21/05/2026
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha JSL oo ay ka mid ahaayeen Lataliyaha Wasiirka ee Arrimaha Ciyaaraha Mudane Khadar Jiilaal Jaamac, Isuduwaha Wasaaradda WDh&C ee Gobolka Maroodi-jeex Mudane Xasan Maxamed Muuse , Musharax Laila Omar (Jumeera) iyo Musharax Filsan Xuseen Khaliif ayaa maanta si rasmi ah uga furay Garoonka Kubada Cagta Maxamed Mooge Stadium ciyaar saaxiibtinimo oo lagu xusay munaasibadda 18-ka May,
taas oo dhex martay dhalinyarada maqalka xadidan ee gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal.
Masuuliyiinta ayaa ku dhiirrigeliyey ciyaartoyda, iyagoo bogaadiyey kartida iyo hibada ay soo bandhigeen. Gabagabadii Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa kusoo dhammaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Gobolka Awdal.
21/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Maxamuud Faarax, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay garoonka Garoonka Gas M. ee ku yaalla xaafadda Masalaha. Kormeerkan ayaa daaranaa indho-indhayn iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee garoonka iyo baahiyaha ka jira.
Wasiirka waxaa kormeerka ku weheliyay Gudoomiyaha Degmada Axmed Dhagax Ee dawlada Hoose Hargeisa, la taliyaha wasiirka ee arimaha ciyaaraha iyo Agaasimaha Waaxda Garoomada, Ciyaaraha, Maamulka, Dhalinyarada, ICTga
Masuuliyiinta ayaa warbixinno ka dhagaystay maamulka iyo hawl-wadeennada garoonka, iyagoo qiimeeyay horumarka shaqooyinka socda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada ciyaaraha ee dhalinyarada.
21/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Maxamuud Faarax, ayaa maanta xadhigga ka jaray Masala Play Zone oo laga daahfuray xaafadda Masalaha ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan Ciir Mall.
Daahfurkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo goobaha madadaalada iyo ciyaaraha ee dhalinyarada, si loo helo meelo casri ah oo ay bulshada, gaar ahaan dhalinyaradu, ku nastaan kuna horumariyaan hibadooda ciyaareed.
Munaasabadda xadhig-jarka waxaa goob-joog ka ahaa masuuliyiin kala duwan, maamulka Masala Play Zone iyo qaybaha bulshada deegaanka.
16/05/2026
Sawiro: Wasiirka Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaraha Mudane: Axmed Yasiin Maxamed Faarax oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka WDh&C Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) iyo Agaasimaha Guud ee WDh&C Mudane Cabdilahi Maxamed Maxamuud (jiidhe) ayaa Kulan Casho Sharaf ah u sameeyay Labada Koxood ee isugu yimid Finalka Tartanka 18 May ee Gobolka Awdal.
16/05/2026
Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Garoonka Hargeisa Stadium ciyaar saaxiibtinimo oo lagu maamuusayo munaasibadda qaran ee 18 May.
Furitaanka ciyaartan waxaa ka qayb galay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Hablaha, Marwo Asma Jama Kahin, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Waaxda Garoomada, Mudane Maxamuud Xasan Qodax Iyo sido kale
Ahmed Jama (AJ) Ahna Gudomiyaha Somaliland Football Diaspora .
Ciyaarta oo dhex martay labada kooxood ee hablaha Caasimadda, Hiigsi iyo Hillaac, ayaa ku soo dhammaatay guul ay 4–0 ku raacday kooxda Hiigsi, kuwaas oo soo bandhigay ciyaar heer sare ah iyo isku-duubni wanaagsan.
waxaana si wadajir u soo qabanqaabiyay Wasaarada Dhallinyarad iyo Ciyaarah iyo flywhere Ciyaartan waxa loo soo qaban-qaabiyay si kor loogu qaado ciyaaraha hablaha, isdhexgalka dhallinyarada, iyo dhiirrigelinta hibada ciyaartooyda.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland waxay hambalyo u diraysaa labada kooxood, iyadoo adkaynaysa muhiimadda ay leedahay horumarinta ciyaaraha hablaha iyo xuska qiimaha maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.
14/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yaasiin Maxamuud Faarax ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray Garoonka Kubadda Kolayga ee Hanuuninta Gobolka Awdal.
Munaasabadda furitaanka garoonka waxa Wasiirka ku wehelinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda WDH&C Md. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda WDH&C, Maayarka Magaalada, Badhasaabka Gobolka Awdal iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale, waxa qayb ka ahaa kormeerka Agaasime Waaxeedyada Waaxda Ciyaaraha iyo Garoomada ee Wasaaradda.
Dhanka kale, Wasiirka iyo waftigiisa waxa si diirran oo kal iyo laab ah loogu soo dhaweeyey Gobolka Awdal, halkaas oo bulshada gobolku ay muujiyeen taageero iyo farxad ay ku qabaan horumarka dhinaca ciyaaraha iyo dhalinyarada.
Furitaanka garoonkani waxa uu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda ee horumarinta ciyaaraha, dhiirrigelinta dhalinyarada iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.