Abdirashid Abdi Jama

Abdirashid Abdi Jama

Share

Director General Ministry of Civil Aviation And Airport's Development (SOMALILAND). Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL

17/06/2026

Waxa aan kormeer shaqo ku tagay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, anigoo si dhow u eegay habsami-u-socodka hawlaha maalinlaha ah iyo tayada adeegyada kala duwan ee uu madaarku u hayo shacabka iyo rakaabka isticmaala.

Kormeerkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo hufnaanta shaqada, kor loogu qaadayo tayada adeegyada, isla markaana lagu hubinayo in madaarku si wanaagsan ugu adeego bulshada iyo dhammaan dadka isticmaala.

16/06/2026

Anigoo aad uga murugaysan geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Axmed Cabdi Muxumed, oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.

Waxaan si gaar ah uga tacsiyaynayaa hooyadii qaaliga ahayd, walaalihii, qoyska ballaadhan ee Reer Xaaji Laaqe, gaar ahaan adeerkii Xasan Kayd oo dadaal iyo garab istaag badan ku bixiyey caafimaadkiisa intii uu xanuunsanaa.

15/06/2026

Sannadka cusub ee Hijriga 1448, Ilaahay ha inooga yeelo sannad guul, khayr, caafimaad iyo badhaadhe inoo horseeda. Aamiin.

14/06/2026

Gaal iyo Islaamba ilaa taydu Wada Gaadho 🟩⬜️🟥

Photos from Abdirashid Abdi Jama's post 14/06/2026

The President of has undertaken an official visit to Israel, opening a new chapter of discussions on cooperation, investment, technology, and shared opportunities. A historic moment in Somaliland’s international relations.

12/06/2026

Waxa aan maanta nasiib u helay inaan magaalada Boorama kula kulmo saaxiibkay Xamse Cabdiraxmaan Faahiye, oo aan muddo aad u dheerku aanan is arag. Markii uu codkayga maqlay, isla markiiba wuu igu gartay.

Waa nin Alle ku mannaystay xasuus iyo maskax hufan, inkasta oo uu aragga naafo ka yahay. Isku fasal ayaannu ahaan jirnay, kulankeenuna wuxuu dib ii xasuusiyay maalmo iyo waayo h**e oo qiimo badan. Alle ha u barakeeyo isaga iyo xaaskiisa, oo labadooduba aragga naafo ka ah; ha siiyo caafimaad, farxad iyo nolol barako leh.

11/06/2026

Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan intii taqaanay Muumin Aare Miicaad oo ku geeriyooday Magaalada Araabi dowlad deegaanka Soomaalida.

Marxuumku waxa uu ahaa nin afgaaban, akhlaaq wanaagsan, dadkana si wanaagsan ula dhaqmi jiray. Intii taqaanay waxay ku xusuusan doonaan wanaaggiisii, degganaanshihiisii iyo sumcaddii wanaagsanayd ee uu bulshada ku dhex lahaa.

Ilaahay SWT ha u naxariisto, qabrigiisana ha u waasiciyo, jannatul Firdowsana ha ka waraabiyo. Ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan dadkii uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo.

Aamiin.

09/06/2026

Saxeexa Barnaamijka Taakulaynta Caafimaad ee Shaqaalaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL oo aan Caawa ku saxeexnay Madal ka dhacday Barxada Wasaaradda. Maanta wixii ka dambeeya Shaqaalaha Wasaaraddu waxa ay heli doonaan Taakulo Caafimaad (Health Package) oo Bilaash ah.

09/06/2026

Tahniyad Meher

Waxa aan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa Dr. Axmed Suldaan Saleebaan iyo Nimco Ayaan Maxamed oo munaasabadda meherkooda ku qabsoomay Hargeysa.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu ka yeelo reerkii isku waara jacayl, ixtiraam, barwaaqo iyo farxad. Ilaahay ha idinka dhigo lammaane ku naalooda deganaansho, caafimaad iyo ubad kheyr qaba.

Aamiin Aamiin. Meherkiinnu meher wanaagsan.
💐🎉💍

Photos from Abdirashid Abdi Jama's post 06/06/2026

Waxa aan tahniyad u dirahaa Boqorka aan adeerka u ahay Radwaan Cabdi Suge iyo Boqoradiisa Basra Ilyaas Cawaale oo saaka meherkoodu Boorama ka dhacay, Alle ha isku barakeeyo.

Want your business to be the top-listed Government Service in London?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


85 Barry Road
London
NW108DE