10/06/2026
Hambalyo Hambalyo
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu ku garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday, kana siiyo xikmad, caddaalad iyo karti uu ugu adeego shacabka reer Koonfur Galbeed.
Waxaan rajaynaynaa in hoggaankiisu horseedo midnimo, nabad, wadajir iyo horumar ay ku naaloodaan dhammaan bulshada reer Koonfur Galbeed.
Ilaahay ha waafajiyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla.
Hambalyo iyo guul. 🇸🇴
04/06/2026
Hambalyo.
1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada 3aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya; Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan.
2. Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada 3aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya; Aadan Xasan Maxamed (Usaama).
3. Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya; Shamso Maxamed Yarow.
Ilaah ha idinla garab galo xilka culus ee la idiin doortay.
01/06/2026
SEDAX QODOB OO KU SAABSAN KHILAAFAKA CANSHUURTA IYO WARQADAHA AY SOO SAAREEN WASAARADAHA MAALIYADDA IYO GAADIIDKA
QODOBKA 1AAD: -
Shirkii ugu dambeeyey ee Gobollada iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed, Wasaaradda Maaliyaddu waxay soo bandhigtay isbarbardhigga dakhliga soo xarooday sanadihii 2023, 2024 iyo 2025 ee degmooyinka Koonfur Galbeed. Wasaaraddu waxay sheegtay in 18-ka degmo ee Koonfur Galbeed ay canshuur ka qaaddo 4 degmo, kuwaas oo saddex ka mid ah ay ku yaallaan Gobolka Shabeellaha Hoose, halka degmada afraad ay tahay Baydhabo. Sida ay Wasaaraddu sheegtay, Degmada Baydhabo waxay sannadkii 2023 keliya u soo xareysay $55,000. Hase yeeshee, sanadihii ka dambeeyey maamulka degmada Baydhabo ayaa diiday in Wasaaradda Maaliyaddu canshuur ka qaaddo degmada, waxaana ilaa hadda canshuurta dowladda qaada maamulka degmada.
Sidoo kale, lacagaha ay Wasaaradda Maaliyaddu sheegtay inay kasoo xarootay Degmooyinka Afgoye, Baraawe iyo Wanlaweyn sanadihii 2023, 2024 iyo 2025, sida ka muuqata jadwalka iyo sawirka lifaaqan, waxaa dood adag ka keenay guddoomiyeyaasha saddexdaas degmo. Waxay su’aal geliyeen sax ahaanshaha xogtaas, iyadoo Wasaaradda Maaliyadda lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo maamul xumo, isla markaana la sheegay in aysan xitaa 20% dhameyn lacagaha ay sheegtay inay kasoo xarootay degmooyinkaas. Sidaas darteed, haddii aan la hirgelin nidaam maaliyadeed oo mideysan oo laga qaado dhammaan degmooyinka Koonfur Galbeed, sax ma aha in Wasaaradda Maaliyaddu canshuur ka qaaddo oo keliya degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.
QODOBKA 2AAD:-
Canshuuruhu waa laba nooc: Canshuurta Dowladda Hoose iyo Canshuurta Wasaaradda Maaliyadda.
Marka laga reebo canshuuraha kastamyada oo ay wasaradda maaliyadu iska leedahay, canshuuraha kale waxaa iska leh Dowladaha Hoose waxaana ka mid ah suuqyada xoolaha iyo gaadiidka yaryar ee degmada ka dhex shaqeeya, canshuurtaas waxaa loogu talagaley in lagu hormariyo degmada. Dhanka kale, Wasaaradda Maaliyaddu waxay xaq u leedahay inay canshuur ka qaaddo gaadiidka waaweyn ee gobollada isaga kala goosha. Labadani waa shaqooyin kala madax-bannaan. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan canshuurahaasi waa inay ku socdaan nidaam maaliyadeed oo la isku waafaqsan yahay, isla markaana leh hufnaan (transparency) iyo isla xisaabtan.
QODOBKA 3AAD:-
Wasaaradaha Gaadiidka iyo maaliyadda waa inay ogaadaan in mandate-koodu yahay inay qaadaan canshuur mideysan oo laga qaadayo dhammaan saddexda gobol ee Koonfur Galbeed. Ma aha wax la aqbali karo in canshuur laga qaado oo keliya degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo aan canshuurtaas laga qaadin gobollada kale.
Sidaas darteed, inta laga helayo nidaam maaliyadeed oo hufan (transparent) isla markaana leh isla xisaabtan (accountable), maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu xaq u leeyahay inuu qaado dhammaan canshuuraha gobolka laga qaado oo ay ka mid yihiin mootooyinka iyo canshuurta Geela oo ay leeyihiin Dowladaha Hoose, kuwaas oo ah kuwo hadda muranka ka taagan yahay.
Waa su,aalee, haddii gobollada kale aan laga qaadayn canshuurtaas, yaa ku waajibiyey Gobolka Shabeellaha Hoose keliya inuu bixiyo ama laga qaado canshuurta?
30/05/2026
World champions legue🏆PSG
30/05/2026
21 cup🏆ma arkin 21 kale ku si dhiman 🤣🤣Ibrahim Adan Ali Najah
26/05/2026
Hambalyo guud ahaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa 1447 Hijriya.
Waxaan Allah SWT ka baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa nagu gaarsiiyo nabad, barwaaqo, caafimaad, iyo horumar waara. Ciiddaan ciiddeeda kale Allaha nagu gaarsiiyo bashbash iyo kheyr.
🌙✨
26/05/2026
Waxaan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa 7-da xildhibaan ee cusub ee loo doortay iney igu matalaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS). Waxaan idiin rajeynayaa guul, daacadnimo, iyo inaad shacabka aad mataleysaan ugu adeegtaan si hufan oo cadaalad ah.
15/05/2026
Hambalyo dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May — Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Maalintani waa astaan muujinaysa geesinimada, midnimada, hal-abuurka, iyo doorka muuqda ee ay dhallinyaradu ku leeyihiin horumarka iyo mustaqbalka dalka. Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada, rajada ummadda, iyo awoodda horseedi karta nabad, cadaalad, iyo horumar waara.
Waxaan idin rajeynayaa mustaqbal ifaya, guul joogto ah, iyo inaad noqotaan hoggaamiyeyaasha berri ee Soomaaliya
10/05/2026
Waxaan maanta sharaf weyn ii ahayd inaan qeyb ka noqdo shacabka Caasimadda Gobolka Shabeellaha Hoose ee Marka Cadey, anigoo codkeyga dhiibtay markii iigu horreysay. Waa dareen farxad iyo masuuliyad leh inaan ka qeyb qaato geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo doorashooyinka dalkeenna.
Muwaadin, codkaagu waa awooddaada. Ka qeyb qaado doorashooyinka, una codee hoggaan horseeda nabad, horumar iyo barwaaqo waarta. Aynu gacmaha is qabsanno si aan u gaarno mustaqbal ifaya iyo Koonfur Galbeed barwaaqo ah.
Ballanteennu waa 15-ka Shimbirta Cagaaran.