Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo maanta guddoomiyay kulan aqoon-isweydaarsi ah oo u dhexeeyay xubnaha Kutlada JSP ee Golaha Wakiilada 3aad ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeedka Soomaaliya kaasi oo maanta ku qabsoomay magaalada Baydhabo.
Caddaaladda iyo Wadajirka
Official page of the Justice and Solidarity Party (JSP)
Musharraxa Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Doorashada Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u guddoomay shahaadadiisa musharraxnimada.
06/06/2026
Musharraxa Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Doorashada Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u guddoomay shahaadadiisa musharraxnimada.
Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayuu Mudane Sheekh Aadan ku guddoomay shahaadada, isaga oo shacabka reer Koonfur Galbeed u rajeeyay doorasho nabad ah oo xor iyo xalaal ah, isla markaana ka turjunta rabitaankooda.
04/06/2026
Baydhabo, Soomaaliya - 4 June, 2026: Musharax Hoggaamiye Koonfur Galbeed ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddoonka cusub ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee maanta lagu doortay Magaalada Baydhabo, kuwaas oo kala ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad Mudane Aadan Xasan Maxamed (Usaama) iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shamso Maxamed Yerow.
Musharax Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu horreyn xubnahan ugu hambalyeeyey mas’uuliyadda culus ee loo doortay, wuxuuna Alle SWT uga baryay inuu u fududeeyo, asigoo u rajeeyay in mas’uuliyadda loo doortay ay si waddaniyad, xilkasnimo, hufnaan iyo cadaalad ah ugu shaqeeyaan dadka iyo deegaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
04/06/2026
Hambalyo Xubnaha Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee ku guuleystay Guddoonka Golaha Wakiilada 3aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada 3aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya; Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan.
2. Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada 3aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya; Aadan Xasan Maxamed (Usaama).
3. Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya; Shamso Maxamed Yarow.
03/06/2026
Musharraxiinta Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee u tartamaya Guddoonka Golaha Wakiilada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:
1. Xil. Mahad Maxamed Sheekh Xasan – Musharraxa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KG.
2. Xil. Aadan Xasan Maxamed – Musharraxa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada KG
3. Xil. Shamso Maxamed Yarow – Musharraxa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada KG
Ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) shahaadooyinka musharraxnimo, kadib markii ay si buuxda u soo dhammaystireen dhammaan shuruudihii iyo habraacyadii looga baahnaa musharraxiinta u taagan xilalka Guddoonka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Munaasabadda guddoonsiinta shahaadooyinka waxaa musharraxiinta ku weheliyay qaar ka mid ah Xoghayayaasha Ururka, Agaasimaha Guud, xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Wakiilada KG iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo muujiyay taageeradooda iyo kalsoonida ay ku qabaan hoggaaminta, kartida iyo waayo-aragnimada musharraxiinta.
Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) wuxuu u rajeynayaa musharraxiintiisa guul, isaga oo ku kalsoon inay door muuqda ka qaadan doonaan horumarinta shaqada Golaha Wakiilada, xoojinta dowladnimada, ilaalinta danta shacabka iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xubno ka tirsan Guddiga Fulinta Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa kulan isbarasho ah la qaatay Xildhibaannada Cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo kusoo baxay magaca Ururka JSP.
02/06/2026
Xubno ka tirsan Guddiga Fulinta Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa xalay kulan casho sharaf iyo isbarasho ah la qaatay Xildhibaannada Cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo kusoo baxay magaca Ururka JSP.
Kulankan ayaa lagu xoojinayey wada-shaqeynta, isfahamka iyo midnimada hoggaanka Ururka, iyadoo sidoo kale la is dhaafsaday fikrado iyo talooyin ku saabsan horumarinta hawlaha Ururka, dardargelinta qorshayaasha siyaasadeed iyo sidii si mideysan looga guul gaari lahaa doorashooyinka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha iyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
30/05/2026
Hambalyo Xubnaha nasiibka u yeeshay ka mid noqoshada Golaha Wakiilada 3aad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) wuxuu si gaar ah ugu hambalyaynayaa xubnaha aqlabiyadda Golaha Wakiilada ee Ururka u soo baxay.
Waxaan si guud idinkugu rajeynaynaa dhammaan xubnaha in aad waajibaadkiina dastuuriga ah u gudan doontaan si wanaagsan.
30/05/2026
Maamulka Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee degmada Cadaado, Galgaduud, Galmudug Soomaaliya
1. Cabdimahad Ciise Cabdullaahi; Wakiil Kuxigeenka Ururka ee Degmada
2. Xasan Daleel Dhoore; Xoghayaha Ururka ee Degmada
3. Saacid Maxamed Cali; Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Ururka ee Degmada
4. Nuuro Xasan Cabdi; Guddoomiyaha Garabka Haweenka Ururka ee Degmada
5. Macruuf Cawil Maxamed; Madaxa Baahinta iyo Diiwaangelinta Ururka ee Degmada
6. Maxamed Axmed Cusmaan; Madaxa Tababbarrada iyo Wacyigelinta Ururka ee Degmada
7. Axmed Maxamed Faarax (Cadeysay); Madaxa Xariirka Xaafadaha iyo Laamaha Degmada ee Ururka
8. Liibaan Xasan Jaamac; Madaxa Hab-maamuuska Xafladaha Ururka ee Degmada
9. Mubaarak Maxamuud Aw-Aadan; Madaxa Xiriirka Dadweynaha iyo Warbaahinta Ururka ee Degmada
10. Maslax Salaad Faarax; Lataliyaha Maamulka Ururka ee Degmada
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Friday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |
