12/06/2026
NEBE oo Balanqaaday In Ay Samayn Doonan Baadhitaan Cadaalad Iyo Hufnaan Ah!
Warar naga soo gaadhaya qaar kamid ah musharaxiintii la dulmiyay ayaa sheegaya in Gudiga Doorashooyinka Qaranka (NEBE) ay kulan muhiim ah kula yeesheen Huteelka Skylight ee Addis Ababa musharaxiinta madaxa-banaan iyo qaar ka mid ah xisbiyada.
Gudoomiyaha NEBE, Marwo Melatwork, ayaa balan-qaaday in gudigu si madax-banaan u baari doono cabashooyinka la xiriira doorashada, isla markaana lagu dhawaaqi doono natiijo cadaalad ah.
Waxay sidoo kale sheegtay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo cadaadis siyaasadeed ama cabsi-galin ku samaysay musharaxiinta iyo qoysaskooda.
Gudoomiyaha waxay adkaysay in musharaxiinta madaxa-banaan iyo kuwa xisbiyadu ay si siman u wada leeyihiin xuquuqda tartanka, isla markaana qof kasta uu xaq u leeyahay racfaan sharci ah.
Kulanku wuxuu ku dhamaaday jawi wanaagsan, iyadoo musharaxiintu uga mahadceliyeen Marwo Melatwork dadaalka ay ku balan-qaaday ilaalinta caddaalada, sharciga iyo hufnaanta doorashada.
SRAJ News
12/06/2026
Xiisad Ka Taagan Boosaaso Kadib Xariga Dhallinyaro Aad u Badan Iyo Mustafe cagjar oo Bilaabay ka ganacsiga dhiiga Dhalinyarada asaga oo ka raadsanaaya cimri dheerar kursi!
Warar laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ka badan 62 dhallinyaro ah oo asal ahaan kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu hayo xabsi si adag loo ilaalinaayo, kadib markii lagu qabtay iyagoo ka shaqaynayay goobaha macdanta dahabka ee deegaanka Milxo.
Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, dhalinyaradan ayaa lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ONLF. Eedeymaha loo jeediyay ayaa horseeday in la xiro, iyadoo la sheegay in ay u socdeen dalka Eritrea.
Odayaasha ayaa sidoo kale muujiyay walaac xoogan oo ku saabsan warar sheegaya in qorshe lagu doonayo in dhalinyaradaas loo gacan galiyo dawlada Itoobiya. Sida ay tilmaameen, dadaalo lagu fulin lahaa arintaas ayaa jiray, balse ay si adag uga horyimaadeen, iyagoo ku tilmaamay talaabo dhaawici karta xuquuqda dadka la hayo.
Qoysaska iyo ehelada dhalinyarada xiran ayaa la sheegay inaan wali loo ogolaan inay si toos ah ula kulmaan ama booqdaan, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo xaaladooda iyo halka ay ku danbayn karto.
Dhacdadan ayaa si wayn looga hadal hayaa gudaha Boosaaso, iyadoo bulshada qaybaheeda kala duwan ay ka muujinayaan aragtiyo iyo walaacyo isugu jira dhinacyada amniga, xuquuqda aadanaha iyo xiriirka maamulada gobolka.
SRAJ News
12/06/2026
Silsiladaha Maskaxda Mise Furayaasha Mustaqbalka?
Iyadoo maanta dunida ay jiraan shakhsiyaad hantidoodu ka badan tahay wax-soo-saarka sannadlaha ah ee ku dhowaad 175 waddan, innaguna weli marar badan waxaan ku mashquulsannahay loollan curyaamiya horumarka, is-lug-goyn, iyo kala shakiga aynu isu qabno. Si kastaba ha ahaatee, rajo-beel meel kuma laha qalbiga dadka doonaya horumar.
Waxaan Eebbe ka baryayaa in dhalinyaradeennu ka xoroobaan silsiladaha qabyaaladda, fikirka xaddidan, iyo is-hoosaysiinta nafeed, si ay u noqdaan jiil raad muuqda ku reeba dunida, kana qayb qaata dhismaha mustaqbal ka weyn naftooda.
Ugu dambayn, furaha isbeddelka dhabta ahi waa hal mabda’: inaan aamminno awoodda ku jirta maskaxdeenna, kartideenna, iyo in aynu gaadhi karno wax kasta oo aynu si dhab ah ugu hamino. Horumarku wuxuu ka bilaabmaa marka aynu joojino shakiga nafteena oo aynu bilowno rumaysadka awooddeenna.
✍️ proff. Mohamud Ahmed cagawayne
11/06/2026
Askari ka tirsan booliska DDS Ayaa kamid noqday dadka ay kala qabsanayaan Laascaanood iyo Hargaysa!
Cabdisataar Farxaan, oo loo yiqiino “Macsaro”, oola sheegay inuu ka tirsanyahay ciidanka booliska Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan xerada Garabcase. Cabdisataar oo asal ahaan kasoo jeeda beesha Dhulbahante ayaa la sheegay inuu u baxay dhinaca magaalada Wajaale, halkaas oo lagu qabtay kadibna loo taxaabay xabsi ku yaala Somaliland.
Qoyska iyo eheladiisa ayaa sheegay in Cabdisataar ahaa qof si wanaagsan looga yaqaanay deegaanka, isla markaana laga kaxeeyay agagaarka Wajaale iyadoo duruufaha qabashadiisa ay wali muran ka taagan yihiin.
Markii ehelku arinta kala xiriireen masuuliyiinta laamaha amaanka deegaanka, ayaa sheegay in askarigu aanu fasax rasmi ah qaadan xiligii uu ka baxay shaqada. Sidoo kale, waxaa loo sheegay in xaaladiisu qayb ka tahay muranka maxaabiista ee u dhexeeya beelaha Isaaq iyo Dhulbahante, kuwaas oo wali dad kala haysta.
Ehelka Cabdisataar ayaa wali rajo ka qaba in la helo xal lagu sii daayo, iyagoo codsanaya in arintiisa si gaar ah loo eego maadaama uu ahaa askari ka tirsan hay'ad dawladeed.
SRAJ News
11/06/2026
Cabsi Ka Sii Kordhaysa Jigjiga Kadib Dilal Isdaba Joog Ah.
Magaalada Jigjiga ayaa mar kale wajahaysa dhacdo amni daro oo walaac leh, kadib markii galabta xaafadda 12aad laga helay maydka wiil dhalinyaro ah oo la dilay. Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo horey magaalada uga dhaceen falal dilal ah oo shacabka argagax galiyay.
Bilihii la soo dhaafay waxaa la diiwaangaliyay dhacdooyin kala duwan oo ay ku jiraan dilal loo geystay carruur, haween iyo dhalinyaro, kuwaas oo sare u qaaday cabashada ku saabsan xaalada amniga magaalada. Dad badan ayaa ka muujinaya walaac sii kordhaya oo ku saabsan badqabka bulshada.
Shacabka Jigjiga ayaa ugu baaqaya hay’adaha amniga inay xoojiyaan dadaalada lagu sugayo nabadgaliyada, isla markaana si degdeg ah loo baaro dhacdooyinkan si loo ogaado cida ka danbaysa loogana hortago falal kale oo la mid ah.
SRAJ News
11/06/2026
McKelle,Tigray iyo maanta!