""Just be still listen to us for thirty minutes. That way we can profit from our conversation, and you might even learn something!""
RESULT: How to turn an onlooker into a sniper.
Naima Omar
Boggan waxaad ka heli doontaa qormooyin iyo muuqaalo ku saabsan cilmiga adeega bulshada (Social work).
22/10/2022
Not everyone has to know everything about you. Be private. Be exclusive. Be dignified.!
24/09/2022
sida loo baadho xanuunkaan loo yaqaano laba-cirfoodka (BD). horaan waxaan ugu soo hadalnay waxa uu yahay iyo calaamadaha lagu garto.
Cudurka laba-cirifoodka ah baaritaankisa weli laguma ogaan karo physiological ahaan, ama in la baaro dhiigga ama maskaxda qofka. Hadda, si xanuunkaan loo ogaado ama loo baaro ah waxa uu ku salaysan yahay in calaamadahiisa, iyo taariikhda qofkaa qaba jiradaa qoyskiisa dib loo eego. Dhakhaatiirtu waxay meesha ka saarayaan xaaladaha kale ee caafimaad, sida buro maskaxeedka, istaroogga (suuxdinta) ama cudurrada kale ee la xidhiidha maskaxda ee xittaa keeni kara niyad-jabka, iyo waalida.
Noocyada kala duwan ee xanuunka laba-cirifoodka waxaa lagu ogaadaa iyadoo lagu salaynayo qaabka iyo darnaanta xanuunada maskaxda iyo niyad-jabka qofkaa hayo ilaa ay heerka ay gaarsiisanyihiin. Dhakhaatiirtu badanaa waxay baari karaan maskaxda iyo khalkhalka dabeecadeed ee qofka uu dareemayo iyagoo isticmaalaya tilmaamo iyo hogo tusaleeyn ka yimid Buuggagta Cilmi-baarista (research books) iyo Tirakoobyada (statistically) dadka Xanuunnada dhimirka ah qaba, Diagnostic and Statistical manual of mental disorders (DSM). Marka loo eego DSM, waxaa jira afar nooc oo asaasi ah oo xanuunka laba-cirifoodka ah:
1. Laba-cirifoodka waxaa inta badan lagu qeexaa waali (manic) ama dhacdooyin isku dhafan oo socda ugu yaraan toddobo maalmood, ama calaamadaha waalida ee aadka u daran oo qofku u baahan yahay in daryeel isbitaal degdeg ah la keeyo. Caadiyan, qofku waxaa kale uu leeyahay xanuuno niyad-jab ah, oo caadi ahaan qaata ugu yaraan laba toddobaad. Calaamadaha waallida ama niyad-jabka waa inay ahaadaan isbeddel weyn oo ka imanaya dabeecadda caadiga ah ee qofka uu leeyahay.
2. Laba-cirifoodka waxaa lagu qeexaa niyad-jab, qaabka xanuunada uu qofka si caadi u dareemo una soo wajahayo niyadjab-ka (Depression) ee gadaal iyo gadaal u wareegaya oo leh qaybo hypomanic ah, laakiini ma'ahan waali buuxda sida tan h**e aan soo sheegnay oo akle uu qofka u dareemayo (fully manic).
Laba-cirifoodka aan si kale loo cayimin, Bipolar Disorder Not Otherwise Specified (BP-NOS) waxaa la ogaadaa marka qofku leeyahay calaamadaha jirada oo aan buuxin shuruudaha ogaanshaha ee labada h**e aan soo sheegnay 1 ama 2. Calaamaduhu waxa laga yaabaa shaqsigaa in aanay ku sii jiri karin muddo dheer, ama qofka waxa laga yaabaa in ay yeeshaan calaamado aad u yar, si loo ogaado laba-cirifoodka 1 ama 2. Si kastaba ha ahaatee, astaamuhu si cad ayay uga baxsan yihiin dabeecadda caadiga ah ee qofka.
3. Cyclothymic Disorder, ama Cyclothymia, waa nooc fudud oo ka mid ah xanuunka laba-cirifoodka ah. Dadka qaba cyclothymia waxay qabaan marxalado hypomania ah, waa dad niyad-jab caadi iska ah dareema oo gadaal iyo horaba ama daba ka wir-wir oo kale ugu dul wareegaya ugu yaraan laba sano. Si kastaba ha ahaatee, astaamuhu ma buuxinayaan shuruudaha ogaanshaha ee nooc kasta oo kale ee xanuunkaan laba-cirifoodka ah.
4. Dadka qaar ayaa dhacdo in xanuunkooda nuuciisa lagu ogaado xanuunka laba-cirifoodka degdega ah. Tani waa marka qofku uu yeesho afar ama in ka badan astaamo oo niyad-jabkii caadiga ahaa ka weyn sida: waallida tiiska, waali aan toos aheeyn lakiini ku xigeen ah (hypomania), ama calaamado kale ee isku dhafan, (mixed mania) sanadkii gudihiisa.
.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Mogadishu
252
