26/05/2026
Eid Mubarak.
Official page of Mogadishu Port Authority | Bogga Rasmiga ah ee Maamulka Dekadda Muqadisho.
26/05/2026
Eid Mubarak.
Fariinta Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho ee Munasibadda Ciida Carafa, Mudane Amb Mohamed Ali Nur.
Ku simaha Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Ahna maareeye ku xigeenka Dekedda Dr. Ali Haji Mohamed ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad xariga looga jarayaay Machadka Soomaaliyeed ee Baddaha, oo loogu talagalay horumarinta iyo barashada cilmiga Baddaha, waxaana daahfuray wasiirka wasaaradda Dekeddaha XFS.
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Amb Mohamed Ali Nur ( Americo ) ayaa booqday Xarunta Benadir University, waxaana uu ardayda Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka Jaamacadda u soo jeediyay mowduuc ka hadlayay Ganacsiga, Saadka (Logistics), iyo Mustaqbalka Dhaqaalaha Soomaaliya.
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada - JFS Mudane Abdirisak Ahmed Ali, ayaa ka kawada hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Deegaanka iyo Dekedda Muqdisho, si loo adkeeyo la socodka iyo xakamaynta waxyaabaha deegaanka waxyeelleeya, sida bacaha hal-mar la isticmaalo iyo gaasaska waxyeellada u geysta lakabka Ozone-ka, kaas oo sababa kuleylka caalamiga ah iyo isbeddelka cimilada.
Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa, Maareeye Ku-xigeenada Dekedda, iyo Maamulka Kastamka Dekada ee wasaaradda Maaliyadda.
16/05/2026
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa maanta booqasho ku tagay saldhigyada ay ciidamada amniga, gaar ahaan Booliiska iyo Hay’adda NISA, ku leeyihiin gudaha dekedda Muqdisho, waxaana ciidamada uu ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan xoojinta amniga iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dalka.
Maareeyaha Dekedda Muqdish, Mudane Amb Mohamed Ali Nur ayaa noqday maareeyihii ugu horreeyay tan iyo burburkii Dowladdii dhexe oo si toos ah kormeer ugu kuurgala habsami u socodka howlaha soo xirashada maraakiibta imanaysa Dekedda Muqdisho.
Kormeerkan taariikhiga ah ayaa muujinaya dadaalka maamulka cusub ee lagu xoojinayo shaqada dekedda, taas oo kor loogu qaadayo adeegyada badda, isla markaana lagu hubinayo in howlaha maraakiibta ay u socdaan si hufan, amni leh, iyo nidaamsan.