19/03/2026
CIID WANAGSANโญ๏ธ๐
Dhamaan umadda Islaamka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meel walba aad joogtiin. Rabbi hanaga dhigo kuwii laga aqbalo acmaashii wanagsaneed, dambigoodana alle dhaafay. AAMIIN
11/03/2026
Liiska Nootaayooyinka shaqeeya sanadka 2026. Una diiwaan-gashan Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS.
18/02/2026
๐๐๐ฆ๐๐๐๐ง ๐๐ฎ๐๐๐ซ๐๐ค! ๐
Soon qaad wanagsan dhamaan umadda islaamka ah, gaar ahaan bulshada soomaaliyeed. Allaha naga dhigo kuwa ka faaโiideysta bisha barakaysan ee ramadaan.
๐
08/11/2025
Hambalyo dhamaan saraakiisha sharci yaqaanada ah ee Nootaayooyinka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka banaadir.
UJEEDDO: HAMBALYO XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NOOTAAYOOYINKA ADUUNKA (7 NOVEMBER)
Maanta oo kale markii ay taariikhdu tahay 07 - Nov - 2025 waxaa aduunka laga xusaa maalinta Nootaayada Aduunka (NOTARY PUBLIC DAY)
Dalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka Nootaayooyinka waxay u dabaal degaan Maanta oo kale oo ah maalin sharaf iyo qadarin mudan โ waana maalin lagu xuso doorka muhiimka ah ee nootaayadu ku leedahay ilaalinta caddaaladda, hufnaanta iyo kalsoonida bulshada. si loo helo Sareynta Sharciga & Cadaalad loo siman yahay.
Ururka Notaayooyinka Gobolka Banaadir waxay halkaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan Nootaayooyinka Ururada Nootaayooyinka Aduunka gaar ahaan Saraakiisha Sharci yaqaanada ee Nootaayooyinka Dalkeenna Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, kuwaas oo Naftooda iyo Aqoontooda u huray ilaalinta xuquuqda dadka iyo hantidooda.
Sidoo kale Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Bahda Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo hormuud ka ah horumarinta nidaamka nootaayada iyo tayeynta adeegyada caddaaladda dalka.
Sidoo kale waxay ku dhiirrigelinaysaa dhammaan Nootaayooyinka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan shaqadooda si daacadnimo, hufnaan, karti iyo masuuliyad ku dhisan.
Nootaayadu waa furaha kalsoonida, caddaaladuna waa iftiinka nolosha bulshada.โ
Waxaa leenahay: Hambalyo iyo bogaadin Maalinta Nootaayada Aduunka, Guul iyo horumar ha idinla jirto dhammaan xirfadlayaasha Nootaayaha Dadweynaha.
Xafiiska Warfaafinta ee Ururka Nootaayooyinka.
Wabilaahi Altowfiiq
06/06/2025
Maamulka iyo howl-wadeeenada xafiiska Tagsan Public Notary waxa uu kuugu hambalyaynayaa adiga iyo qoyskaagaba ciidda barakeysan ee ciidul-Adxaa.
Waxa uuna kuu rajeynayaa sanado badan oo caafimaad iyo baraare leh. Farxad ku ciida dhamaantiin.
07/11/2024
Maanta oo kale sanad kasta waxaa aduunka laga xusaa maalinta caalamiga ah ee Nootaayooyinka Aduunka. iyadoo xusid mudan tahay in sanadkaan uu yahay sanadkii 385:aad ee la xuso maalintaan weyn.
Waxaan halkaan tahniyad uga direynaa dhamaan bahda aan xirfad wadaaga nahay ee Aduunka gaar ahaan Soomaaliya.