Xaflad ballaaran oo lagu taageerayay Xildhibaanad Rahma Abukar Salah oo kamid golaha wakiilada Dowlada Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Telefishinka Koonfur Galbeed Soomaaliya
SOUTHWETS STATE TELEVISION. KGS TV
05/06/2026
Ciidanka Ammaanka Degmada Wanlaweyn Oo Howlgal Ballaaran Ka Sameeyey Xaafadaha Degmada
Ciidanka ammaanka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa howlgal ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyey xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.
Howlgalkaan oo qayb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga degmada ayaa waxaa hoggaaminayey taliyaha ciidanka Birmadka degmada Wanlaweyn, Sulaymaan Maxamed Yare, iyadoo ciidamada ay baaritaanno iyo kormeerro amni ka sameeyeen goobaha muhiimka ah ee degmada.
Ujeedka howlgalka ayaa Ahaa xoojinta nabadgelyada iyo ka hortagga falal amniga wax u dhimi kara.
Golaha wakiilada Koonfur Galbeed waxaan markale ka codsanaynaa inay naga farxiyaan maalinta Arbacada ahna ay doortaan Sheekh Aadan Madoowe
Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha Arimaha Bulshada degmada Wanlaweyn
Kulan ay isugu yimaadeen dhalinyaro, wax-garad, mas'uuliyiin iyo Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada degmada Wanlaweyn Mudane Maxamed Cabdalle Ibrahim ayaa hambalyo iyo bogaadin loogu diray Guddoomiyaha Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mahad Mohamed Sheikh Hassan.
04/06/2026
Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Gaashanle Dhexe Xuseen Baargeele Maxamed U-Magacaabay Taliyaha Ciidanka Birmadka Qeybta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Koonfur Galbeed.
04/06/2026
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Koonfur Galbeed, Dr. Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa hambalyo u diray Guddoonka cusub ee Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed, oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Aadan Xasan Usaama, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Shamso Maxamed Yarow.
Wasiir Bilaal ayaa Guddoonka cusub u rajeeyay inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada Koonfur Galbeed.
04/06/2026
HOGAAMIYAHA KMG AH EE DOWLADDA KOONFUR GALBEED AYAA DHAMBAAL HAMBALIYO AH UDIREY GUDOONKA CUSUB EE MAANTA LA DOORTAY.
Baydhabo, Juun, 4, 2026 – Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Guddoonka cusub ee maanta loo doortay hoggaaminta Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hoggaamiyaha ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Mahad Maxamed Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Mudane Aadan Xasan Maxamed Gudoomiye ku xigeenka 2-aad Marwo Shamsa Maxamed iyo dhammaan xubnaha Guddoonka cusub kalsoonida ay ka heleen Xildhibaannada Golaha Wakiillada isaga oo u rajeeyay in Alle ku garab galo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa tilmaamay in doorashada Guddoonka Golaha Wakiilladu ay tahay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa geeddi-socodka dimuqraadiyadda, dowlad-dhiska iyo matalaadda shacabka Koonfur Galbeed. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda si loo dardargeliyo horumarka, nabadda iyo adeegyada bulshada.
“Hambalyo ayaan u dirayaa Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed. Waxaan idiin rajeynayaa guul, hufnaan iyo hoggaan ku dhisan cadaalad iyo u adeegidda shacabka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay dhammaan Xildhibaannada Golaha Wakiillada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta dowladnimada, ilaalinta danaha shacabka iyo xoojinta midnimada bulshada Koonfur Galbeed.
DHAMAAD
04/06/2026
Mahad Mohamed Shekh Xasan ayaa loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Mahad ayaa helay 70-Cod
Halka Abdihakiin fiqi oo la tartamayey uu helay 25 Cod.
Garmqalka Askar Ku Eedeysan Qal-qal gelin Amni
03/06/2026
SHAACINTA LIISKA MUSHARRIXIINTA GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA
DOWLAD-GOBOLEEDKA KOONFUR-GALBEED SOOMAALIYA.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
Baydhabo
252
