18/06/2026
OGEYSIIS NUHIIM AH
Consulate General of the Federal Republic of Somalia in Jeddah, Saudi Arabia.
18/06/2026
OGEYSIIS NUHIIM AH
27/05/2026
Qunsulka Guud Mudane Dr. Abdiwali Hersi Abdille, wuxuu Hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakaysan ee Ciiddul Adxa u diray dhammaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan Boqortooyada sacuudiga.
Qunsulka Guud ayaa Alle uga baryay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda islaamka in uu ciiddaan ciideeda ku gaarsiiyo farxad, caafimaad, barwaaqo
isagoo si gaar ah ugu duceeyay in dalkeenna Soomaaliya uu Alle ka dhigo Dal nabdoon xasilloon oo horumar gaara
Eid Mubarak 🎉
10/05/2026
Magaalada Jeddah waxaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay Qunsuliyadda Guud ee dalka Syria ku leedahay Boqortooyada Saudi Arabia.
Qunsulka Guud Dr. Abdiweli Hersi Abdille ayaa ka mid ahaa madaxda lagu casuumay munaasabaddan muhiimka ah, taas oo muujinaysa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga sii xoogeysanaya ee Qnsuliyadda Guud la leedahay Qunsuliyaddaha dhigeeda ah ee ku sugan Boqortooyada Sucuudi Carabiya
Munaasabadda ayaa si rasmi ah u bilaabatay kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Syria uu xarigga ka jaray Qunsuliyadda cusub,
Intii ay socotay xafladda martida ayaa lagu soo dhaweeyay jawi saaxiibtinimo iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan horumarinta wada shaqeynta, xiriirka siyaasadeed iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada.
Dhanka kale, Qunsulka Guud ayaa bogaadiyay tallaabadan, wuxuuna si diirran usoo dhaweeyay dhigiisa dalka Syria, isaga oo u rajeeyay shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Syria nabad, guul iyo horumar.
30/04/2026
Qunuslkas Guud Mudane Dr. Abdiwali Hersi Abdille ayaa xaruunta Qunsuliyada Guud jeedah waxa uu si diiran ugu soo dhoweeyay wafdi ka socday Qunsuliyadda Singapor wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Qunsulka guud Mudane Chandra Kumar, waxaana ku weheliyay Qunsulka Arrimaha Siyaasadda, Mudane Osman
Intii ay socotay booqashada, labada Qunsuliyadood waxay yeesheen wada-hadallo Muhiim ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo is-dhaafsiga khibradaha.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi is-afgarad iyadoo la isla gartay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta mustaqbalka, si loo gaaro danaha wadajirka ah ee labada dal.