09/06/2026
Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, oo aan maanta kulan la yeeshay, ayaan uga wada hadalnay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, horumarinta awoodda hay’adaha, iyo taageerada farsamo ee lagu xoojinayo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu sugayo xasilloonida dalka.
Sidoo kale, waxaan ka wada hadalnay taageerada tababarrada iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda, kor u qaadista iskaashiga la xiriira ka hortagga khataraha amni, la tacaalidda walxaha qarxa iyo miinooyinka oo halis ku ah badqabka shacabka Soomaaliyeed.
09/06/2026
Maanta waxaan shir-guddoomiyey kulanka joogtada ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, kaas oo aan dib ugu eegnay horumarka howlaha wasaaradda, fulinta qorshaha shaqo ee sannadlaha ah, maamulka maaliyadda, horumarinta shaqaalaha, iyo dadaallada dib-u-habeynta hay’adeed.
Waxaan adkaynay muhiimadda wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo dardargelinta hirgelinta qorshayaasha mudnaanta leh si loo xoojiyo waxqabadka wasaaradda loona xaqiijiyo adeegyo dowladeed oo hufan, tayo leh, kana jawaaba baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.
Dhisidda hay’ado dowladeed oo awood leh, hufan, isla markaana wax ku ool ah waa tiir muhiim u ah horumarka iyo amniga dalka.
***********************
Chaired the Ministry Directors’ biweekly meeting to review progress on our annual work plan, institutional reforms, financial management, and workforce development. We reaffirmed our commitment to accountability, enhanced institutional performance, and alignment with priorities to improve public service delivery across Somalia.
08/06/2026
Muqdisho, Soomaaliya – 08 Juunyo 2026
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, horumarinta awoodda hay’adaha amniga, iyo taageerada farsamo ee lagu xoojinayo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo ku saleysan danaha wadajirka ah iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibbada caalamiga ah.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay taageerada tababarrada iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda Amniga Gudaha, xoojinta awoodda hay’adaha amniga, iyo kor u qaadista iskaashiga la xiriira ka hortagga khataraha amni iyo la tacaalidda walxaha qarxa iyo miinooyinka oo halis ku ah badqabka shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Shiinaha, iyada oo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhismaha awoodaha hay’adaha dowladda, iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara iyo xasillooni dalka ka hanaqaadda.
07/06/2026
Waxaan maanta ka qeybgalay kulan heer sare ah oo lagu lafa-gurayay qorshaha wada-shaqeyneed ee ONS iyo UNMAS. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka (ONS), Mudane Cabdimaalik, iyo Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Miinooyinka (UNMAS), Marwo Fran O’Grady.
Qorshahan wada-shaqeyneed wuxuu yahay madal ay hoggaaminayso Dowladda Soomaaliya, taas oo isku xirta hay’adaha dowladda si loo xoojiyo dadaallada la xiriira ka hortagga miinooyinka iyo yaraynta khataraha ka dhasha walxaha qarxa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa Istaraatiijiyadda Qaranka ee Ka Hortagga Qaraxyada Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa, iyo sidii loo horumarin lahaa qorshayaasha Maareynta Hubka iyo Rasaasta. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay horumarka muuqda ee ay sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo si isa soo taraysa ula wareegaya mas’uuliyadda howlaha la xiriira ka hortagga qaraxyada, baarista iyo burburinta walxaha qarxa, iyo maareynta hubka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Hay’adda Maareynta Walxaha Qarxa ee Soomaaliya (SEMA) ay ku leedahay isku-duwidda howlaha bani’aadannimo ee la xiriira miino-baarista, si loo gaarsiiyo taageero iyo badbaado bulshooyinka ay saameeyeen miinooyinka iyo walxaha qarxa ee dalka.
Mudane Mohamed Hassan Shire ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo xoojiyo amniga dalka loona ilaaliyo badqabka shacabka Soomaaliyeed. 🇸🇴
*************************
Today in , I attended a high-level meeting for the ONS-UNMAS Roadmap, alongside Director General Abdimalik of the Office of National Security and UNMAS Chief Fran O'Grady. The Roadmap serves as a central Somali-led forum promoting a whole-of-government approach to mine action and explosive threat mitigation.
Discussions focused on operationalizing Somalia’s National Counter-IED Strategy and advancing the Weapons and Ammunition Management work plan. The meeting acknowledged the progress made by the Somali National Army and Somali Police Force in assuming responsibility for -IED, , and capabilities, while also highlighting SEMA's vital role in coordinating humanitarian mine action efforts for communities affected by explosive hazards.
02/06/2026
Waxaan maanta ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kulan aan la yeelannay wafdi ka socday EUCAP Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Madaxa Howlgalka EUCAP Soomaaliya, Mudane Kestutis Lancinskas.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, taageerada farsamo iyo tababarrada la siiyo hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo Ilaalada Xeebaha. Sidoo kale, waxaan ka wada hadalnay dib-u-eegista istaraatiijiyadda EUCAP iyo sidii taageerada ay bixiyaan loo waafajin lahaa mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaan adkeynay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda, wada-shaqeynta iyo lahaanshaha dowladda ee dhammaan dadaallada lagu taageerayo hay’adaha amniga dalka, si loo xaqiijiyo hufnaan, iswaafajin iyo natiijooyin waara.
Waxaan uga mahadcelinayaa EUCAP Soomaaliya iyo Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan hay’adaha amniga Soomaaliya, waxaana rajeynayaa in iskaashigeennu sii xoojiyo nabadda, xasilloonida iyo amniga dalka.
********************
Today, I joined H.E. Gen. , Minister of Internal Security, in a meeting with a delegation from led by Head of Mission Kestutis Lancinskas.
Our discussions focused on strengthening security cooperation, technical assistance, and training for Somalia’s security institutions, including the Police, Darwish forces, and Coast Guard, as well as the upcoming review of EUCAP’s support strategy to align it with Somalia’s security priorities.
I appreciate and for their continued partnership in supporting Somalia’s peace, stability, and security.
26/05/2026
Waxaan farxadda munaasabadda Ciidul Al-Adxaa la wadaagayaa halkan kula wadaagayaa dhammaan Shacabka Soonaaliyeed iyo guud ahaan umadaha mislimiinta.
Allah SW ciidaan ciideeda nabad, bashbash iyo barwaaqo hanagu gaarsiiyo.
24/05/2026
Ministry of Internal Security -Somalia