14/04/2026
Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargaysa Mudane Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug (Boosh-cadde), oo ay weheliyaan Agaasimayaasha Waaxaha Dawladda hoose ayaa saaka si heer sare ah u soo dhaweeyay wafti ka socday Ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland (ALGASL), Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, iyo Hay’adda VNG International.
Ujeedka kulankan iyo kormeerkan ayaa ahaa qiimaynta Mashruuca Danwadaag ee Maareynta Masiibooyinka (DRM) ayaa diiradda lagu saaray horumarka mashruuca, heerka uu marayo hirgelintiisu, iyo caqabadaha jira, si loo helo xalal waara oo wax ku ool ah.
Xafiiska maaraynta khataraha iyo masiibooyinka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa warbixinno faahfaahsan siiyay waftiga, iyagoo iftiimiyay guulaha laga gaadhay mashruuca iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu xoojinayo maaraynta masiibooyinka magaalada.
Sidoo kale, waftiga iyo masuuliyiinta Dawladda Hoose ayaa si wadajir ah u booqday goobaha khatarta u nugul ee caasimadda, si ay u qiimeeyaan xaaladaha halista ah isla markaana loo xoojiyo dadaallada lagu yaraynayo saamaynta masiibooyinka.
Kormeerkan waxa goob-joog ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, taas oo muujinaysa muhiimadda ay xukuumaddu siinayso horumarinta nidaamka maaraynta masiibooyinka.
Ugu dambayn, kormeerkan waxa uu caddeeyay sida ay Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa uga go’an tahay dhismaha magaalo ammaan ah, adkaysi leh, isla markaana leh nidaam maarayn masiibo oo casri ah.
28/03/2026
Saadaasha Roobka la filayo inay ka da'aan magaalada Hargeysa iyo hareeraheeda.
25/03/2026
Saadaasha Roobabka la filayo inay Hargeysa iyo hareeraheeda ka da'aan
24/03/2026
Dirawal iska jir marka uu Daadku socdo inaad dhexmarto goobaha biyuhu marayaan, taas oo halis galinkarta naftaada iyo maalkaagaba .
03/03/2026
Saadaasha Roobka la filayo inay Hargeysa ka da'aan.
03/03/2026
Saadaasha Roobabka la filayo ka da’aan Somaliland
Bilaha March, April iyo May ayaa la filayaa inay roobab fiican ka da’aan qaar ka mid ah gobolada Somaliland.
Roobab aan badnayn ayaa la filayaa inay ka da’aan qaybo ka mid ah gobollada Sanaag, Maroodi Jeex, Saaxil, iyo Togdheer.
Saadaasha Roobka (02–08 Maarso 2026)
Toddobaadka soo socda, moodelka NOAA-NCEP GFS wuxuu saadaalinayaa xaalado guud ahaan qalalan inta badan Somaliland. Roob khafiif ah oo googo’an ayaa laga filayaa:
• Degmooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo ee gobolka Sanaag
• Degmooyinka Burco iyo Oodweyne ee gobolka Togdheer
• Degmooyinka Lughaya, Saylac, Baki, iyo Boorama ee gobolka Awdal
• Degmada Gabiley iyo galbeedka degmada Hargeysa ee gobolka Maroodi Jeex
Roobabka ka da’i doona meelahan intooda badan waxay u dhaxayn doonaan 1 mm ilaa 20 mm.
Roob khafiif ah (1.0 mm ilaa 20.0 mm) ayaa laga filayaa qaybo ka mid ah Somaliland ka da’aan, gaar ahaan:
• Degmooyinka Boorama, Baki, Lughaya, iyo inta badan Saylac (Awdal)
• Degmada Gabiley iyo Maroodi Jeex
• Galbeedka Berbera iyo qaybo yar oo galbeed ee Sheekh (Saaxil)
• Qaybo yar oo waqooyi iyo koonfur-bari ah ee Oodweyne, iyo badhtamaha iyo qaybo yar oo waqooyi ah ee Burco (Togdheer)
• Qaybo yar oo galbeed ee Caynabo, iyo xuduud u dhaxaysa Xudun iyo Taleex (Sool)
• Waqooyi-bari ee Ceel-Afweyn iyo waqooyi-galbeed ee Ceerigaabo (Sanaag)
Inta kale ee Somaliland waxaa la filayaa inay sii ahaadaan xaalado qalalan ama Roob la’aan ah...
01/03/2026
Shaqaale markaad xafiiska ka baxayso bakhti qalabka Torontada.
05/02/2026
Tababar Ku Saabsan La Qabsiga Isbeddelka Cimilada iyo Yaraynta Khataraha Masiibooyinka Oo Ka Qabsoomay Dawladda Hoose
Maanta waxa Hoolka Shirarka Dawladda Hoose lagu qabtay tababar muhiim ah oo ku saabsan la qabsiga isbeddelka cimilada iyo yaraynta khataraha masiibooyinka (Climate Change Adaptation & Disaster Risk Reduction).
Tababarkan ayaa loo qabtay wakiillada degmooyinka ee u jooga Xafiiska Maareynta Khataraha iyo Masiibooyinka, iyo sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalaha ka hawlgala xafiiskaas, si kor loogu qaado awooddooda aqooneed iyo xirfadeed ee la xidhiidha la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada iyo khataraha masiibooyinka dabiiciga ah.
Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose, Mudane Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug, ayaa si rasmi ah tababarka u furay, isaga oo ka jeediyey hadal dhiirrigelin ah oo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo xoojiyo aqoonta shaqaalaha iyo wakiillada degmooyinka ee ka shaqeeya arrimaha maareynta khataraha iyo masiibooyinka.
Mudane Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug ayaa carrabka ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay Dawladda Hoose ka qaadanayso u diyaargarowga, ka hortagga, iyo yareynta khataraha masiibooyinka, gaar ahaan kuwa ka dhasha isbeddelka cimilada, si loo sugo badbaadada bulshada iyo horumar waara.
Ujeeddada tababarkan ayaa ahayd in kor loo qaado fahamka iyo aqoonta ka qaybgalayaasha ee ku saabsan xeeladaha la qabsiga isbeddelka cimilada, qorsheynta ka hortagga khataraha masiibooyinka, iyo dhisidda bulsho adkaysi u leh masiibooyinka mustaqbalka.
Gebogebadii tababarka, Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose, Mudane Mukhtaar Maxamed Gaaxnuug, ayaa si sharaf leh u gudoonsiiyey shahaadooyin ka qaybgalayaasha, taas oo muujinaysa dadaalka Dawladda Hoose ay ku horumarinayso tayada shaqaalaha iyo kor u qaadidda xirfadaha maamulka khataraha iyo masiibooyinka.
02/02/2026
Dabku waa Aafo qaran oo halliga kara naf iyo maal ; hadaba; Dab shidan, Guri xidhan iyo Caruur ha u kala tagin.
20/11/2025
Marwo Tayasiir Cali Xasan oo ka mid ah saraakiisha Xafiiska Maaraynta Khataraha iyo Masiibooyinka ee Dawlada Hoose ee Hargaysa ayaa uga qaybgashay Xafiiskeeda Tobabar lagu baranayay isbedelka cimilada iyo udkaysiga magaalooyinka sida daadadka, dhismayaasha, wadooyinka, abaaraha sidii qorsheyaal looga yeelanlahaa maareynta khataraha iyo dhisida magaalooyin adkeysi u leh.
Waxa kale oo Marwada iyo Tiimkii la socdayba lagu soo tobabaray (Trainer of Trainers ToT Urban Climate Resilience Masterclass) Tobabaraha Tobabarayaasha oo loogu talagalay inay aqoonta lagu soo tobabaray ay iyaguna dib ugu tobabaraan shaqaalaha Dawlada Hoose ee Hargaysa aqoonta Isbadalka Cimilada iyo U-adkaysiga Magaalooyinka, si loo xal waara loogu helo dhismaha magaalooyinka iyo deegaankaba.
Xafiiska Maaraynta Khataraha iyo Masiibooyinku waxa uu ku hambalyaynayaa Marwada oo kamid ah halbowlayaasha Xafiiska DRM aqoontaa ay usoo baratay caasimadeeda. (We are Proud of you Maamo Tayasiir Cali Xasan)