Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL

Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL

Share

Wɪxɪɪ ᴄᴀᴀᴡɪɴ ᴀʜ ᴇᴇ ᴋᴜsᴀᴀʙsᴀɴ Cᴀᴀꜰɪᴍᴀᴀᴅɪɴᴛᴀ Xᴏᴏʟᴀʜᴀ ᴀᴍᴀ ᴡᴀʀɢᴇʟɪɴᴛᴀ Xᴀɴᴜᴜɴᴀᴅᴀ ʟᴀxɪᴅʜɪɪᴅʜ ɴᴜᴍʙᴇʀᴋᴀɴ 9550

"As livestock is the backbone of the economy of the Republic of Somaliland, and the livelihood of our nation depends on it, this ministry is responsible for the protection, promotion and care of animal and fish health, in order to have clean and healthy livestock."

03/06/2026

𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐨𝐨𝐟𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚:

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Cali Axmed Cabdi (Cali-Cantar) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda dhoofka xoolaha dalka. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay heerka dhoofka xoolaha sannadkan ee suuqyada dibedda, gaar ahaan Mooshinkii Xajka, xaaladda caafimaadka xoolaha iyo dedaallada ay Wasaaraddu ku xoojinayso tayada nolosha xoolaha iyo tartanka suuqyada xoolaha.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in Wasaaraddu sii waddo adkaynta adeegyada caafimaadka xoolaha, kor u qaadista kormeerka iyo fulinta shuruudaha suuqyada caalamiga ah si loo ilaaliyo loona kordhiyo dhoofka xoolaha oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha Qaranka JSL. Wasiir-ku-xigeenku waxa uu carrabka ku adkeeyey in ay lama huraan tahay in Xoolaha aynu dhoofinno loo sameeyo Deked u gaar ah oo laga dhoofiyo.

Photos from Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL's post 01/06/2026

𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐚𝐱𝐢𝐥

Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Degmada Berbera ayaa hawlgal balaadhan oo Dawayn ah ka fuliyey Degaanka Boocle oo ka tirtasn degmada Laasodacawo.

Dhakhtiirta oo todobaadadii ugu dambeyey ku mashquulsanaa shaqada dhoofka xoolaha ee moosimka xajka ayaa dub u bilaabay adeegyadii daaweynta Xoolaha ee gobolka.

Dhakhtiirta ayaa maanta geelii ugu badnaa ee ku dhaqnaa deegaankaas daweyn balaadhan ku sameyey.

Dhanka kale Isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Saaxil, 𝐃𝐫. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐚𝐥𝐞𝐞𝐛𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐣𝐚𝐛 ayaa sheegay in ay soo gabo gabeeyeen gurmadkii socday mudada bisha ah ee ay u sameynayeen bulshadii soo guurtada ahayd ee ka soo guuray gobolada bariga Somaliland, kadib markii ay dub ugu guureen deegaanadii ay h**e uga soo guureen oo roobab wanaagsani ka Da’een.

26/05/2026

𝐂𝐢𝐢𝐝 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reermiyiga Mudane Axmed Osman Jama (Talo-same) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya dhammaan shaqaalaha Wasaaradda, shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta munaasabadda Ciidda awgeed.

Agaasimuhu wuxuu Alle uga baryayaa in Ciiddaan Ciiddeeda kale lagu gaadho nabad, caafimaad, barwaaqo iyo bashbash. Sidoo kale wuxuu shacabka ku dhiirrigelinayaa midnimo, wadajir iyo is-xaqdhawr si loo sii xoojiyo horumarka iyo nabadda dalka.
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال

26/05/2026

𝐂𝐢𝐢𝐝 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Cali Axmed Cabdi, waxa uu hambalyo iyo bogaadin munaasabadda barakaysan ee Ciidal Adxa awgeed u dirayaa dhammaan shaqaalaha Wasaaradda iyo guud ahaan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

Wasiir Ku-xigeenku waxa uu Alle SWT uga baryayaa in ciidan ciideeda lagu gaadho nabad, caafimaad, barwaaqo iyo bashbash, isla markaana uu dalkenna iyo dadkeenna ku manneysto horumar iyo isku duubni joogto ah.

Ciiddu ha inoo noqoto mid kheyr, farxad iyo barako ku suntan.

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال

26/05/2026

𝐂𝐢𝐢𝐝 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Cumar Shucayb Maxamed Wuxu Farxadda Maalinta Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Shaqaale Waynaha Wasaaradda iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland.

Wasiirku wuxu illaahay ka baryayaa inuu Caafimaad, Barwaaqo iyo badhaadhe inagu gaadhsiiyo Ciidan ciideeda.

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال

26/05/2026

Madaxa Mashruuca WFP ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarintta Reer Miyiga JSL, Dr. Ridwaan ayaa shaqaalaha ka faa'iidaystay Tabobarka SEADS kula dardaarmay in Aqoontaa ay barteen u sii gudbiyaan Bulshada Xoolo Dhaqato Beeralayda ah.

Photos from Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL's post 25/05/2026

GOBOLKA SAAXIL.
Kooxda hawlwadenada xananada xoolaha ee degmada mandheera ayaa si joogto ah uga wada shaqada daaweynta iyo nafaqaynta xoolaha soo guurtada.

Kooxdan ayaa shaqada wada muddo ku dhaw afar todobaad iyagoo shaqada soo bilaway kowdii bishan si maalinle ahna ugu adeega bulshada xoolo dhaqatada ah ee ka soo guuray abaaraha ka jira Gobollada bariga Jamhuuriyadda somaliland.

Photos from Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL's post 25/05/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Cali Axmed Cabdi CaliCantar,uu weheliyo Agaasimaha waaxda qorshaynta Dr Mohamed Abdi Hussein ayaa ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabisay,
Hay’adda Caymiska Qaranka (HCQ) oo maanta si rasmi ah u daah-furtay mashruuc cusub oo muhiim ah oo lagu xoojinayo suuqa caymiska ee Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Caymiska Khataraha Isbeddelka Cimilada gaar ahaan bulshada xoolo dhaqato beerelayda.

Mashruucan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo dalka, waxaana si wadajir ah u fulin doona Hay’adda Caymiska Qaranka (HCQ) iyo World Food Programme (WFP).

Munaasabadda daah-furka iyo kulanka bilowga shaqada oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka HCQ, Mudane Cabdirashiid Siciid Maxamed, ahna ku-simaha Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka.

Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee HCQ Mudane Cabdisalaan Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha NADFOR Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil, iyo wakiillo ka socday wasaaradaha Horumarinta Beeraha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Sidoo kale, waxaa ka soo qayb galay wakiillo ka socday World Food Programme (WFP) oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Madaxa Xafiiska Hargeysa Mr. John Mazunda, iyo Ms. Maria Ahmed, Madaxa Shirkadda Tamini Insurance, iyo La-taliyaha Sare ee HCQ Dr. Aadan Ismaaciil Xasan.

Mashruucan cusub ayaa diiradda saaraya xoojinta nidaamka caymiska khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada, si loo yareeyo saamaynta musiibooyinka dabiiciga ah ee saameeya nolosha bulshada, gaar ahaan bulshooyinka miyiga iyo kuwa nugul.

Ugu dambayn, kulanka ayaa lagu soo afmeeray heshiis iyo is-afgarad lagu xoojinayo wada-shaqaynta dhammaan daneeyayaasha mashruuca, iyadoo la isla qaatay in si degdeg ah loo bilaabo wejiga koowaad ee hirgelinta.

Photos from Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL's post 25/05/2026

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar) ayaa tababarka SEADS u soo xidhay qaybo ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.

Tabobarka SEADS oo socday mudo sadex cisho ah ayay shaqaaluhu ku baranayeen Aqoonta lagu Xoojinayo , Maaraynta, Beerista Calafka Xoolaha, iyo ka hortagga saameynta abaaraha.

Tababarkan oo qayb ka ah mashruuc ay Wasaaraddu si wadajir ah ula fulinayso hay’adaha WFP iyo KOICA, ayaa lagu taageerayaa hirgelinta qorsheyaal muhiim u ah horumarinta kheyraadka dabiiciga ah iyo adkeysiga bulshada xoolo-dhaqatada ah.

25/05/2026

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed ayaa Xirfadlayaasha ka faa'iidaystay Tabobarka Seads ku Booriyay inay Aqoontaa ay barteen u sii gudbiyaan Bulshadeena Xoolo dhaqato Beeralayda ah, si kor loogu qaado Wax soo saarka Calafka Xoolaha.

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Hargeisa
Hargeisa