21/09/2024
Bob marley ayaa la waydiiyay hadii ay jirto gabar dhamaystiran.
Waxa uu ku jawaabay,
Yeey tahay cida dhamaystiran?
Tusaale, Dayaxa oo habeenkii iftiimiyo dunida ma dhamaystirna oo waa kala dhambalanyahay (qaybaa maqan).
Bal ka kawarama badda? Aad ayay u qurux badan tahay jawi macaane waa leedahay lkn gudaheedu waa mugdi waana cusbo badantahay oo lama cabi karo.
Waxyaabaha ugu quruxda badan dunidu maaha kuwa dhamaystiran.
Ha isku dayin in aad noqoto mid dhanaystiran waayo ma jirto cid dhamaystiran 💯 hana raadin qof dhamaystiran.
20/09/2024
Sida Looga Hortago in lacagtu ay Burburiso Xiriirkaaga/Guurkaaga👇👇
Lacagtu waxay noqon kartaa isha isku dhaca iyo cidhiidhiga xiriirka.
Waa kuwan qaar ka mid ah siyaabaha lagu hubin karo in lacagtu aysan caqabad ku ahayn badqabka jacaylkaaga:
1. Jeclow Qofka, lkn Lacagtu yaanay noqon sababta aad qofka u jeceshahay. Ogoow Jacaylku maaha fursad ganacsi.
2. Si wada jir ah uga shaqeeya kobaciina dhaqaale, jacaylku waxa uu dhiirigaliya in lammaanuhu ay horumariyaan ama koriyaan dhaqaalahooda lkn ma dhiirigaliyo in sidii dad dayn isku leh in ay lammaanuhu calculator isku qaataan.
3. Si wada jir ah u sameeya Go'aamo Dhaqaale.
Ka tala gali lammaanahaaga go'aamada maaliyadeed ee aad qaadanaysid, waxa ayna sare u qaadi doontaa aaminaadiina iyo jacaylkiina.
4. Ku noolaada nolol idin ku filan: haku bixinina dhaqaalihiina wax ka badan waxa aad helaysaan, noqda kuwa dhaqaale ahaan edeb leh oo qorshe mustaqbal leh.
5. Ha u isticmaalina dhaqaalaha sida hub dhexdiina yaal: ka fogaada xad-gudubka ama caga-juglayn dhaqaale gaar ahaan waqtiya murun idin soo dhex galo.
6. Iska ilaaliya in aad ku dayataan lammaane kale waayo isku heer dhaqaale ma tihidin isku baahi ma tihidin isku nololne ma tihidiin.
19/09/2024
Ragga iyo dumarku ma noqon karaan saaxiibo?
Shakespeare ayaa la waydiiyay su,aashaan waxaa uuna ku jawaabay " wiilku saaxiib lama noqon karo gabar, rabitaanka iyo dareenka ayaan u ogolaan karin".
Sidookale Oscar Wilde ayaa isna yiri " nin iyo naag waxa kaliya ee dhex mari karaa waa damac, nacayb ama jacayl lakin saaxiibtinimo kaligeed k**a dhaxayn karto".
Humayun Ahmed ayaa isna yiri " ragga iyo dumarku saaxiibo waa noqon karaan laakiin lama huraan waxa ay ku dhici doonaan dabinka jacaylka".
Culumadaan ayaa ku doodaya saaxiibtinimada laba jinsi oo iska soo horjeedo in dabeecadu diidayso. Waxa ayna aaminsanyihiin hadii ay dhacdo saaxiibtinimo dhex martaa in ay u xuubsiibban doonto jacayl ama falgal dareen oo ah wax dabiici ah oo aan la xak**ayn karin.
Fikirkaaga?⬇️
Ma Kula tahay in ragga iyo dumarku ay si dhab ah saaxiibo u noqon karaan?