22/06/2026
Maanta waxaa noo qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee Kooxda farsamo ee Xargaha Badda Hoosteeda Mara (Submarine Cable Landing Technical Working Group), iyada oo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ay kaashanayso Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC).
Aqoon-isweydaarsigan laba-maalmoodka ah waxaa isugu yimid shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha bixiya adeegga internet-ka (ISPs), iyo khubaro farsamo, si hab wadajir looga doodo sida loo xoojinayo adkeysiga iyo isku-halaynta kaabayaasha xargaha badda hoosteeda mara ee dalkeenna.
18/06/2026
KA SOO-QEYBGAL WACAN :
MADASHA AGA EE BISHA JUUN 2026
AGA oo 13 Jirsatay iyo Abbaarteeda Af Soomaaliga
MADASHA AGA EE BISHA JUUN 2026
Munaasabadda aasaaska AGA awgeed, madasha AGA ee bisha Juun 2026 waxaa cinwaan looga dhigay: “AGA oo 13 Jirsatay iyo Abbaarteeda Af Soomaaliga”.
Waxaa lagu falanqaynayaa xaaladda af Soomaaliga ee maanta, kaalinta AGA, iyo hawsha muhiimka ah ee kaga aadan daryeelka iyo horumarinta afkeenna hooyo.
Madasha ka soo gal bartan Zoom
https://us06web.zoom.us/j/82160219718?pwd=qMcoXt5b3DRebaRegsumr7i2YaUsXZ.1
Meeting ID: 821 6021 9718
Passcode: 856203
Ka soo qaybgalkaagu sharaf ayuu noo yahay
14/06/2026
Waxa aan maanta ka qeybgalay Shirweynaha AI Soomaaliya, Shirkan wuxuu ahaa madal muhiim ah oo lagu falanqeeyay mustaqbalka Garaadka Macmalka ah (AI), horumarinta dhaqaalaha dijitaalka ah, hal-abuurka, amniga saaybarka, iyo fursadaha cusub ee ay AI u abuuri karto dalkeena.
Intii aan ka hadlayay shirka, waxaan xusey muhiimadda ay leedahay u leedahay dalkeena in uu si istaraatiiji ah uga faa’iidaysato AI, iyadoo la horumarinayo xirfadaha bulshada, siyaasadaha hagaya AI, ilaalinta xogta, iyo kobcinta hal-abuurka dhalinyarada.
Waxaan u mahadcelinayaa qabanqaabiyeyaasha iyo dhammaan ka qaybgalayaasha doodaha qiimaha leh ee ku saabsan dhismaha mustaqbal dijitaal ah oo ammaan, loo dhan yahay, kana faa’iidaysta awoodda AI
10/06/2026
Xuduud iyo fiise mararka qaar waa xaddidi karaan dhaqdhaqaaqa qofka laakiin ma ay xaddidi karaan Himilada qofka.
Dadka Hamigooda iyo himiladoodu uu wehliyo go’aanku waxaa markasta u fudud in ay helaan wado ay ku gaaraan yoolkooda xitaa mararka ay caqabaduhu jiraan.
Horey u soco sxb Omar Abdulkadir Artan intaan maanta aad soo gaartay caqabad la’aan ma ahayn, tanna sidoo kale waan hubaa in aad si fudud ku dhaafi karto.
10/06/2026
Waxaa sharaf ii ahayd in aan maanta ka qeybgalo aqoon-isweydaarsiga qaran ee IPv6, kaas oo ay ka soo qeybgaleen hay’adaha dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, bahda farsamada iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.
Khudbadayda furitaanka waxa aan ku adkeeyay muhiimadda IPv6 u leeyahay mustaqbalka internet-ka dalka, kobcinta isku xirnaanta, taageeridda hal-abuurka dijitaalka ah, iyo in dalkeena loo diyaariyo in uu ka faa’iidaysto tiknoolajiyada cusub ee soo koraysa (emerging technologies).
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxaa ka go’an in ay la shaqeyso dhammaan daneeyayaasha si loo dardargeliyo isticmaalka IPv6, loona xaqiijiyo in dalkeenu ka faa’iidaysto fursadaha aan ka heli karno kobcinta dhaqaalaha dijitaalka ah.
Waxaan uga mahadcelinayaa National IPv6 Center iyo Jamhuriya University of Science and Technology oo la soo qabanqaabiyey Munaasabada Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka
09/06/2026
Waxaan rajaynaynaa inaan ku kulanno berri ..Aqoon-isweydaarsigan ku saabsan IPv6.
Nagu soo biira berri, 10-ka Juun 2026, Jazeera Hotel, Muqdisho.
Mahadsanidiin National IPv6 Center iyo Jamhuriya University of Science and Technology
Mudane 𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐟𝐚 𝐘𝐚𝐬𝐢𝐢𝐧 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), ayaa ka mid ah marti-sharafta heerka sare ee ka hadli doonta furitaanka Aqoon-isweydaarsiga ku saabsan Internet Baratakoolka Nooca Lixaad (IPv6) ee Soomaaliya.
𝐓𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚: 𝟏𝟎-𝐤𝐚 𝐉𝐮𝐮𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟔
𝐖𝐚𝐪𝐭𝐢𝐠𝐚: 𝟖:𝟎𝟎 𝐒𝐮𝐛𝐚𝐱𝐧𝐢𝐦𝐨
𝐆𝐨𝐨𝐛𝐭𝐚: 𝐉𝐚𝐳𝐞𝐞𝐫𝐚 𝐇𝐨𝐭𝐞𝐥, 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨