Ahmed Gaashaan

Ahmed Gaashaan

Share

Strategic Communications & Public Diplomacy
Horn of Africa Security Affairs
Policy interpretation and regional analysis
Views based on open-source research.

18/06/2026

Inay bulshada caasimaddu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Hassan Mohamed Hussein Muungaab, ku abaalmariyaan dadaalladiisa dib u dhiska iyo horumarinta caasimadda, waa marqaati nool oo ka tarjumaya waxqabadkiisa muuqda iyo kalsoonida uu kasbaday.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha munaasabadda sanad-guurada koowaad ee hoggaamintiisa maamulka Gobolka Banaadir. Mudadaas kooban gudaheeda, waxuu hirgeliyay mashaariic iyo adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyin casri ah, horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada, nadaafadda iyo xoojinta nidaamka maamulka.

17/06/2026

Magaaladu maanta waxay si rasmi ah u yeelatay Xeerka Nadaafadda Gobolka Banaadir, kaas oo saldhig u noqonaya maareynta, xakameynta iyo hirgelinta dhammaan howlaha nadaafadda ee caasimadda.

Xeerkan ayaa xoojinaya dadaallada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho uu ku horumarinayo bilicda magaalada, ilaalinta deegaanka iyo kor u qaadidda fayadhowrka guud, iyadoo uu maanta dhaqan-gal noqday si loo xaqiijiyo caasimad nadiif ah oo u qalanta maqaamka caasimadnimo.

16/06/2026

Hooggaamiyaha waddada ka lumay Mudane Cirro, iyo Hoggamiyihii ka horeyay Mudane Biixi.

Photos from Somali Embassy in Belgrade- Serbia's post 16/06/2026

Hal Soomaaliya waa mabda’ qaran oo sal adag leh, kuna qotoma aqoonsiga mideysan ee shacabka Soomaaliyeed, iyo ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

15/06/2026

Ardayda Soomaaliyeed ee u fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe, waxaan idiin rajaynaynaa in Alle SWT idiin fududeeyo imtixaanka iyo guud ahaan geeddi-socodka waxbarashadiinna. Waxaan Alle ka baryaynaa inuu idinku guuleeyo himilooyinkiinna waxbarasho, idiinna iftiimiyo mustaqbal barwaaqo iyo horumar ku dhisan. Guul iyo nasiib wacan dhammaantiin.

14/06/2026

Waa lees fara saaray. Habeen wanaagsan.

14/06/2026

Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya waa lama taabtaan. Cid kasta oo ka shaqeysa kala goynta ama ka jarista qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed waxay ku kacaysaa qiyaano qaran iyo dambi weyn oo ka dhan ah jiritaanka qaranka. Tallaabada uu qaaday Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cirro waa fal si cad uga hor imanaya danaha qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ah qiyaano qaran iyo jebinta mabda’a midnimada dalka.

13/06/2026

Madaxweyne Hassan "Amniga Muqdisho waa lama taabtaan. Qof ama koox kasta looma oggolaan doono inay wax u dhimaan xasilloonida iyo badqabka caasimadda.

Nabadda iyo amniga ay maanta heestaan shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu gaaray naf-huridda geesiyaal Soomaaliyeed iyo maalgelin ballaaran oo qaran. Dowladda waxaa ka go’an ilaalinta guulahaas adag ee la gaaray iyo in loo dhowro jiilasha mustaqbalka."

12/06/2026

2022 FIFA World Cup opening ceremony in Qatar was one of the best ever.❤️

Photos from Somali Embassy in Belgrade- Serbia's post 08/06/2026

Somalia—Serbia 🇸🇴 🤝🇷🇸

Want your business to be the top-listed Government Service in London?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


London