Madalsan Party

Madalsan Party

Share

Fadlan la xariir +252 61 8798164 iyo +252 61 5833428

Aragtida Madalsan waa Soomaaliya oo muwaadin walba cod leeyahay, Maamul Gobaleed kasta + Maamul Gobaleedka Banaadir matalaad uu leeyahay, oo jiil walba fursad heli karo.

11/06/2026

Soomaaliyeey Toosoo toosoo isku tiirsada...

26/05/2026

CIID WANAAGSAN

Urur Siyaasadeedka Madalsan waxaa uu hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidda u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Guddoomiyaha Ururka Mudane Mukhtaar Xuseen Wehliye wuxuu Alle uga baryayaa ummadda Soomaaliyeed nabad, barwaaqo, midnimo iyo horumar joogto ah.

CIID MUBAARAK

Allaha naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd.
Madalsan

24/05/2026

Urur Siyaasadeedka Madalsan ayaa u magacaabay Mudane Abdisalan Jalil Janakow inuu noqdo Madaxa Urur Siyaasadeedka Madalsan Gobalka Hiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle

Photos from Madalsan Party's post 14/05/2026

Ururka Madalsan oo magacaabay qaar ka mid ah maamulka Degmada Matabaan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle

Photos from Madalsan Party's post 14/05/2026

Hogaamiyaha urur Siyaasadeedka Madalsan ee Dowlad Gobaleedka Galmudug oo magacaabay qaar ka mid ah Maamulka Degmada Cadaado

06/05/2026

Dowlad Gobaleedka KGS hadda ayay Hogaamiye Heshay...

06/05/2026

Xafladda Shaacinta Musharax Madaxweyne Dowlad Gobaleedka KGS Dr. Ibrahim Moalin Nur....

Photos from Madalsan Party's post 06/05/2026

Soo dhawaaw Musharax Madaxweyne Dowlad Gobaleedka KGS Dr. Ibrahim Moalim Nurow.

05/05/2026

Halkan waa Baydhaba Janaan iyo Urur Siyaasadeedka Madalsan

Reer Baydhaba Janaay Guuleysta

Photos from Madalsan Party's post 03/05/2026

Urur Siyaasadeedka Madalsan waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqayaa musharraxa Ururka Madalsan ee xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed;

Mudane: Dr. Ibrahim Moalim Nur

Dr. Ibrahim Moalim Nur waa halgamaa qaran, hoggaamiye geesi ah, iyo shaqsi muddo dheer u adeegayay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka danyarta ah ee u baahan gargaar iyo daryeel.

Waa aasaasaha xarumo caafimaad (isbitaallo) oo loogu talagalay in lagu badbaadiyo laguna daryeelo dadka aan awoodin adeegyada caafimaadka, taas oo ka tarjumeysa naxariistiisa, xilkasnimadiisa iyo u heellanaantiisa adeegga bulshada.

Ururka Madalsan waxa uu aaminsan yahay in Dr. Ibrahim uu leeyahay:
• Aragti fog oo hoggaamineed
• Khibrad iyo karti siyaasadeed
• Daacadnimo iyo u adeegidda shacabka
• Hufnaan iyo cadaalad

Barnaamijka Musharraxa
Musharrax Dr. Ibrahim Moalim Nur waxa uu xoogga saari doonaa:
• Xoojinta amniga iyo nabadgelyada
• Furidda wadooyinka iyo isu-socodka deegaanada KGS
• Horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka
• Sugidda cadaaladda iyo dowlad wanaagga
• Horumarinta adeegyada bulshada (caafimaadka iyo waxbarashada)
• Dhiirrigelinta midnimada iyo wadajirka bulshada

Fariin ku socota Shacabka
Ururka Madalsan waxa uu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Koonfur Galbeed in ay taageeraan musharraxa Dr. Ibrahim Moalim Nur, si loo helo hoggaan cusub oo horseeda nabad, horumar, cadaalad iyo mustaqbal ifaya.

Guusha shacabka waa guusha Madalsan.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address

Maka Al-Mukarama, Hodan
Mogadishu