Kalmada sheekh xuseen cali jabouti Ku sali xabiib keena
Mukhtar Carab
Cinematographer| Freelancer | Drone operator
16/06/2026
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฐ๐๐๐ญ๐ข๐ ๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐ฌ๐ก๐จ ๐ญ๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐๐ก ๐ค๐ฎ ๐ญ๐๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐ฅ๐๐ฆ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฌ๐ซ๐๐โ๐ข๐ข๐ฅ (๐๐ง๐๐ฌ๐ฌ๐๐ญ)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Marwada Koowaad ee Qaranka JSL iyo xubnaha weftiga uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho-sharafeed taariikhi ah ku tagay Baarlamaanka dalka Israaโiil (Knesset).
Madaxweynaha waxa halkaasi lagu qaabilay Hab-maamuus dhammaystiran oo leh Haybad Qaran (Guard of Honour), taasi oo ka tarjumaysa heerka maamuuska, ixtiraamka iyo qaddarinta ay Dawladda Israaโiil u hayso Jamhuuriyadda Somaliland, Hoggaankeeda iyo madaxdeeda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu saxeexay Buugga Martida Sharafta ee Madaxda Caalamka ee booqda Knesset-ka, isaga oo ku qoray farriin Qaran oo ka turjumaysa qiimaha dimuqraadiyadda, nabadda, xasilloonida. iskaashiga, saaxiibtinimada iyo xidhiidhka sii kobcaya ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israaโiil, taasi oo faaโiido u leh labada shacab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, isaga oo ka duulaya waayo-aragnimadiisii 12-ka sano ahayd ee uu ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada ka dhexeeya Hayโadaha Sharci-dejinta ee labada dal, taasoo door muhiim ah ka qaadan doonta xoojinta dimuqraadiyadda, Axsaabta Siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si mug leh ugu mahadnaqay Guddoomiyaha (Speaker) Baarlamaanka dalka Israaโiil, Mudane Amir Ohana, Hoggaanka, Mudanayaasha iyo Marwooyinka Aqalka Barlamaanka Israaโiil (Knesset) sida sharafta iyo maamuuska sare leh ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa.
Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Knesset-ka waxa ay ka mid tahay dhacdooyinka taariikhiga ah ee ka markhaati kacaya doorka sii kordhaya ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay arrimaha gobolka iyo caalamka, iyada oo sii adkaynaysa sumcadda, haybadda iyo muuqaalka wacan ee ay JSL ku leedahay Masraxayada Caalamka.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
15/06/2026
[ ๐๐๐ฐ๐ข๐ซ๐จ ] :-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Israel Mr. Gideon Saโar oo si hab-maamuus leh u soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo xalay kulan casho iyo is-barasho ah la yeeshay Madaxda Shirkadaha ugu waaweyn dalka Israaโiil, Maal-gashadayaal Caalami ah
15/06/2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa xalay kulan casho iyo is-barasho ah la yeeshay Madaxda Shirkadaha ugu waaweyn dalka Israaโiil, Maal-gashadayaal Caalami ah iyo Hoggaamiyeyaasha Ururrada Ganacsiga ee dalka Israaโiil.
Madaxweynaha iyo xubno ka mid ah weftigiisa ayaa si mug leh uga war bixiyey fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xagga Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanta, Tamarta, Shidaalka, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah u iftiimiyey amniga iyo xasilloonida ka jirta Somaliland iyo goobta istiraatijiga ah ee ay ku taallo, khayraadka dabiiciga ee ku duugan iyo siyaasadaha iyo xeerarka dhiirrigelinaya maal-gashiga shisheeye.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israaโiil, iyada oo la abuurayo xidhiidh iyo fursado wax-ku-ool ah oo labada dhinacba faa'iido u leh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ganacsatada iyo maal-gashadayaasha dalka Israaโiil ku boorriyey in ay ka faaโiidaystaan fursadaha ballaadhan ee ka jira Somaliland, isaga oo xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi ku dhisan kalsooni, dano-wadaag iyo hiigsiga horumar wadajir ah.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐,
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
14/06/2026
Wefti ay hoggaaminayaan Agaasimayaasha Waaxyaha Horumarinta Ganacsiga, Md. Barkhad Sh Abib Xasan, Tiknoolajiyada (ICT), Md. Ibraahim Ismaaciil, iyo Agaasimaha Qorshaynta iyo Horumarinta Siyasadda, Md. Cabdisalaam Xasan Mataan, ayaa kulan iyo kormeer shaqo la qaatay wefti ballaadhan oo ka socday UPTURN Social Enterprise.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta mashruuca Casriyeynta iyo Fududeynta Ganacsiga (Trade Digitalization and Single Window), kaas oo ay maalgelinayso World Bank. Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay in la casriyeeyo hababka ganacsiga, laguna kordhiyo hufnaanta adeegyada ganacsi ee dalka. Weftiga martida ah waxaa hoggaaminayey Maamulaha Guud ee UPTURN, Anwar Ali, iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Greater Manchester, Kashif Ashraf.
Intii ay booqashadu socotay, weftigu waxay kulan la qaateen madaxda ugu sarreysa ee DP World Berbera iyo Maamulka Zone-ka Dhaqaalaha, iyagoo ka wadahadlay muhiimadda ay leedahay hirgelinta nidaamyada dhijitaalka ah, kuwaas oo fududeyn doona adeegyada ganacsiga, dedejin doona habraacyada maamulka, isla markaana kor u qaadi doona jawiga ganacsi iyo koboca dhaqaalaha Somaliland.
14/06/2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho rasmi ah oo taariikhi ah ku tegay dalka Israaโiil, halkaas oo si heer sare ah loogu qaabilay, isla markaana kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Israaโiil, Mudane Isaac Herzog.
Booqashadan oo ah tii ugu miisaanka cuslayd ee ay Somaliland ka fuliso fagaarayaasha diblomaasiyadda ee heer caalami ayaa lagu maamuusay hab-maamuus heer Caalami ah, oo ay ka mid ahaayeen Roogga Cas, salaan-sharafta ciidamada iyo tumista heesta astaanta Qaranka JSL. Sidoo kale, waxa ay noqotay markii ugu horraysay ee Calanka iyo Heesta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah uga dhex muuqdaan munaasibad heerkan ah oo ka dhacaysa Qasriga Madaxtooyada Israaโiil.
Labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wada-hadallo rasmi ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga istiraatijiyadeed iyo danaha wadaagga ah ee Somaliland iyo Israaโiil. Waxa ay sidoo kale si wadajir ah u muujiyeen sida ay uga goโan tahay dhisidda iskaashi ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag, nabad, xasillooni iyo horumar waara.
Munaasibadda ka dib, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah saxaafadda u jeediyey war-murtiyeed ay ku muujiyeen rabitaankooda ku aaddan xoojinta xidhiidhka labada dhinac, iyaga oo carrabka ku adkeeyey qiyamka ay wadaagaan ee nabadda, xasilloonida, horumarka, dimuqraadiyadda, wada-noolaanshaha iyo iskaashiga waxtarka u leh labada shacab.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dalka Israaโiil ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa ku maamuusay Qado-sharaf Qaran oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Israaโiil, taas oo lagu muujiyey qaddarinta gaarka ah ee loo hayo booqashadan taariikhiga ah iyo muhiimadda ay u leedahay xidhiidhka labada dhinac.
Ma aamin sani citiraafkaa somaliland ee israil...
13/06/2026
๐๐ฎ๐๐๐ข๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐, ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐-๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ก๐ข๐ง๐๐
โฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ
๐๐๐ซ๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐, ๐๐๐๐ (๐๐&๐๐๐ก) โ Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa, kaas oo lagaga wada hadlay xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda Dawladda, kor-u-qaadista dakhliga dawladda, xoojinta isla xisaabtanka maaliyadeed, iyo horumarinta wada-shaqaynta ka dhaxaysa hayโadaha sharci-dejinta iyo fulinta.
Doodaha iyo is-afgaradka kulanka ka soo baxay ayaa salka ku hayay sidii loo sii adkayn lahaa wada-shaqaynta labada dhinac, loona dardargelin lahaa is-weydaarsiga xogaha muhiimka ah ee la xidhiidha arrimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda Qaranka, si loo taageero hufnaanta maamulka maaliyadeed iyo horumarka dalka.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta xidhiidhka shaqo iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
=๐พ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ป๐๐๐๐๐๐=
๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐ญ๐
๐ ๐ฌ๐ฅ๐ฆ๐จ๐.๐จ๐ซ๐
๐ง ๐ข๐ง๐๐จ@๐ฌ๐ฅ๐ฆ๐จ๐.๐จ๐ซ๐
โ๏ธ ๐๐๐๐
๐ฑ ๐๐ก๐๐ญ๐ฌ๐๐ฉ๐ฉ: +๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐
Xasan Sheekh wuxuu inoo sheegay wixi uurkiisa kujiray iyo hadalo dhagaraysan
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Hargeisa
