01/06/2026
๐๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ: 01 ๐๐ฎ๐ง,2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari, ๐๐๐ซ๐ฐ๐จ ๐
๐๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐๐๐๐ง, oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Masiibooyinka (DRM), ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐ข๐ข๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฅ๐ข, ayaa magaalada Muqdisho kaga qayb galay aqoon-is-weydaarsi heer qaran ah oo ku saabsan Qaab-dhismeedka Saddex-geesoodka ah (Tri-Part Framework).
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hayโadda SoDMA, isla markaana uu taageerayay World Food Programme (WFP), ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya hayโadaha dowladda, wasaaradaha gargaarka iyo bah-wadaagta arrimaha biniโaadannimada, si loo horumariyo isku-duwidda howlaha gargaarka, u diyaar-garowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo musiibooyinka kala duwan ee dalka.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa halkaas ku soo bandhigay warbixintii ugu dambeysay ee xaaladda biniโaadannimo ee ka jirta guud ahaan deegaannada Dowladda Waqooyi Bari, iyagoo si gaar ah u iftiimiyay caqabadaha jira, baahiyaha mudnaanta leh ee ay bulshadu wajahayso, iyo goobaha u baahan taageero biniโaadannimo oo degdeg ah, gaar ahaan dhinacyada gargaarka iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
Ugu dambayn, madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee ka qayb galay shirkan ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhow, isku-xirnaan joogto ah iyo is-dhaafsiga xogaha muhiimka ah ee u dhexeeya SoDMA iyo wasaaradaha gargaarka ee dowlad-goboleedyada dalka, si loo helo hannaan mideysan oo wax-ku-ool ah loona xoojiyo dadaallada qaran ee lagu maareynayo lagagana jawaabayo musiibooyinka iyo xaaladaha biniโaadannimo ee dalka ka jira.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐โ
___________________
๐๐๐๐๐๐จ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฟ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ป๐๐ฎ & ๐ซ๐ถ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ต๐ธ๐ฎ ๐ฟ๐๐๐ฌ๐๐ฎ๐ฃ๐๐๐ ๐ฒ๐ฒ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐๐๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐.
๐๐บ๐ฎ๐ถ๐น: [email protected]
๐ณ๐ฎ๐ฐ๐ฒ๐ฏ๐ผ๐ผ๐ธ:
https://www.facebook.com/share/1CTBnCuWWu/
๐ง๐ถ๐ธ๐๐ผ๐ธ:
tiktok.com/
๐๐ฒ๐ฏ๐๐ถ๐๐ฒ:
https://mohadm.ne.so/
26/05/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐-๐๐๐๐๐๐
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, ๐๐ง๐ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐ข๐ซ๐ข๐ ๐
๐๐ซ๐๐ก (๐๐ก๐๐ซ๐ข๐ข๐), wuxu hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxada u dirayaa dhammaan Ummadda Islaamka, Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Waqooyi Bari, Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud iyo dhammaan Hawlwadeenada Wasaaradda.
Wasiir shariif ayaa xusay in Ciidul Adxadu tahay maalin ku suntan cibaado, walaaltinimo, isxilqaan iyo garab istaagga dadka nugul.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu bulshada ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada, iskaashiga iyo is garab istaagga dadka nugul gaar ahaan xilliyadan ay jiraan duruufaha nololeed iyo saameynta abaaruhu.
Ugu dambayn, waxa uu Alle uga baryay inuu Umadda Islaamkaa ka aqbalo cibaadada iyo camalka suubban, kana yeelo Ciidul Adxadan mid nabad, caafimaad iyo barwaaqo ku soo kordhisa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐โ
___________________
๐๐๐๐๐๐จ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฟ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ป๐๐ฎ & ๐ซ๐ถ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ต๐ธ๐ฎ ๐ฟ๐๐๐ฌ๐๐ฎ๐ฃ๐๐๐ ๐ฒ๐ฒ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐๐๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐.
๐๐บ๐ฎ๐ถ๐น: [email protected]
๐ณ๐ฎ๐ฐ๐ฒ๐ฏ๐ผ๐ผ๐ธ:
https://www.facebook.com/share/1CTBnCuWWu/
๐ง๐ถ๐ธ๐๐ผ๐ธ:
tiktok.com/
๐๐ฒ๐ฏ๐๐ถ๐๐ฒ:
https://mohadm.ne.so/
24/05/2026
๐๐๐๐ฌ๐๐๐๐ง๐จ๐จ๐- 24 ๐๐๐ฒ-2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda WaqooyiBari,Soomaaliya ๐๐๐ซ๐ฐ๐จ ๐
๐๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐๐๐ง ayaa ka qayb gashay shirka Aqoon-iswaydaarsiga Isku-dubbaridka Qorshaha Is-bedelka Qaranka (NTP) oo maanta lagu soo gebagebeeyey magaalada Laascaanood.
Shirkan oo ay kasoo qayb galeen agaasimayaasha guud, agaasimayaasha waaxyaha qorshaynta iyo hawl-wadeennada farsamo ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo waafajinta qorshayaasha dowladda.
Intii uu shirku socday ayaa lagu lafa guray tiirarka qorshaha qaranka, samaynta qorshayaasha sannadlaha ah iyo kuwa shanta sano, iyo sidii mudnaanta Dowladda Waqooyi Bari loogu jaan-goyn lahaa Qorshaha Is-bedelka Qaranka (NTP).
Sidoo kale waxaa la soo bandhigay qorshayaasha hortebinta leh ee ay wasaaraduhu diyaariyeen kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka dowladda.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐โ
___________________
๐๐๐๐๐๐จ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฟ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ป๐๐ฎ & ๐ซ๐ถ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ต๐ธ๐ฎ ๐ฟ๐๐๐ฌ๐๐ฎ๐ฃ๐๐๐ ๐ฒ๐ฒ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐๐๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐.
๐๐บ๐ฎ๐ถ๐น: [email protected]
๐ณ๐ฎ๐ฐ๐ฒ๐ฏ๐ผ๐ผ๐ธ:
https://www.facebook.com/share/1CTBnCuWWu/
๐ง๐ถ๐ธ๐๐ผ๐ธ:
tiktok.com/
๐๐ฒ๐ฏ๐๐ถ๐๐ฒ:
https://mohadm.ne.so/
16/05/2026
๐๐๐๐ฌ๐๐๐๐ง๐จ๐จ๐ โ 16 ๐๐๐ฒ 2026
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, ๐๐ง๐ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐ข๐ซ๐ข๐ ๐
๐๐ซ๐๐ก(Shariif), ayaa maanta magaalada Laascaanood si rasmi ah uga daahfuray Workshop-ka Roll Out of Revised National Disaster Management Policy (NDMP).
Workshop-kan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta iyo faafinta Siyaasadda Dib-u-eegista lagu sameeyay ee Maareynta Musiibooyinka Qaranka (NDMP), si loo xoojiyo u diyaargarowga, ka hortagga, iyo wax ka qabashada xaaladaha musiibooyinka.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ๐๐ง๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฃ๐ข ๐๐จ๐ฎ๐ซ Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐๐๐๐ฌ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐จ๐ฎ๐ ๐๐ฅ๐ข, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐ก๐ข ๐๐๐๐๐ข, Masuuliyiin sare oo ka socday Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), NGO-yada ka hawlgala deegaannada Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, iyo xubno kale oo muhiim ah.
Wasiirka ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ay muhiim u tahay horumarinta nidaamka maareynta musiibooyinka iyo xoojinta wada-shaqeynta hayโadaha dowladda, si bulshada loogu helo adeegyo hufan xilliyada adag.
Ugu dambayn, wasiirka ayaa ku boorriyay dhammaan kasoo qeybgalayaasha inay door muuqda ka qaataan hirgelinta siyaasaddan cusub, si loo helo bulsho u diyaarsan xaaladaha degdegga ah iyo musiibooyinka kala duwan.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐โ
___________________
๐๐๐๐๐๐จ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฟ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ป๐๐ฎ & ๐ซ๐ถ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ต๐ธ๐ฎ ๐ฟ๐๐๐ฌ๐๐ฎ๐ฃ๐๐๐ ๐ฒ๐ฒ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐๐๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐.
๐๐บ๐ฎ๐ถ๐น: [email protected]
๐ณ๐ฎ๐ฐ๐ฒ๐ฏ๐ผ๐ผ๐ธ:
https://www.facebook.com/share/1CTBnCuWWu/
๐ง๐ถ๐ธ๐๐ผ๐ธ:
tiktok.com/
๐๐ฒ๐ฏ๐๐ถ๐๐ฒ:
https://mohadm.ne.so/
15/05/2026
๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐.
Hambalyo Maalinka Dhalinyarada Soomaaliyeed 15-ka May, sanad guuradii kasoo wareegtay aas-aaskii halgamayaashii SYL sanadkii 1943-dii. Maalintani waa maalin xambaarsan halgan, waddaniyad iyo dib u milicsiga taariikhda qiimaha badan ee ay dhallinyaradu ku leeyihiin xorriyadda iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dawladda Waqooyibari Soomaaliya, oo uu ugu horreeyo Wasiirka Wasaaradda ๐๐ง๐ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐ข๐ซ๐ข๐ ๐
๐๐ซ๐๐ก (Shariif), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐จ๐ฎ๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐ก๐ข ๐๐ก๐ฆ๐๐, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ๐๐๐ซ๐ฐ๐จ ๐
๐๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ ๐๐๐๐ง iyo dhammaan shaqaalaha kala duwan ee wasaaraddu, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan shacabka reer Waqooyibari iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐โ
___________________
๐๐๐๐๐๐จ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฟ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ป๐๐ฎ & ๐ซ๐ถ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ต๐ธ๐ฎ ๐ฟ๐๐๐ฌ๐๐ฎ๐ฃ๐๐๐ ๐ฒ๐ฒ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐๐๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐.
๐๐บ๐ฎ๐ถ๐น: [email protected]
๐ณ๐ฎ๐ฐ๐ฒ๐ฏ๐ผ๐ผ๐ธ:
https://www.facebook.com/share/1CTBnCuWWu/
๐ง๐ถ๐ธ๐๐ผ๐ธ:
tiktok.com/
๐๐ฒ๐ฏ๐๐ถ๐๐ฒ:
https://mohadm.ne.so/
13/05/2026
WASAARADDA GARGAARKA IYO MAARAYNTA MUSIIBOOYINKA EE DAWLADDA WAQOOYIBARI,SOOMALIYA AYAA SAFAR SHAQO KU TAGTAY DEEGAANADA GAMBADHE IYO DALYARE.
Safarkan waxaa hoggaaminayey Agaasimaha Waaxda Maareynta Musiibooyinka, Mudane ๐๐๐ฐ๐ฅ๐ข๐ข๐ ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฅ๐ข, waxaana ku weheliyay Madaxa ICT-ga Wasaaradda, Mudane ๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐๐ก๐ข ๐๐๐๐ข ๐๐ฌ๐ฆ๐๐๐๐ข๐ข๐ฅ.
Ujeeddada safarka ayaa ahayd kor u qaadista fahamka bulshada ee la xiriira u diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha, iyadoo bulshada lagu baraarujinayay hababka ugu habboon ee looga falcelin karo xaaladaha degdegga ah iyo musiibooyinka dabiiciga ah.
Intii ay masโuuliyiintu ku sugnaayeen deegaanadaas, waxay kulamo miro-dhal ah la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, haweenka, guddiyada deegaanka iyo bulshada rayidka ah. Waxay si dhow u dhegaysteen baahiyaha bulshada, gaar ahaan saameynta abaartu ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo caqabadaha nololeed ee ay wajahayaan.
Sidoo kale, masโuuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada, feejignaanta joogtada ah, iyo ka qayb qaadashada dadaallada lagu yareynayo saameynta musiibooyinka iyo xaaladaha baniโaadantinimo.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya waxay sii laba-jibbaaraysaa dadaalladeeda ku aaddan wacyigelinta bulshada, qiimeynta xaaladaha deegaanka, la socodka isbeddellada jira, iyo hirgelinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo badqabka, adkeysiga, iyo horumarka waara ee bulshada.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐โ
___________________
๐๐๐๐๐๐จ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฟ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ป๐๐ฎ & ๐ซ๐ถ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ต๐ธ๐ฎ ๐ฟ๐๐๐ฌ๐๐ฎ๐ฃ๐๐๐ ๐ฒ๐ฒ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐๐๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐.
๐๐บ๐ฎ๐ถ๐น: [email protected]
๐ณ๐ฎ๐ฐ๐ฒ๐ฏ๐ผ๐ผ๐ธ:
https://www.facebook.com/share/1CTBnCuWWu/
๐ง๐ถ๐ธ๐๐ผ๐ธ:
tiktok.com/
๐๐ฒ๐ฏ๐๐ถ๐๐ฒ:
https://mohadm.ne.so/