Ali Fahle

Ali Fahle

Share

The official Page of the Mayor of Hodan District, Mogadishu, Somalia

15/05/2025

Tartanka Maratoonka ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed – 15-ka May

Photos from Ali Fahle's post 15/05/2025

Tartanka Maratoonka ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed – 15-ka May

Anigoo ka duulaya qiimaha iyo muhiimadda ay leedahay Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan maanta ku maamuusnay munaasabadda 15-ka May tartan maratoon oo aad u xiiso badan, kaasoo ay ka qeyb galeen boqolaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid deegaanno kala duwan.

Tartankaan oo ahaa mid ujeedkiisu yahay dhiirrigelinta caafimaadka, is-dhexgalka bulshada iyo kobcinta hibada ciyaareed ee dhallinyarada, wuxuu muujiyay kartida, adkaysiga iyo dadaalka ay leeyihiin jiilka cusub ee Soomaaliyeed.

Waxaa si gaar ah loogu abaalmariyay 150 dhallinyaro ah oo muujiyay heer sare oo guul iyo dadaal ah, kuwaas oo la guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan oo isugu jiray shahaadooyin, billado, iyo hadyado xusuus leh.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhallinyarada ka qeyb gashay tartanka, gaar ahaan kuwa guuleystay. Maalinta 15-ka May waa xusuus qaran oo dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga markhaati kacayaan doorkooda halgan, horumar iyo himilo qaran.

Dhallinyarada waa hannaanka iftiinka mustaqbalka, waxaana mar walba muhiim ah in loo abuuro fursado ay ku horumariyaan noloshooda, kartidooda iyo kaalintooda bulshada dhexdeeda.

Ugu dambeyn, waxaan u mahadcelinayaa xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud iyo Guddiga Olympics-ka Soomaaliyeed oo door weyn ka qaatay hirgelinta tartankaan. Sidoo kale, mahad gaar ah ayaan u dirayaa maamulka degmada Hodan oo si hagar la’aan ah ugu dadaalay qabsoomidda munaasabaddan muhiimka ah. Mahadsanidiin dhammaantiin.

02/05/2025

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Sheekh Axmed Cali Xeydar, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa fannaanada Xamdi Bilan, anigoo la wadaagaya murugada, xanuunka, iyo tiiraanyada geerida Aabaheed.

Ilaahay waxaan uga baryayaa inuu Sheekh Axmed Cali Xeydar ku abaalmariyo Jannatul Firdowsa, qoyska iyo dhammaanteenna samir iyo iimaan naga wada siiyo.

27/04/2025

Degmada Hodan waxaa si habsami leh uga socota qaadashada kaarka codbixinta ee doorashada hal qof iyo hal cod, iyadoo dadweynuhu si weyn ugu qulqulayaan goobaha diiwaangelinta.

Photos from Ali Fahle's post 27/04/2025

Waxay ahayd maalin taariikhi ah oo aan ku faanayno, maadaama shacabka degmada Hodan ay si rasmi ah u bilaabeen qaadashada kaarka codaynta doorashada qof iyo codka ah.

Muuqaalka shacabka safafka dheer ugu jira sidii ay u heli lahaayeen kaarkooda codaynta waxa uu caddeyn u yahay in dadka reer Hodan diyaar u yihiin inay si xor ah u doortaan ciddii mataleysa.

Waxaan u mahadcelinayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenkiisa Amniga iyo siyaasadda ,Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya iyo Taliyaha qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir iyo dhammaan shacabka degmada Hodan oo muujiyay biseyl siyaasadeed, dulqaad iyo rabitaan dhab ah oo ku aaddan horumarka dimuqraadiyadda dalka.

Degmada Hodan — Hormuudka Dimuqraadiyadda iyo Horumarka dagmooyinka Gobolka Banaadir

27/04/2025

Waxay ahayd maalin taariikhi ah oo Shacabka degmada Hodan ay si rasmi ah u bilaabeen qaadashada kaarka codaynta ee doorashada hal qof iyo hal cod.Goobaha isdiiwaan galintu ka socoto waa Garoonka Jaamacadaha iyo Xarunta Degmada Hodan, Hadaba Muwaadin, is diiwaan gali oo ku ciil bax codkaaga, doorona qofkii matali lahaa.

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Taleex
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00