26/05/2026
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Muslimiinta munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa 1447H.
🌙 Ciid Mubaarak 🌙
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu dalkeenna, shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan dunida Muslimka waafajiyo kheyr, nabad, barwaaqo iyo midnimo.
23/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xasan, ayaa maanta si rasmi ah u guddoomiyay daahfurka Barnaamijka KOBCIYE – Maalgelinta iyo Horumarinta Xoolaha, oo ay hirgelisay Bangiga IBS (IBS Bank) iyadoo iskaashi la leh Hay’adda Mercy Corps iyo Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ee Sweden (Swedish International Development Cooperation Agency – Sida).
Barnaamijkan KOBCIYE waxa uu diiradda saarayaa ballaarinta helitaanka maalgelin iyo fursado maalgashi oo ay helaan ganacsiyada ka shaqeeya silsiladda qiimaha xoolaha nool ee Soomaaliya.
Waxa uu si gaar ah u xoojinayaa:
•Ganacsiga xoolaha nool
•Horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs)
•Adeegyada gaadiidka iyo silsiladda suuq-geynta
•Kobcinta ganacsiga, shaqo-abuurka iyo koboca dhaqaalaha
Wasiirku waxa uu sheegay in barnaamijkan uu yahay mid istiraatiiji ah oo muhiim u ah xoojinta helitaanka maalgelinta, horumarinta ganacsiga, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, gaar ahaan silsiladda qiimaha xoolaha oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha Soomaaliya.
23/05/2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abukaate), ayaa ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum) oo lagu qabtay magaalada Rabat, Morocco, iyadoo hal-ku-dhigga madashu uu ahaa “Qaabeynta Kobaca: Ka Faa’iidaysiga Hubanti La’aanta Loona Beddelo Fursado.” ( “Structuring Growth: Turning Uncertainty into Opportunity”)
Madashan oo ay isugu yimaadeen wasiiro, diblomaasiyiin, khubaro dhanka dhaqaalaha ah iyo xeel-dheereyaal siyaasadeed ayaa diiradda lagu saaray wada-hadallo ku saabsan kobaca dhaqaalaha, iskaashiga gobolka, maalgashiga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo sidoo kale caqabadaha iyo fursadaha ka jira dhaqaalaha caalamka ee si xawli ah isu beddelaya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha caalamiga ah, iyo horumar waara oo lagu taageerayo kobaca dhaqaalaha dalka iyo xasilloonida gobolka.
11/05/2026
𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗶𝗯-𝘂-𝗾𝗮𝗮𝗯𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗚𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝟮𝟬𝟮𝟲.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu dhawaaqaysaa qabsoomidda Shirweynaha Dib-u-qaabeynta Ganacsiga Soomaaliya 2026, oo noqon doona madal heer qaran ah oo lagu mideynayo dowladda, ganacsatada, maalgashadayaasha, hay’adaha caalamiga ah, iyo bahwadaagta horumarinta dhaqaalaha dalka.
📍 Goobta: Goor dambe ayaa la shaacin doonaa
Taariikhda: 21–22 Luulyo 2026
Shirweynahani wuxuu diiradda saari doonaa:
▪️ Horumarinta jawiga ganacsiga Soomaaliya
▪️ Casriyeynta nidaamyada ganacsiga iyo diiwaangelinta
▪️ Kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay
▪️ Isku-xirka dib-u-habeynta sharciyada iyo adeegyada dowladda
▪️ Mustaqbalka dhaqaalaha dijitaalka ah ee Soomaaliya
✨ Wadajir-uqaabeynta mustaqbalka ganacsiyadda Soomaaliyeed.
07/05/2026
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay kulan lagu ansixinayo Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka (Validation meeting for National Cooperatives policy and law) , kaas oo ay ka soo qaybgaleen hay’adaha dowladda, Dowlad Goboleedyada, ganacsatada gaarka loo leeyahay, iyo iskaashatooyinka kala duwan ee dalka.
Intii uu kulanku socday, waxaa si faahfaahsan loo soo bandhigay Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka, iyadoo lagu xoojiyay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan casriyeynta iyo horumarinta waaxda iskaashatooyinka Soomaaliya, kobcinta iskaashiga bulshada, iyo ballaarinta fursadaha dhaqaale ee dalka.
Wasaaraddu waxay xaqiijisay sida ay uga go’an tahay dardargelinta hannaanka sharciyeed ee haray, isla markaana ay u gudbin doonto Siyaasadda iyo Sharciga Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si loo ansixiyo sida ugu dhakhsaha badan.
Ka qaybgalayaasha kala duwan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay qaab-dhismeedka sharci ee iskaashatooyinka, waxayna bogaadiyeen hoggaaminta Wasaaradda ee geeddi-socodkan oo dhan. Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si firfircoon uga qaybqaatay talooyinkooda, laga soo bilaabo la-tashiyadii h**e ilaa heerka ansixinta.
Kulanka waxaa furay, isla markaana soo xiray Agaasimaha Waaxda Ganacsiga Yaryar , Dhexdhexaadka iyo Iskaashatooyinka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
=DHAMMAAD=
07/05/2026
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xassan, ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo kor u qaadista iskaashiga ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta warshadaha.
Kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal, si loo gaaro dano wadajir ah oo waxtar u leh shacabka labada dal.
=DHAMMAAD=
06/05/2026
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka (National Cooperatives Policy and Acts) , kaas oo ay ka qayb galeen Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowlad Goboleedyada dalka. Kulanka ayaa waxaa furay Ku-simaha Agaasimaha Guud, Marwo Abshira Yusuf Axmed.
Intii uu kulanku socday, waxaa lagu soo bandhigay natiijooyinka ka soo baxay daraasaad iyo xog-ururin lagu sameeyay xaaladda iskaashatooyinka dalka, kuwaas oo ay barbar socdeen la-tashiyo lala yeeshay daneeyayaal kala duwan, oo ay ka mid yihiin hay’adaha dowladda, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee iskaashatooyinka.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay qabyo-qoraalka Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka.
Diyaarinta Siyaasadda iyo Sharciga Iskaashatooyinka Qaranka ayaa ah mid muhiim u ah hirgelinta hannaan sharciyeed oo hagaya, isla markaana aasaas adag u noqonaya horumarinta iskaashatooyinka. Tani waxay door weyn ka qaadan doontaa kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, iyo kor u qaadista wax-soo-saarka dalka.
=DHAMMAAD=
21/04/2026
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xassan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada iyo Deganaanshaha ee Soomaaliya, Mudane George Conway.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kobcinta hannaan horumarineed oo ku dhisan ganacsi iyo maalgashi, si loo xaqiijiyo dhaqaale ku saleysan wax-soo-saar iyo maalgelin, halkii uu ku tiirsanaan lahaa kaalmada.
Labada dhinac waxay adkeeyeen muhiimadda iskaashi dhow, isku-duwid wax ku ool ah, iyo wadashaqeyn joogto ah oo lagu taageerayo adkaysi dhaqaale iyo horumar waara oo mustaqbalka fog ah.
=DHAMMAAD=
16/04/2026
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Hindiya ee Soomaaliya, Mudane Adarsh Swaika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Hindiya, iyadoo laga wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo ganacsiga, maalgashiga, iyo kor u qaadista wax-soo-saarka.
Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay hababka lagu sii ballaarin karo isu-socodka ganacsiga iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha.
Labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya.
=DHAMMAAD=