Abudwak Reading Club

Abudwak Reading Club

Share

boga rasmiga ah ee naadiga aqriska iyo qoraalka ee degmada abudwak.

26/05/2026

CIID MUBARAK DHAMAAN umada somaliyeed iyo muslimiintaba, alle acmasha iyo xasanadka haynaga aqbalo, cidan mideda kalena nabad haynagu gadhsiyo
Abudwak Reading Club

25/05/2026

GUDIGA KUMEEL GAARKA AH EE NAADIGA AQRISKA IYO QORAALKA DEGMADA ABUDWAK ( Abudwak Reading Club ).

24/05/2026

Abudwak Reading Club
05/JUNE/2026. 04:00pm
MAKTABADA DEGMADA ABUDWAK
Nachi Ali

22/05/2026

130 MALMOOD iyo qayb kamid ah naadiga aqriska iyo qoraalka degmada abudwak.

Abudwak Reading Club

09/05/2026

Ustaad Nurre Warsame iyo dhiganihii HOW MUCH LAND DOES A MAN NEED.

25/04/2026

Sheekadu waxay ka hadlaysaa nin beeraley ah oo la yiraahdo Pahom, kaas oo aaminsan in haddii uu helo dhul badan uu farxad iyo nolol fiican heli doono. Markuu helo dhul yar, wuu ku qanacsan yahay markii h**e, balse damaciisu wuu sii kordhaa, wuxuuna mar walba rabaa dhul ka badan kii uu haystay.

Ugu dambeyntii, Pahom waxaa la siyaa fursad uu ku heli karo dhul badan inta uu hal maalin lug ku wareegi karo. Wuxuu isku dayaa inuu helo dhul aad u badan, laakiin wuxuu ku daalaa socodka dheer iyo dadaalka xad-dhaafka ah. Markuu isku dayayo inuu dib ugu soo laabto meesha uu ka bilaabay ka hor qorrax dhaca, wuu dhacaa oo wuu dhintaa.

👤Nurre Warsame

15/04/2026

Dhanka waxbarashada waxaad moodaa dhamaanteen in aanu soo wada marnay hal nidaam taclineed welina aynu ku dhaqmayno, isbadal buuranna uusan muuqan iyada oo nolosha dhankaste ay iska badashay lagana maarmin in qofka maskax ahaan loo dhiso.
Waxa aan soo jedin lahaa saddex qodob in ay mudnaan lahayd in lagu daro nidaamka taclineed ee dalkeena, bugaag la jaanqadaysana loo diyaariyo haddi ay taasi suurto gali waydana maamulka iyo barayaasha ay masuuliyad qaas ah iska saaraan saddexdaas:

1.Maaraynta waqtiga ( Time management skills )
Hubaal waynu ogsoonahay sida casriga tiknoolajiyada ay nolosheena u saamaysay sidaa darteed qofka sinaba oogaga maarmi mayo in la baro nidaamka waqti maaraynta si uusan jahwareer oogu dhicin,taasina waxay ku tababaraysaa si un in uu oga faa'idaysto waqtigiisa.

2.Hab-fikirka tolmoon ( critical thinking skills )
waxay ka caawinaysaa in ardayga uu noqdo mid waxqabad leh,ruuxa marka uu maskax ahaan u fakarayo weliba si togan ayuu waxsoosaarkiisa heersare noqnayaa,weliba bal u fiirso waqtigaan waxaa aad usoo badatay samaynta taban ee miidiyaha.

3.Xalinta khilaafadka ( conflict resolution )
Tani faa'iidadeeda waa ay cadahay oo ardayda isku khilaafto waxyaabaha aan micnaha lahayn baa looga raysanayaa arday kastana wuxuu noqonayaa ruux markii laga soo tago fasalkiisa, ardayda kale iyo xafada uu ku noolyahayba xal u raadiya khilaafoodkooda.
Waxayna ka dhigaysaa mid isdiidooyinka gudihisa ku jira u kaana xal oo aana ku dhibtoon isbadalka waqtiga,iskhilaafka ruuxeed ee gudaha naftiisa iyo tan dadka ku xeeranba.

W/Q: Ixsaan Maxamed

10/04/2026

Buugga Baaqa Shuuciga—Cummunist Manifesto—waxaa 1848-dii soo saaray Kaaral Maarkis iyo saaxiibkii Eengelis. Sannaddii 2020-kiiayaana Cabdicasiis Aw Guudcadde u turjumay afkeenna hooyo ee Soomaaliga.

Dhawaan waxa ino gorfayn doona. Mahad osmaan. Oo kamid ah naadiga aqriska iyo qoralka degmada abudwak.
Abudwak Reading Clup

23/03/2026

Jimcaha waxaa ino qabsoomi doona gorfaynta iyo sokoobida dhiganaha HIRDAN ee uu qoray MAHAMED QUDUB af keena hooyana uu inogu turjumay MAHAMED GAANI.

Moktar Abdikani Sh Adem

19/03/2026

NAADIGA AQRISKA IYO QORALKA DEGMADA CAABUDWAQ WAXAY UMADA SOMALIYEED IYO MUSLIMINTABA UGU HAMBAL YEYNAYAAN, MALMAHA CIIDA EE ISLAAMKA U QAASKA AH.

WAXAAN UMADA SOMALIYEED ILAHAY UGU BARYAYNAA IN ABARAHA DASHADAY IYO COLADAHA SOO NOQNOQANAYA UU KA QADO.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Abudwak
Mogadishu
HORSEED