Immigration and Citizenship Agency

Immigration and Citizenship Agency

Share

Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya.

26/05/2026

𝐂𝐈𝐈𝐃 𝐖𝐀𝐍𝐀𝐀𝐆𝐒𝐀𝐍

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciida Carafo.

Photos from Immigration and Citizenship Agency's post 24/05/2026

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa xarunta Dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS, Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta u dhaxeysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo UNSOS, fududeynta arrimaha socdaalka ee shaqaalaha Qaramada Midoobe, iyo sare u qaadidda wada-shaqeynta hay’adaha si loo taageero howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa laga wada hadlay muhiimadda iskaashiga joogtada ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa arrimaha casriyeynta socdaalka, kobcinta karaanka iyo awoodaha shaqaalaha, iyo horumarinta kaabayaasha adeeg bixinta.

24/05/2026

𝐖𝐀𝐑𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐌𝐔𝐇𝐈𝐈𝐌 𝐀𝐇

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay si dhow ula socotay caqabadaha ku yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalayay Dalka Masar maalmihi lasoo dhaafay, sidaas awgeed waxaa lagu wargelinayaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Maajo (May) 2026, in si ku meel gaar ah loo hakiyay in dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan (OK-to-Board).

Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay ku wargelinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed in Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar loogu safri karo dal-ku-galka rasmiga ah oo ay bixiso Qunsuliyada Masar oo kaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay xoojinaysaa xiriirka socdaalka iyo saaxiibtinimada ee ka dhaxeysa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar.

Mahadsanidiin.

Photos from Immigration and Citizenship Agency's post 21/05/2026

Agaasime Kuxigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Cabdullaahi Sheekh ayaa soo xiray tababarka la-dagaallanka Tahriibka iyo Ka Ganacsiga Dadka (Trafficking in Human Beings), kaas oo maalmahan uga socday magaalada Muqdisho saraakiil ka tirsan Hay’adda, isla markaana ay fududeynayeen khubaro ka socotay Dowladda Finland.

Mudane Xuseen Cabdullaahi Sheekh ayaa uga mahadceliyay Dowladda Finland iyo tababarayaasha dadaalka, taageerada iyo khibradda ay la wadaageen saraakiisha Hay’adda, isaga oo tilmaamay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay xoojinta aqoonta iyo xirfadaha la xiriira la-dagaallanka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka.

Ugu dambayn, waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay saraakiishii ka faa’iidaysatay tababarka, iyadoo tababarkani uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda Hay’adda iyo amniga xuduudaha dalka.

Photos from Turkish Embassy in Mogadishu's post 20/05/2026

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf waxa uu uga mahadcelinayaa Danjire Alper Aktaş soo dhaweynta diirran iyo kulanka ka dhacay Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Türkiye ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye, gaar ahaan dhinacyada amniga xuduudaha, maareynta socdaalka, iyo is-weydaarsiga khibradaha hay’adaha socdaalka ee labada dal.

Agaasimaha Guud waxa uu sidoo kale tilmaamay in uu rajaynayo in Safaaraddu furo u noqon doonto xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay’adaha socdaalka ee labada dowladood.

19/05/2026

Furitaanka tababarka la-dagaallanka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka, kaas oo ay bixinayaan khubaro ka socota Dowladda Finland.

Photos from Immigration and Citizenship Agency's post 18/05/2026

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay tababar ku saabsan la-dagaallanka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka, kaas oo ay bixinayaan khubaro ka socota Dowladda Finland.

Agaasimaha Guud Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa xusay in tahriibka iyo ka ganacsiga dadku ay khatar weyn ku yihiin bulshada, gaar ahaan dhallinyarada, haweenka iyo carruurta, kuwaas oo mararka qaar lagu marin habaabiyo rajooyin been abuur ah. Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya, oo leh xuduudo dheer, ay muhiim tahay in la helo saraakiil leh aqoon iyo xirfad ku filan oo lagula tacaalo tahriibka iyo ka ganacsiga dadka.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa adkeeyay in la-dagaallanka tahriibka aanu ahayn shaqo ay hal hay’ad keliya qaban karto, balse uu u baahan yahay iskaashi xooggan oo dhex mara hay’adaha dowladda, saaxiibada caalamiga ah iyo bulshada. Waxa uu sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda Hay’adda iyo sare u qaadista wada-shaqeynta caalamiga ah ee la xiriirta amniga xuduudaha iyo ka hortagga tahriibka.

Tababarkan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa qayb ka ah iskaashi socon doona muddo saddex sano ah oo u dhexeeya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Dowladda Finland, kaas oo lagu xoojinayo amniga xuduudaha iyo kor u qaadista awoodda Hay’adda.

13/05/2026

𝐖𝐀𝐑𝐆𝐄𝐋𝐈𝐍 𝐌𝐔𝐇𝐈𝐈𝐌 𝐀𝐇

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in laga bilaabo 1-da bisha Luulyo 2026, qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ama shahaadada lagu sugto Kaarka Aqoonsiga (NIRA) uusan codsan karin Baasaboorka Soomaaliya.
Sidaa darteed, qof kasta oo aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga waxaa lagu boorinayaa in uu si deg deg ah u bilaabo qaadashada iyo codsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay muwaadiniinta ogeysiinaysaa in dukumintiyada lagu dalbado baasaboorka ay noqon doonaan nuqullada koobiga ah (copies), halka nuqullada asalka ah dib loogu celinayo codsadaha baasaboorka laga bilaabo manta oo taariikhdu tahay 13ka May 2026.

Wixii caawimaad ama faah faahin dheeraad ah, kala xiriir xafiisyada adeeg bixinta ee Hay’adda ama email-kan:

[email protected],
[email protected]
[email protected]

Photos from Immigration and Citizenship Agency's post 04/05/2026

Agaasime Kuxigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mohamed Kasim Turaabi ayaa soo xiray tababar ku saabsan nidaamka MIDAS, kaas oo ay ka qayb galeen soddon iyo laba (32) sarkaal oo ka tirsan saraakiisha safka h**e ee maamulka xuduudaha dalka.

Munaasabadda xiritaanka tababarka, Agaasime Kuxigeenka ayaa u mahadceliyay Hay’adda IOM doorka muhiimka ah oo ay ka qaadatay hirgelinta iyo taageerada tababarkan. Waxa uu sidoo kale ku booriyay saraakiishii ka faa’iidaysatay tababarka in ay aqoonta iyo xirfadaha ay kororsadeen ku dabaqaan goobahooda shaqo, si loo xoojiyo amniga iyo maareynta xuduudaha dalka.

Ugu dambayn, saraakiishii ka qayb gashay tababarka ayaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin muujinaya ka-qaybgalka iyo dhammaystirka tababarka.

19/04/2026

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa goob joog ka noqday munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Agaasimiha Guud ee h**e Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow iyo Agaasimaha Guud ee cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Aden Abdulle International Airport
Mogadishu
252