23/04/2025
𝗙𝗮𝗮𝗳𝗮𝗻 𝗺𝗲𝗱𝗶𝗮 𝗧𝗩
Breking News
23/04/2025
22/04/2025
OGAYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS
---------------------------------------------------------------------------
Waxaa dhamaan xubnaha barayaasha magacyadoodu hoos ku xusanyihiin ee buuxiyay shuruudaha barenimo ee dugsiga hoyga Sheed-dheer lala socodsiinayaa inay u diyaargaroobaan imtixaanka qoraalka ah, maalinta Jimcaha 10:00 AM subaxnimo oo ku beegan 17/08/2017 T.I goobta imtixaanka lagu galayo waa Dugsiga Hoyga Sheed-dheer
22/04/2025
Kulankan Sadex Geesoodka ah oo kaqabsoomay Xafiiska Wasiir Kuxigeenka Caafiimaadka DDS Ujeedadkiisuna ahayd Sidii loo Xakamayn la ah Cudur Dilaca Kasoo Cusboonaday Degmada Baabili ee Gobolka Faafan.
Kulankan oo ay hogaminaysay Wasiir kuxigeenka xafiiska caafiimaadka DDS Marwo Xaawo Suleebaan ayna kaqayb galeen xubno kasocaday golaha xildhibanada deegaanka, gudoomiyaha gobolka faafan, madax xafiiseedyada caafiimaadka gobolka iyo degmooyinka waxana si qoto dheer la iskula fiiriyey sidii loo xakamayn lahaa cudur dilaaca kasoo cusboonaday degmada baabili.
Wasiir kuxigeenka xafiiska caafiimaadka Marwo Xaawo Sulaybaan ayaa sheegtay inay muhiim tahay in si dhaba loo wajahay xakmaynta cudur dilaacyada (Jadeecada) maalmihii lasoo dhafay waxayna xustay inay cidwalba doorkeeda qaadato iyada oo lamarayo hababka caafiimaad ee igu sahlan.
Dhankiisa gudomiyaha gobolka Faafan Mudane Khadar Axmed Nuur ayaa sheegay inay si dhaba u wajihi doonaan kashaqaynta hawshan isaga oo madax xafiiseedyada caafiimaadka ee gobolka iyo degmada inay xooga saaraan xakamaynta cudur dilaaca laga soo sheegayo degmada baabili.
Ugu danabayn xafiiska caafiimaadka ayaa wada dadalo lagu xoojinayo laguna xakamaynayo cudur dilaacayada xiliyada kala duwan soo food saara bulshada deegaanka.
17/04/2025
"Laga soo bilaabo 1983 illaa 2010-kii degmada Mula waxaa lagga hirgaliyay 48 mashruuc oo kaliya, halka 2010-kii illaa iyo haatan degmada laga fuliyay 135 mashruuc, taasi oo ka dhigaysa saddex jibaar wixii la qabtay isbedelkii kahor", Mudane C/xakiin Sh. Xasan, Wasiirka Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS.
Mula: Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay wafdigii kormeerka iyo taakulada ka waday gobolka Faafan, halkaasi oo masuuliyiinta heer deegaan kulamo kula qaateen maamulka degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool xarunta degmada iyo tuulooyinka Qooraan, Horakhaliifa iyo Sanxaskulle, si bulshadu uga hadlaan baahidooda ku aadan adeegyada aasaasiga. Masuuliyiinta ayaa sida oo kale soo kormeeray dugsiga sare ee degmada Mula iyo adeegbixinta xarunta caafimaadka ee degmada.
Wasiirka Xafiiska Dakhliga DDS Mudane Maxamed Cabdi ayaa tilmaamay in xukuumadda isbeddelku goor kasta diyaar u tahay ka jawaabida baahida bulshada, isagoo intaasi ku daray in baahiyaha ay bulshadu soo dhigeen hoos loo eegi doono.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Address
Jijiga
