Ministry of Internal Security -Somalia

Ministry of Internal Security -Somalia

Share

Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan ka shaqaynaa sugidda amniga gudaha, xasiloonida, iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.
#Somalia #Amniga #MoISomalia

Photos from Ministry of Internal Security -Somalia's post 03/06/2026

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Abdullahi Sheikh Ismail - Fartaag ayaa guddoomiyay munaasabad lagu maamuusay saraakiil Soomaaliyeed oo dhammaystay tababbar heer sare ah oo la xiriira ilaalinta amniga madaxda qaranka, kaas oo ay ku soo qaateen dalka Serbia.

Munaasabadda oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu guddoonsiiyay saraakiisha shahaadooyin muujinaya guusha ay ka gaareen tababbarka. Saraakiishan ayaa si gaar ah u bartay farsamooyinka casriga ah ee ilaalinta madaxda qaranka, qiimeynta khataraha amni, iyo xoojinta badqabka masuuliyiinta sare ee dowladda.

Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ku bogaadiyay saraakiisha dadaalka iyo aqoonta ay soo kororsadeen, isagoo xusay in tababarradan ay muhiim u yihiin horumarinta awoodda hay’adaha amniga dalka iyo sare u qaadidda xirfadaha ciidamada u xilsaaran ilaalinta madaxda qaranka.

Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay wajahdo caqabado amni oo kala duwan, taasoo ka dhigaysa mid muhiim ah in la helo saraakiil leh aqoon iyo tababar casri ah oo awood u leh ka hortagga iyo la tacaalidda khataraha amni ee lagu beegsan karo madaxda qaranka iyo xarumaha dowladda.

Tababbarkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso tayada, xirfadda iyo diyaargarowga ciidamada amniga si ay si hufan uga jawaabaan khataraha amniga qaranka, una xaqiijiyaan badqabka madaxda iyo hay’adaha dowladeed.

Photos from Ministry of Internal Security -Somalia's post 02/06/2026

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026:

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Abdullahi Sheikh Ismail - Fartaag ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday EUCAP Somalia oo uu hoggaaminayay Madaxa Howlgalka EUCAP Soomaaliya, Kestutis Lancinskas. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Mohamed H. Shire, iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, taageerada farsamo iyo tababarrada ay EUCAP siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Daraawiishta iyo Ilaalada Xeebaha. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dib-u-eegista istaraatiijiyadda EUCAP iyo sidii taageerada amniga loo waafajin lahaa mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa adkeeyay muhiimadda isku-duwidda iyo lahaanshaha dowladda ee dhammaan dadaallada lagu taageerayo hay’adaha amniga dalka. Dhankiisa, Madaxa Howlgalka EUCAP ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la qabto kulan farsamo oo lagu sii ambaqaadayo dib-u-eegista istaraatiijiyadda EUCAP, xoojinta iskaashiga amniga iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliya.

-DHAMMAAD-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha.
[email protected]
Website: https://mois.gov.so
Twitter: https://x.com/mois_fgs?s=21

Photos from Ministry of Internal Security -Somalia's post 27/05/2026

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre Ayaa Caawa Kulan La qatay Shacbka Muqdisho iyo madaxda dalka oo si wadajir ah ugu dabaaldegayay maalinta koowaad ee munaasabadda barakeysan ee Ciidda,

waxaana kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Gen. Abdullahi Sheikh Ismail - Fartaag Kulanka ayaa kusoo aaday xilli dalka laga dareemayo horumar dhanka amniga iyo xasilloonida ah, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda, iyagoo xusay muhiimadda wadajirka bulshada, sugidda amniga iyo ilaalinta xasilloonida dalka. Sidoo kale waxay bogaadiyeen dadaallada ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan xaqiijinta nabadda, amniga iyo horumarka dalka.

26/05/2026

Muqaal Kooban: Kormeerka Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Gen Abdullahi Sheikh Ismail - Fartaag uu ku tagay isgoysyada iyo baraha laga soo galo Magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo sugidda amniga caasimadda inta lagu guda jiro maalmaha barakeysan ee Ciidul Adxaa.

Wasiirka ayaa ciidamada ammaanka ku bogaadiyay feejignaanta, dadaalka iyo shaqada ay u hayaan ilaalinta nabadgelyada iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Photos from Ministry of Internal Security -Somalia's post 26/05/2026

Muqdisho – 27 May 2026

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), ayaa caawa kormeer amni ku tagay daafaha magaalada Muqdisho, iyadoo la xoojinayo sugidda amniga caasimadda munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa awgeed.

Wasiirka ayaa intii uu ku guda jiray kormeerka warbixinno amni ka dhageystay Taliyasha Checkpoint-yada NISA ee Gobolka Banaadir G/Dhexe Mohamed Ganyac iyo Taliyaha Howlgallada iyo Checkpoint-ka Caasimadda G/Dhexe Abdi Ali, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda amniga iyo howlaha socda.

Saraakiisha ayaa Wasiirka la wadaagay qorshayaasha lagu sugayo amniga magaalada inta lagu jiro maalmaha Ciidul Adxaa, iyagoo tilmaamay in ciidamada ammaanka ay heegan buuxa ku jiraan si loo xaqiijiyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ayaa ciidamada ammaanka ku bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay ugu jiraan sugidda amniga dalka, isagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida, iyo farxadda munaasabadda Ciidul Adxaa.

26/05/2026

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan laamaha Amniga Gudaha, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa oo ka mid ah maalmaha ugu weyn diinteenna suubban ee Islaamka.

Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta ah waxaan ugu hambalyeynaynaa munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa, annagoo Alle uga baryeyna inuu naga aqbalo cibaadada, nagu gallado nabad, barwaaqo iyo horumar waara.

Sidoo kale, Hoggaanka Wasaaradda wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa ciidamada iyo saraakiisha heeganka ugu jira ilaalinta amniga dalka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda.

Ciid Mubaarak dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Alle ha inagu gaarsiiyo ciiddaan teeda kale annagoo nabad iyo caafimaad qaba.

Photos from Ministry of Internal Security -Somalia's post 24/05/2026

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis Ku Sameeyay Waxqabadka iyo Mudnaanta Shaqooyinka Wasaaradda

Muqdisho, Soomaaliya – 24 May 2026:

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Abdullahi Sheikh Ismail - Fartaag ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Jeneraal Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Guud Mudane Mohamed H. Shire, iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Wasaaradda, xoojinta wada-shaqeynta hoggaanka, kor u qaadidda isla xisaabtanka, iyo dib-u-eegista waxqabadka bilihii u dambeeyay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa soo bandhigay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradda iyo horumarka laga sameeyay hawlaha muhiimka ah tan iyo bishii Abriil, halka Agaasimeyaasha Waaxyuhuna ay soo gudbiyeen warbixino la xiriira maamulka iyo maaliyadda, qorsheynta, siyaasadda, shaqaalaha, iyo mudnaanta howlaha bilaha soo socda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay horumarinta nidaamyada maamulka iyo maaliyadda, xoojinta nidaamka shaqaalaha, iyo dardargelinta qorsheyaasha iyo istaraatiijiyadda Wasaaradda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida, iyo horumarinta adeegyada Wasaaradda.

‎-DHAMMAAD-

‎Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
‎Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha.
[email protected]
[email protected]
‎Website: https://mois.gov.so
‎Twitter: https://x.com/mois_fgs?s=21

Photos from Ministry of Internal Security -Somalia's post 20/05/2026

Muqdisho, Soomaaliya – 20 May 2026.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Maxamed Shire, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay khabiir ka tirsan mashruuca SJAGP, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta nidaamyada tiknoolajiyadda macluumaadka (IT) iyo falanqaynta xogta (Data Analytics).

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay casriyeynta nidaamyada xog ururinta, habaynta iyo falanqaynta xogta si loo xoojiyo hufnaanta shaqo, tayada adeegyada, iyo taageeridda go’aan qaadasho ku saleysan xog sax ah.

Sidoo kale, waxaa la isla eegay doorka tiknoolajiyadda casriga ah ay ku leedahay xoojinta amniga gudaha, horumarinta maamulka xogta, iyo sare u qaadidda waxqabadka Wasaaradda.

Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Shire, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ah iyo ka faa’iidaysiga nidaamyada casriga ah ee xogta si loo horumariyo howlaha Wasaaradda iyo adeegyada loo hayo bulshada.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqeynta farsamo iyo horumarinta adeegyada tiknoolajiyadda ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

-DHAMMAAD-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha.
[email protected]
[email protected]
Website: https://mois.gov.so
Twitter: https://x.com/mois_fgs?s=21

Photos from Ministry of Internal Security -Somalia's post 20/05/2026

Muqdisho, Arbaco , 20,May 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Mohamed H. Shire, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimayaasha warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha dalka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbarasho, iska xog wareysi, iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo warbaahinta madaxa bannaan.

Mudane Mohamed H. Shire ayaa dhageystay cabashooyinka iyo caqabadaha ay agaasimayaashu sheegeen inay kala kulmaan hay’adaha amniga, gaar ahaan arrimaha la xiriira shaqadooda warbaahineed iyo xorriyadda hadalka. Sidoo kale, agaasimayaasha warbaahinta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo in warbaahintu si madax bannaan u gudan karto waajibaadkeeda.

-DHAMMAAD-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha.
[email protected]
[email protected]
Website: https://mois.gov.so
Twitter: https://x.com/mois_fgs?s=21

Photos from Ministry of Internal Security -Somalia's post 19/05/2026

Muqdisho, Soomaaliya – 19 May 2026

Wasaaradda Amniga Gudaha XFS iyo Barnaamijka Maamulka iyo Nabadda ee Soomaaliya (SJGAP) ayaa maanta Muqdisho ka furay aqoon-is-weydaarsi loogu talagalay Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda, kaas oo lagu diyaarinayo qorshe shaqo oo mideysan oo lagu dardargelinayo howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda muddo lix bilood ah.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Mohamed Xasan Shire, oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan SJGAP. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa mudnaanta Wasaaradda iyo taageerada farsamo ee SJGAP, si loo helo qorshe shaqo oo cad oo lagu horumarinayo waxqabadka Wasaaradda.

Aqoon-is-weydaarsiga ayaa si gaar ah diiradda u saaraya saddex qodob oo mudnaan leh, kuwaas oo kala ah horumarinta wasaaradda iyo shaqaalaha, xoojinta isku xirka hay’adaha iyo siyaasadaha, iyo casriyeynta adeegyada iyo kaabeyaasha dijitaalka ah ee Wasaaradda.

Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo khubarada SJGAP ayaa sidoo kale ka shaqeynaya diyaarinta qorshe shaqo oo lix bilood ah oo lagu qeexayo howlaha mudnaanta leh, jadwalka fulinta, masuuliyiinta hoggaamineysa, iyo taageerada farsamo ee loo baahan yahay.

Agaasimaha Guud Mudane Mohamed Xasan Shire ayaa Agaasimeyaasha Waaxyaha ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iideystaan aqoon-is-weydaarsiga, isla markaana ay xoogga saaraan hirgelinta qorshe mideysan oo sare u qaadaya waxqabadka, wada-shaqeynta, iyo tayada adeegyada Wasaaradda.
Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo qorsheynta, maamulka, iyo tayeynta shaqada hay’adaha dowladda.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

VIA TANZANIA Street, EX 888 BILDING
Mogadishu
252