Hirsi Ganni

Hirsi Ganni

Share

Minister of State in the office Prime Minister of Somalia.

Photos from Hirsi Ganni's post 20/06/2026

Sharaf weyn ayay noo tahay in maanta magaalada Muqdisho noogu qabsoomay shirweynaha beesha Awrtable, isla markaana si diirran loogu soo dhaweeyey Ugaas Omar Ugaas Geelle.

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen haweenka, odayaasha dhaqanka, waxgaradka, dhalinyarada iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta midnimada, wadajirka iyo iskaashiga beesha iyo sii xoojinta doorka qaybaha kala duwan ee beeshu ka qaadanayaan horumarka, nabadda iyo wada noolaanshaha wanaagsan.

Waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan intii ka qayb qaadatay qabsoomidda shirkan muhiimka ah, waxaana rajaynaynaa in uu noqdo mid horseeda midnimo, is-afgarad iyo horumar waara.

Photos from Hirsi Ganni's post 20/05/2026

Maanta waxaan Xarunta Qaran ee Tubsan ku soo dhoweynay wafdi heer sare ah oo ka socda KOICA iyo UNDP, waxaana ka wada hadalnay xoojinta wada-shaqaynta kahortagga fikirka xagjirka ah iyo taageerada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaan bogaadiyay taageerada ay hay’adahani siiyaan Soomaaliya, anigoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqayn dhow oo lala yeesho Xarunta Tubsan si loo xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo xagjirnimada.

Photos from Hirsi Ganni's post 13/05/2026

Waxaan maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweynay Ugaas Cumar Ugaas Geelle oo kamid ah isimada ugu facaweyn ee dalka Soomaaliyeed.

Ugaas Cumar wuxuu door muuqda kasoo qaatay geeddi-socodkii dib-u-heshiisiinta iyo soo kabashada dowladnimada Soomaaliya, isaga oo kamid ahaa isimadii dhaqanka ee hormuudka ka ahaa shirarkii dib-u-heshiisiinta dalka.

Waxaan Ugaaska uga mahadcelineynaa doorkiisa waayeelnimo iyo dadaallada uu mar walba ku bixiyo ilaalinta midnimada, wadajirka, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

29/04/2026

Congratulations, Judge Warsame on your nomination as a Justice of the Supreme Court of Kenya.

I have great confidence in your knowledge and extensive experience in the judiciary, a field you have served with distinction for many years.

May God guide you and grant you success in carrying this responsibility. I wish you every success.

25/01/2026

Wasiir Dowlaha Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Jaamac Gaani ayaa maanta la kulmey Safiirka Dowladda Qatar Mudane Dr Abdullahi Salem Alnuaimi.

Wasiir Hirsi oo uu weheliyo Agaasimaha Xarunta Qaran ee Tubsan Mudane Cali Yaasiin Gurbe
Ayaa Safiirka kala hadley wada shaqeeynta Safaaradda iyo Xarunta Qaran ee Tubsan, kulanka ayaa sidoo kale lagu dheeraadey ka wada shaqaynta iyo iska garabsiinta ladagaalanka Fikirka Xagjirka ah ee labada dal.

Photos from Hirsi Ganni's post 25/10/2025

Waxaan Hambalyo Meher u dirayaa Wiilka aan adeerka u ahey ee Abdinor Oketch Salah iyo Marwadiisa Isra Ibrahim oo maanta Meherkoodu ka dhacey magaalada Nairobi.

Reerka waxaan Alle uga baryin in uu Barakeeyo Qoyska cusub.

Photos from Hirsi Ganni's post 14/09/2025

Waxaan maanta tababbar muhiim ah u furay saraakiisha sar sare ee wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tababbarkan wuxuu diiradda saaraya hoggaaminta iyo maareynta waxqabadka, si loo horumariyo adeegyada bulshada ee shacabka Soomaaliyeed ay xaqa u leeyihiin.

Tababbarka oo socon doona muddo toddobaad ah, ayaa lagu baranayaa xirfadaha casriga ah ee maamulka, hoggaaminta ku dhisan aragtida Xukuumadda, iyo horumarinta adeegyada ay hay’adaha dowladdu siiyaan bulshada. Waxa kale oo lagu xoojinayaa fahamka la xiriira isla xisaabtanka, qorsheynta istaraatiijiyadaha wasaaradaha, iyo sida loo dhiso hay’ado daah-furan oo hirgeliya waxqabad muuqda.

Waxaan aaminsanahay in shaqaalaha dowladda oo xirfad sare leh ay yihiin laf-dhabarta u noqonayaan horumarka dalka.

06/09/2025

Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida ku timid Taliye ku xigeenkii h**e ee qaybta gobolka Mudug, taliyihii h**e ee saldhigga degmada Burtinle, sidoo kalena hadda ahaa taliyaha ururka Gaadaale, Col. Cabdiqaadir Gacameey, iyo dhalinyarada kale ee ku dhimatay Toga Jecel ee buuraha Calmiskaad.

Alle waxaan u weydiin naxariistii janno; samir iyo iimaan Alle haka siiyo ehelka, ciidamada Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Caafimaad iyo bogsasho ayaan u rajaynayaa ciidamada kale ee dhaawaca ah. Ciidamadu waxay naftooda u hibeeyeen sidii ay uga hortagi lahaayeen khawaarijta arxanka daran ee duulaanka ku ah dalkeenna.

25/08/2025

War Murtiyeedka Madasha Samata-bixinta.

25/08/2025

Horey ayaa loo socon, Dalkuna waa Guulaysan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Hawl Wadaag
Mogadishu
00252