Abdirahman Abdullahi Ali

Abdirahman Abdullahi Ali

Share

Bogga Rasmiga ah ee Duqa Degmada Boosaaso ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka

Photos from Abdirahman Abdullahi Ali's post 14/06/2026

Waxaan maanta shir-guddoomiyey Kal-fadhiga 38-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Fadhiga maanta waxaa Golaha horyimi Xoghayaha Dowladda Hoose iyo Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Dowladda Hoose, kuwaas oo Golaha ka siiyey warbixinno ku saabsan shaqooyinka baaxadda leh, adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda degmada Boosaaso.

13/06/2026

Ilaahay SWT waxaan uga baryayaa Awowe Hiirad Xirsi Dubbe inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qabrigiisana u waasiciyo, naxariistiisana ku mannaysto.

Dhammaanteen waxaan Ilaahay uga baryayaa samir iyo iimaan.

Aamiin.

11/06/2026

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan eheladii, qaraabadii, iyo asxaabtii ilahay ha unaxariistee marxuum Baari Shiire Dharaar.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Guddoomiya Ku-xigenka Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shiire iyo dhammaan qoyska reer Baari Shiire.

Waxaan ilahay (STW) uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin

Photos from Abdirahman Abdullahi Ali's post 10/06/2026

Maanta waxaan ka qayb-galay shir muhiim ah oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda PDRC kaas oo lagu falanqeeyay qorshaha iyo hannaanka Sanduuqa Horumarinta Puntland (PDF).

Kulankan wuxuu bulshada u abuuray fursad ay ku soo bandhigaan aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku saabsan mashaariicda horumarineed si loo xaqiijiyo in qorshayaasha la dejinayo ay waafaqsan yihiin baahiyaha dhabta ah ee shacabka.

Waxaan bogaadinayaa dadaallada lagu xoojinayo ka qaybgalka bulshada iyo horumarinta nidaamyada horseedaya horumar waara.

Photos from Abdirahman Abdullahi Ali's post 30/05/2026

Maanta waxaan magaalada Boosaaso ka daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026, anigoo ay ila socdeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo maamulka gobolka.

Waxaan u rajeynayaa dhammaan ardayda u fariisatay imtixaanka guul iyo natiijooyin wanaagsan, waxaana ku dhiirrigelinayaa inay muujiyaan dadaalkii iyo aqoontii ay soo barteen. Sidoo kale, waxaan kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah goobaha imtixaanku ka socdo ee Boosaaso.

Waxaan Alle uga baryayaa ardayda oo dhan inuu u fududeeyo imtixaanka una waafajiyo guul.

Photos from Abdirahman Abdullahi Ali's post 27/05/2026

Waxaan hambalyada munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaha u dirayaa dhammaan bulshada reer Boosaaso, shacabka reer Puntland, guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamka meel kasta oo ay joogaan.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu ciidan ciideeda nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad, barwaaqo iyo farxad. Ciidul Adxahani ha noqoto mid xoojisa isku duubnida, iscafiska, walaaltinimada iyo wadajirka bulshada.

Waxaan sidoo kale shacabka reer Boosaaso ugu baaqayaa inay ilaaliyaan amniga, adkeeyaan iskaashiga bulshada, kana shaqeeyaan nabadda iyo horumarka.

Ciid Mubaarak | Ciid wanaagsan.

26/05/2026

Ciid Mubaarak dhammaan shacabka reer Bosaso iyo guud ahaan Ummadda musliminta ah.

25/05/2026

Alla Mahad leh.

Boosaaso waxay mar kale xaqiijisay inay tahay Hooyada Puntland iyo Soomaali idilkeed, sanado badan oo ay ku jirtay KUFAA KAC, waxay xaqiijisay karaanka ay u leedahay martigelinta kulamo waaweyn, iyadoo aysan cidna ku dareemayn marti ahaan.

Boosaaso iyo reer Boosaaso way guulaysteen, waxay si ilbaxnimo ku jirto usoo dhoweeyeen kooxihii iyo taageerayaashii ka kala yimid casumadaha gobolada, waxay maalin walba si hagar la’aan usoo buuxin jireen garoonka.

Dhacdadan taariikhiga ahi Boosaaso Uma ahayn marti gellin ciyaar caadi ah, waxay u ahayd soo KABASHO iyo DIB U CURASHO. magaalo mar su’aal la geliyay maqaamkeedii qiimaha badnaa isla markaana dib usoo ceshatay iyadoo u martay waddo adag oo ah dhiigga geesiyaasha Puntland.

Anigoo munaasabaddan ka faa’iidaysanaya waxaan u ducaynayaa geesiyaashii u Shahiiday quruxdan aan maanta ku wada dabbaal degayno.

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni oo juhdi badan geliyay inay reer Boosaaso helaan garoon caalami ah, Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada, xiriirka kubadda cagta, ciidamada puntlanr gaar ahaa PMPF iyo Ciidanka Booliska Puntland si xirfad sare leh oo dhibrin ku jirto u sugayay ammaanka garoonka, ciyaaryahanka iyo taageerayaasha.

Waxaa kale oo aan u mahadcelin bahda saxaafadda oo quruxdii ay soo bandhigeen iyo xirfaddoodii tebinta ciyaaraha iyo muuqaalka guud ee garoonka iyo magaalada ay ciyaaraha ku soo xidhay Malaayiin Soomaali ah oo dunida dacaladeeda kala jooga, taageerayaashii Boosaaso iyo caasimadaha kale oo muujiyay qaan gaarnimo buuxda.

Ugu danbayn waxaan Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa kooxda Caasimadda Garoowe oo intii ay ciyaartu socotay soo bandhigay asluub saraysa iyo xirfad ciyaareed heer sare ah ugu danbayna ku guulaystay Koobki Cal-miskaad.

21/05/2026
Photos from Abdirahman Abdullahi Ali's post 20/05/2026

Maanta waxaan kormeer ku tagey barnaamijka Hiddisaha Caafimaadka iyo Ladnaanta Barakacayaasha Boosaaso oo maraya wajigiisii labaad, kaas oo Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso ay maalgelinayso si kor loogu qaado adeegyada caafimaadka bulshada.

Barnaamijkan waxaa fulinaya ardayda Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Badda Cas, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya daryeelka caafimaadka ee dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Boosaaso.

Waxaan aad ugu bogaadinayaa maamulka Jaamacadda Badda Cas, dhallinyarada ardayda ah iyo dhammaan bahwadaagta ka shaqeynaya adeegyada bulshada. Dowladda Hoose ee Boosaaso waxay sii xoojin doontaa dadaallada lagu horumarinayo caafimaadka, adeegyada bulshada iyo taageerada dadka nugul.

Want your business to be the top-listed Government Service in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Bosaso
NONE