04/06/2026
Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya
Taliska Ciidamada Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya (Somali Navy and Coast Guard ) ee XDS
04/06/2026
02/06/2026
28/05/2026
Wafdi ka socday Dowladda Talyaaniga, oo uu hoggaaminayay Military Attaché-ga Dowladda Talyaaniga, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Xarunta Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha XDS.
Wafdiga ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdiwahab Cabdullaahi Cumar, iyadoo kulanka ay sidoo kale ay qayb ka ahaayeen saraakiil ka tirsan hoggaanada iyo waaxaha kala duwan ee taliska.
Intii uu socday kulanka, ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada tababarrada, taageerada farsamo iyo horumarinta awoodda Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wafdiga Dowladda Talyaaniga ayaa kormeer iyo qiimayn ku sameeyay xafiisyada hagidda iyo hawlgallada badda, iyo qaybaha kale ee muhiimka ah ee Taliska, iyagoo u kuurgalay habsami u socodka howlaha shaqo iyo dadaalada socda.
Dhanka kale saraakiisha iyo Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada iyo doorka ay ku leeyihiin ka qayb qaadashada horumarinta ciidamada badda.
Ugu dambeyn, wafdiga Dowladda Talyaaniga ayaa xaqiijiyay sii wadidda iyo xoojinta iskaashiga ay la leeyihiin Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, iyagoo sidoo kale bogaadiyay hawlaha iyo dadaalada dib uso celinta awooda ciidamada Soomaaliyeed.
26/05/2026
🌙✨ **HANBALYADA CIIDUL ADXAA** ✨🌙
Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdiwahab Cabdullaahi Cumar, wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Ummadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxada.
Si gaar ah wuxuu ugu hambalyeynayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida ee difaaca qaranka u taagan, kuwaas oo naf iyo maalba u huraya ilaalinta badbaadada, midnimada iyo xasiloonida dalka.
Sidoo kale, wuxuu hambalyo iyo mahadnaq u dirayaa dhammaan qoysaskooda sharafta leh ee mar walba garab istaaga.
Waxaan Alle ka baryayaa inuu nagu gaarsiiyo ciiddaan ciideeda nabad, barwaaqo iyo horumar, kana yeelo mid aynu ku gaadhno guulo waaweyn oo qaran.
**Ciid Mubaarak, Kullu Caam Wa Antum Bi-Khayr.
10/05/2026
Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, waa Astaanta qaranka ee u taagan ilaalinta kheyraadka iyo xuduudaha badda dalkeenna.
Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya
08/05/2026
Wada shaqaynta iyo iskaashiga caalamiga ee dadaalada hormarinta ee xirfadaha iyo awooda ciidankeena badda
EUTM Somalia & Somali Navy and Coast Guard : Ciidanka badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya
05/05/2026
Tusaale iyo aragti dheer
Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya ee Fadhiyada iyo xarumaha kala duwan ee dalka ku sugan, ayaa diyaar garow ugu jira sidii loo xoojin lahaa amniga badda iyo ka hortagga falalka sharci darada ah ee Xeebaha iyo badwaynta.
02/05/2026
Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya
30/04/2026
Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan xarunta taliska Mogadishu iyo diyaar-garowga joogtada ee dhammaan xarumaha ee ku aadan sugidda amniga badda iyo ka hortagga falalka sharci darada ah ee Xeebaha iyo badwaynta.
Click here to claim your Sponsored Listing.
