isticmaasho

16. Dhiirigelinta qiimaha Islaanimada, ummadnimada, caalam ahaanba.
17. Diyaarinta, ogolaanshaha iyo dib u habaynta miisaaniyadda golaha degaanka.
18. Abuuridda mashaariic horumarineed ee miyiga iyo dhiirigelinta wax soo saarka gudaha.
19. Dhiirigelinta iyo kor u qaadidda mashaariicda iskaa wax u qabso
20. Hor u marinta howlaha xabaalaha/duugidda iyo astaynta meelo u gaar ah qabuuraha.

21. Diyaarinta goobo lagu nasto, wax lagu akhristo iyo kuwo wax lagu soo bandhigo.
22. Isu-dheelitirka heerarka shaqada loo baahanyahay iyo qorsheynta iyo qoondeynta shaqaalaha waaxyaha dowladda hoose iyadoo tixgelin la siinayo heerka shaqo iyo heerka degmo kasta.
23. Dhowrista iyo ilaalinta goobaha taariikhiga ah
24. Dhiirigelinta iyo maalgelinta ay u dhanyihiin dowladda iyo shirkadaha gaar ahaanta loo leeyahay ee howlaha adeegyada bulshada sida biyaha, korontada, iwm.
25. Kor u qaadidda iyo dhiirigelinta ka qaybgalka bulshada go’aamada maxaliga ah

08/09/2024

Miisaaniyada Dawladaha Hoose

Sida aynu La socono Dawladaha Hoose ee Soomaaliyada Waxay leeyihiin taas oo Leh (120) iyo /Xigayaal (121).

Haddaba Halkaan Waxaynu ku arki doonaa Madaxyada Miisaaniyada ee dhanka Dakhliga.

Madax-yada Miisaaniyada Dawladaha Hoose waxaa dajisay/Qortay Dawladii H**e ee Soomaaliya, taas oo Dalka oo dhan u samaysay Miisaaniyad ay ka midaysan yihiin Dawladaha hoose in kasta oo ay kala Dakhli Badan yihiin.

Hasayeeshee meelo kamid ah Dawlad Goboleedyada Dalka waxay Fatashaad iyo badel ku sameeyeen Qaafiyadii (Muuqaalkii) ay La heed Miisaaniyadu.

DHAKHLIGA

Madax-yada Dakhligu Waa shan Madax oo mid kastaa leeyahay madax/xigayaal

a). 1.2.0 Madaxa Canshuuraha Wax-soo saarka (Sida iibka Xoolaha, Shatiyada, Kaluunka, Qaadka IWM)

b). 2.2.0 Madaxa Canshuurta Dakhliga (Sida dhaliga Qiimaha Dhulka iyo Guryaha Dakhliga ka soo Xarooda)

c). 3.2.0 Wareejinta kale (Dakhliga kayimaada D/dhexe, kan ikhiyaariga ah, Dakhliga ganaaxyada IWM)

d). 4.2.0 Dhakhliga Dhulka (Dakhaliga uga soo Xarooda Dawlada Hoose Ijaarka Guryaha iyo Fasaxa Dhulka)

e). 5.2.0 Dakhliga Alaabta iyo Howsha (Dakhaliga Suuqyada, Gaadiidka Beeraha, Dajinta IWM uga soo xarooda Dawladaha Hoose)

Dhakhliga ku Xusan Miisaaniyad Sanadedka waa odoros la filayo in Dawlada Hoose ay soo aruurin doonto Sanadkaas, Waxaa imaan karta ku noqosho miisaaniyaydeed haddii wixii lafilayey imaan Waayaan.

Inta Badan Dawladaha Hoose uma diyaariyaan Miisaaniyadaha si sax ah oo Waafaqsan sharciga taas ayaana sabab u ah dakhliyada la filayey in aysan soo wada Xaroon.

Cashar Gaar ah ayaan ku arki doonaa Miisaaniyada Cida Xaqa u leh in ay diyaariso iyo cida laga qeyb galinayo

Lasoco Casharka Xiga

07/09/2024
07/09/2024

IYO DAWLADAHA HOOSE.

Sida aynu og nahay Dawladaha Hoose ee Soomaaliya Waxay Helaa kaas oo ka soo xarooda ilo kala duwan kuwaas oo inta badan ah leh Madaxyo kala duwan haba kala badnaadaane.

Sidoo kale Dawladaha Hoose waxay bixiyaan kharashaad Howl socodsiin, kuwaas oo loo kala saaro Ilaa todoba qeybood. ( . Cashar gaar ah ayeynu ku qaadan doonaa noocyadaas)

Haddaba Maxay Kala Yihiin Socda iyo Raasumaal ah?

1. Dakhliga Socdaa waa Dakhli kasta oo Dawladaha hoose uga yiaada Canshuuraha ay ka qaadaan Ganacsatada kala duwan, Hantida Maguurtada ah, Dhulka, Gaadiidka IWM.

Dakhligaas oo Dawladaha hoose ay u qaadaan si Maalinle ah ama Sanadle/Lixbiloodle ah ayaa la dhahaa Dakhliga Socda.

2. Dakhliga Raasumaalka ah Waxaa la dhahaa Dakhli kasta oo Dawlada Hoose ka soogala Guryo, Warshado, Meherado, Gaadiid ama Dhul kireysan oo Dawlada Hoose leedahay.

Dakhligai Raasumaalka ah waa Dakhli inta badan la hubo haday Dawlada Hoose u Baahatana ay Dib u iibin karto.

Waa maxay Socda iyo Raasumaal ah?

1. Kharashka socdaa Waa dhamaan kharashaadka Dawladaha hoose ku bixiyaan Howl socodsiinta shaqada sida Musharka, Gunooyinka, Shidaalada, Safarada, Xaashiyaha IWM. ( Kharash bixinta waxay u qeybsantaa ilaa Shan qeybood)

2. Kharashka Raasumaalka ah Waa kharashka Dawladaha hoose Galiso meelo cayiman oo hadhow ilo dakhli uga soo noqonayaan Dawlada hoose ama Faaido u leh Bulshada.

Haddii Dawlada Hoose Canshuurta u soo xarootay ay ku kharash Gareyso dhisme Hoteel Dawlada Hoose yeelan doonto Kharashkaas ayaa ladhahaa kharashka Raasumaal ah.

dhismaha Hoteelkaas Dawlada Hoose hadhow waxay ka helaysaa il dakhli oo Cusub Waxaa sidoo kale looyaqaan (Kharash kubadalasho Dakhli Cusub)

Inta Badan Dawladaha Hoose ee Soomaliya Malaha Goobo dakhli ugaar ah uga soo xaroodo sida Hottelo iyo Goobo ganacsi oo Dawlada Hoose leedahay.

Lasoco Taxanaha Casharada Dawladaha Hoose ee Soomaaliya......

06/09/2024

Sida aynu La socono Dawladaha Hoose Waxay Helaan sidoo kalana Waxay bixiyaan

Dakhliga Dawlada Hoose waxa uu u kala Baxaa
Socda iyo Raasumal ah.

Sidoo kale kharashkuna waxa uu u kala Baxaa Socda iyo Raasumaal ah.

Maxay Kala yihiin Marka ?

Goor dhow filo Farqiqa u dhaxeeya Labadaas heer.

05/09/2024

.

Si aynu u helno Dawlad Hoose oo leh Karti iyo Adeeg Bulsho oo Sax ah Waa in Gollayaasha Deegaanka iyo Muwaadiniintu ay Fahmaan waxa ay Tahay Miisaaniyadu iyo si loogula Xisaabtamo Guddiga Fulinta ee Degmada iyo Shaqaalaha Dawladaha Hoose.

Waa Maxay Degmo ???

Miisaaniyada degmadu waa dukumenti u diyaar san qaab shaxeed kaas oo ka kooban dekhli iyo kharash inta badan isleeg.

Miisaaniyadu waa in ay leedahay faalo kooban oo ku saabsan sida ay u egtahay kharashka iyo dakhligu ku waas oo loo muujinayo hab boqolay

Sidoo kale Miisaaniyada waa in ay ka muuqato soo koobid dakhli/Kharash Tiradda shaqaalaha, iyo Kala Mudnaansiinta Mashaariicda horutabinta u leh Degmada.

Waxaynu Gudaha u galidoonaa inaga oo eegeyna sida loodajiyo, loo ilaaliyo iyo sida ugu haboon ee loogu dhaqmi karo.

Miinaasiyada Degmadu Si Guud Waxay u kala Baxdaa

1- Dakhli (Dakhli Socda iyo Dakhli Raasumaal ah)
2- Kharaash (Kharash Socda iyo Kharash Raasumaal ah)

Waxaynu ku sharici doonaa casharada Xiga Inshalaa

Lasoco taxana Casharka Dawlada Hoose ee

I laalinta, Ansixinta iyo Ku dhaqanka Miisaaniyada Degmada Waxaa u xilsaaran Gollaha Deegaanka oo kula Xisaabtamaya

02/09/2024

Maamul Wanaaga iyo Dawlada Hoose.

Si aynu u fahano awooda shaqo ee Dawladaha hoose iyo Gollayaasha Deegaanka ee Dadku Doorto, Marka h**e waa in aynu eegnaa MAAMUL WANAAGA IYO DAWLADAHA HOOSE.

WAA MAXAY MAAMUL WANAAG?

Maamul Wanaagu waa Geedi socodka Samaynta iyo meel marinta go'aamada la gaaray.

MAAMUL Macnihiisu waa Habka go,aan sameynta iyo Geedi socodka Go,aamada La hirgaliyey (ama aan Lafuln).

MAAMUL WANAAGA WAXAA KA MID AH.

• Ka qayb-gal ( ): In si buuxda looga qeyb galiyo Muwaadiniinta ama canshuur bixiyayaasha degmada go,aanada laxiriira qorsheynta iyo kala mudnaansiinta Baahiyaha Degmada.

• Ku dhaqanka Sharciga ( Rule of Law): Waa in dhamaan loo hogaan samaa sharciga iyo qeynuunka Dalka, Gobolka iyo Degmadaba waa in aan muwaadinka lagu xad gudbin isna uusan xad gudin.

• Waadaxnimo ( ): Waa in Dawladu (Dawladaha hoose) si cad ay bulshada ugu soo bandhigtaa go,aamada ay gaaraan iyo Canshuuraha Dadka laga qaadey waxa ay ku qabteen.

• Dhaga furnaan ( ): Waa in Madaxda Dawladu (Dawladaha Hoose) ay u dhagafurnaadaan bulshada ay u adeegayso isla markaana ay ka jawaabaan Waxa ishoodu qabato oo ah bulshada baahidooda.

• Caddaalad iyo u dhammaansho ( and inclusiveness): Waa in Dawladu (Dawladaha Hoose) ay u cadaalad falaan qeybaha kala duwan ee bulshada (Xaafadaha) oo dhamaan adeegyada la gaarsiiyaa Xaafad walba.

• Waxtar iyo Hawlkarnimo ( and efficiency): Waa in Madaxda Dawladaha hoose iyo Gollayaasha deegaanku ay noqdaan kuwo howl kar ah oo fuliya balamaha ay ka qaadeyn bulshada.

. Dawlada dhaxe ayaa inta badan caqabado ku ah shaqooyin badan oo ay qaban lahaayeen Dawladaha Hoose

• La-xisaabtan ( ): Waa in bulshadu la xisaabtantaa Madaxda Dawladda hoose, Dawladuna waa in ay soo bandhitaa Bardhamaadka Sanad kasta Waxqabadkooda iyo waxa ay ku qabteen Canshuurtii ay ka qaadeyn bulshada .

. Madaxda Dawladaha hoose inta badan ma ogola in ay ku dhaqmaan Miisaaniyada Dawladaha hoose, Waxayna u isticmaalaan siday rabaan Gollayaasha deegaankuna Ma fahmi karaan sida loogu ilaasho madaxda degmada Miisaaniyada maadama aysan helin Tababaro ku filan.

-DHOWRKA DAWLADA XILGOONI AH AYAA KASAARAN ILAALINTA MAAMUL WANAAGA IYO HANTIDA DAWLADA.

qeybta Xigta

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Garowe