11/06/2026
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo madaxweyne Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si wada-jir xariga uga jaray seddex waddo oo kala ah, 1. Horseed 2. Hanti-wadaag iyo Jowhar-bile kusaas oo sahli doona isku-socodka shacabka Magaalada caasimadda Hirshabeelle.
01/06/2026
Jowhar, June 01, 2026; Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle waxaa guul u ah in lasoo gaba-gabeeyay dhismaha wadooyinka Magaalada Jowhar.
Dhismaha wadooyinkaan oo ah afar wado oo laami ah oo ay yeelato Magaalada Jowhar, waxayna door muhiim ah ka qaadan doonaan fududeynta isu-socodka bulshada, Kor u qaadista adeegyada dadweynaha iyo Dhiirri-gelinta kobaca dhaqaale ee Degmada iyo Xoojinta isku xirka gobolka, taasoo muhiim u ah adkaynta midnimada iyo horumarka guud.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Mohamud Hassan Barise ayaa si wayn u bogaadiyey mashruucan, isaga oo tilmaamay in dhismaha wadooyinkaan ay ka mid yihiin mashaariicda waa weeyn ee laga hirgeliyo tan iyo burburkii dowladnimada, ka dib. Wasiirka waxa uu xusay in mashruucani uu yahay tusaale muuqda oo ka turjumaaya dadaalka dowladda ee dib u dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Wasaaradda Hawlaha Guud waxa ay sii wadi doontaa hirgelinta barnaamijyo horumarineed oo waaweyn oo diiradda lagu saaraayo dib u dhiska, Xoojinta isku xirnaanta juqraafiyeed iyo dhiirrigelinta horumar waara oo dhanka nolosha, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ah.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/
26/05/2026
WASIIR MAXAMUD BARiiSE OO U HAMBALYEEYAY UMADDA SOOMAALIYEED MUNAASABADDA CIIDUL ADXA.
JOWHAR | 26- MAY - 2026- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle, Mudane Mohamud Hassan Barise, ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaan umadda Islaamka, gaar ahaanna shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.
Mudane Wasiir Maxamud ayaa Alle uga baryey ummadda Soomaaliyeed nabad, barwaaqo, horumar iyo midnimo waarta, isaga oo shacabka ku dhiirrigeliyey xoojinta walaaltinimada, wada-jirka iyo is-garab istaagga bulshada dhexdeeda.
Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu Alle SWT ka baryey in sannadkan sannadkiisa lagu gaaro bash-bash, barwaaqo iyo xasilooni, isla markaana uu Eebbe ka aqbalo dhammaan acmaashii suubbanaa ee lagu guda jiray bisha barakaysan ee Dhul-Xijjah (ุฐู ุงูุญุฌุฉ).
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/
12/05/2026
SHIRKA WADATASHIGA IYO ANSIXINTA SIYAASADDA QARAN EE GURIYEYNTA OO MAANTA MUQDIAHO LAGU SOO XERAY.
MUQDIAHO | -12 - MAY - 2026 - Shirka Wadatashiga iyo ansixinta Siyaasadda Qaran Ee Guriyeynta, ayaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho, shirka oo labadii maalmood ee la soo dhaafay socday ayaa waxaa maanta si rasmi ah u soo xeray Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Salah Axmed Jaamac.
Shirkaan ayaa mudadii uu socday lagu falanqeeyay, loguna dooday Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka, waxaana ka qaybgalay Wasaaradaha Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeynta ee Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha la midka ah ee Dowlad Goboleedyada dalka.
Mudane Mohamud Hassan Barise, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Hirshabeelle, ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan cid kasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda shirka ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Dalka.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS, Mudane Ayub Ismail Yusuf , oo gabagabadii shirka ka hadlay, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka goโan tahay hirgelinta iyo miro-dhalinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka.
Ugu dambayn, Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo soo xiray shirka, ayaa u jeediyay mahadcelin guud dhammaan ka qaybgalayaasha, isagoo si gaar ah u bogaadiyay Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS dadaalka iyo waqtiga ay gelisay diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta dalka.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/
11/05/2026
WASIIRKA HOWLAHA GUUD DOWLADDA HIRSHABEELLE MUDANE Mohamud Hassan Barise OO KA QEYB GALAY SHIRKA WADATASHIGA IYO ANSIXINTA SIYAASADDA QARAN EE GURIYEYNTA SOOMALIYA.
๐๐๐๐ฟ๐๐๐๐ | -๐ญ๐ญ - ๐๐๐ - ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ -Shirka Wadatashiga iyo Ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya, oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Dowlad-Goboleedyada dalka, ayaa maanta ka qabsoomay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Shirkaan muhiimka ah waxaa ka qayb-galay Wasiirrada Hawlaha Guud ee Dowlad-Goboleedyada, Agaasimayaal, Lataliyeyaal, Khubaro dhinaca qorsheynta iyo guriyeynta ah, madaxda mashaariicda horumarinta, iyo hayโadaha caalamiga ah ee taageera dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka.
Ujeeddada shirkaan ayaa ahaa dhammeystirka iyo ansixinta Siyaasadda Qaran ee Guriyeynta Soomaaliya, si loo helo hannaan mideysan oo hagaya dib-u-dhiska magaalooyinka, horumarinta qorsheynta dhulka, iyo xal u helidda baahiyaha guriyeynta ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul iyo kuwa barakaca ah.
Siyaasaddaan Qaran ee Guriyeynta ayaa soo socotay tan iyo sannadkii h**e, iyadoo laga soo shaqeeyay diyaarinteeda iyo wada-tashiyo kala duwan oo lala yeeshay dhinacyada ay khusayso.
Shirkaan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa maanta si qoto dheer loogu lafaguray qodobbo la xiriira siyaasadda guriyeynta, qorsheynta magaalooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo la filaayo in maalinta berri ah lagu soo gabagabeeyo isla markaana laga soo saaro goโaanno muhiim ah.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
__________________________________________
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/
11/05/2026
FURITAANKA :- SHIRKA WADATASHIGA IYO ANSIXINTA SIYAASADDA QARAN EE GURIYEYNTA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD XFS IYO WASAARADDAHA DOWLAD-GOBOLEEDYADA DALKA.
Mudane Mohamud Hassan Barise Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta -Dowladda Hirshabeelle.
12/04/2026
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo ay wehliyaan Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta, Mohamud Hassan Barise iyo Maamulka Gobalka Shabeellaha Dhexe iyo kan Degmada Jowhar ayaa kormeer shaqo ku tagay dhismaha wadooyinka laamiga ee laga hirgeliyay Magaalada Jowhar.
Kormeerkaan ayaa ujeedadiisu ahayd idho-indheeyn iyo hubinta tayada dhismaha wadooyinka ee Caasimadda kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya bilicda Magaalada, isu socodka bulshada iyo horumarka Guud ee Magaalada.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay injineerada gacanta ku haya dhismaha, iyo in ay ku soo gaba-gabeeyaan dhismaha wadada waqtigii loo qorsheeyay.
Dhanka kale, qaar ka mid ah bulshada iyo dadka isticmaala waddada ayaa soo dhaweeyay mashruucan, iyagoo sheegay in ay h**ey dhibaatooyin badan ugu qabeen burbursanaanta wadooyinka.
-๐๐๐๐๐๐๐๐-
Xafiiska Warfaafฤฑnta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/share/1Xc4QJGDCF/