Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug

Share

Page-kani waa page-ka saxda ah ee Guddiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Galmudug.

Photos from Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug's post 14/06/2023

Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Galmudug Haliimo ismacil Ibrahim ayaa ka qeyb gashay kulanka soo bandhigida sharciga doorashooyinka oo aay soo qaban qaabisay wasaaradda arimaha gudaha Galmudug.

kulanka waxaa goob joog ahaa labada gole ee dowladda Galmudug maamulada Gobalada Mudug & Galgaduud, gudoomiyaasha Degmooyinka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.

Guddiga ayaa masuuliyiinta kala duwan ee dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada la wadaagay cutubyada sharciga doorashooyinka galmudug iyadoo aay bulshadu ku dareen aragtidooda ku aadan qaab dhismeedka sharciga doorashooyinka Galmudug.

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug

Photos from Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug's post 25/05/2023

Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Galmudug Haliimo ismacil Ibrahim Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Yaasin Abdi jamac iyo xubnaha Guddiga Madaxa banan ee doorashooyinka Galmudug ayaa kormeeray xarunta la socda doorashooyinka ee Magaalada Gorowe.

Gudoomiyaha Guddiga ku-meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) Abdirzak Axmed Said ayaa xarunta ku soo dhaweeyay Guddiga

guddiga ayaa sidoo kale soo indha-indheeyay sida aay u socdaan howlaha doorashada dhanka kale waxa aay la kulmeen dalada bulshada rayidka Puntland ee Punssa.

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug

Photos from Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug's post 25/05/2023

Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Galmudug Haliimo ismacil Ibrahim oo wehliyaan xubnaha guddiga madaxa banan ee doorashooyinka Galmudug ayaa maana kormeer iyo indha-indheyn ku tagay Magaalda Burtinle ee Gobalka nugaal oo ka mid ah 30 Degmo oo Puntlnad ah oo doorasho dad weyne ka dhaceyso maanta.

Guddiga ayaa xog wareysatay xubnaha Guddiga doorashooyinka (TBEC) Hay,adaha madaxa banan ee kor joogtada ah, bulshada rayidka, iyo dad weynaha codeynayay iyagoo sheegay in doorasho u socoto si habsami leh oo xasilooni ku jirto.

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug

Photos from Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug's post 24/05/2023

Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Galmudug Haliimo ismacil Ibrahim oo wehliyaan xubnaha guddiga iyo Meghan Brown oo tirsan hay,ada Build up oo ka shaqeysa Arimaha doorashooyinka
ayaa kormeer howleed ku tagay xarunta horumarinta iyo cilmi baarista Puntland ee PDRC.

PDRC ayaa guddiga la wadaay xogaha iyo herarka aay soo martay in aay Puntland aay ka dhacdo doorasho dad weyne oo aay bulshadu doortan hugaankooda.

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug

24/05/2023

Wafdi aay hugaamineyso Gudoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Galmudug Haliimo ismacil Ibrahim oo aay qeyb ka yihiin xubnaha Guddiga ayaa gaartay magaalda Gorowe Xarunta Maamulka Puntland.

Wafdiga waxaa magaalada Gorowe ku soo dhaweeyay Guddiga ku-meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC)

Gudoomiyaha guddiga madaxa banan ee doorashooyinka Galmudug ayaa bulshada puntland u rajeeyay in aay ku guuleystan Doorashada maalinta biri ah ka dhici doonta puntland sidoo kale waxa aay sheegay in umada soomaliyeed aay indhaha ku hayaan doorashada Golayaasha deeganka.

Photos from Guddiga Doorashooyinka Puntland's post 24/05/2023
Photos from Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug's post 22/05/2023

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Galmudug Mudane Dr Yaasin Abdi jamac ayaa magaalada Gorowe oga qeyb galay Dood wadaag ku saabsan Doorashooyinka oo aay si wada jir ah usoo agaasimeen hay,ada Interpeace, xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha puntland iyo Dalada bulshada rayidka puntland ee Punsaa.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga madaxa banan ee doorashooyinka Galmudug ayaa bulshada puntland u rajeeyay in aay ku guuleystan Doorashada maalmaha soo socda ka dhici doonta puntland isagoo sheegay in umada soomaliyeed aay indhaha ku hayaan doorashada iyo sida aay oga qabsoonto puntland.

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug

Photos from Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug's post 14/05/2023

Dhuusamarreeb, 14-da May 2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

Gudoomiyaha Guddiga madaxa banan ee Doorashooyinka Galmudug iyo xubnaha guddiga ayaa warbixin la xarirta halka ay u marayaan dadaallada ku aaddan doorashooyinka ee ay wadaan.

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug

08/05/2023

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Galmudug waxa uu Tacsi tiiranyo leh u dirayaa Gudoomiyaha Guddiga madaxa banan ee Doorashooyinka Galmudug Xaliimo ismacil ibrahim oo uu walalkeed Mohamed Ismaacil Ibrahim uu ku geeriyooday Magaalada Manchester ee Dalka Ingiriiska.

Guddigu waxa uu tacsida la wadagayaa qoyska oo aay ugu horeyso Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banan ee Doorashooyinka Galmudug in ale ka samir siiyo Geerida Walalkood.

Photos from Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug's post 11/04/2023

Guddiga Madaxa banan ee doorashooyinka Galmudug oo watashi ku saabsan Diyaarinta sharciga doorashooyinka Galmudug la qaatay qeybo ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Galmudug.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga madaxa banan ee doorashooyinka Galmudug Dr Yaasin Abdi jaamac oo aay wehliyaan Guddiga Doorashooyinka ayaa kulan la qaatay wasaaradaha qeybta ka ah Sharciga Doorashooyinka Galmudug ee kala ah Wasaaradda Arimaha Gudaha, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Dastuurka, Wasaaradda Haweenka iyo wasaaradda Qorsheynta Dowladda Galmudug.

wadatashigan oo ku saabsan diyaarinta sharciga doorashooyinka waxaa sidoo kale ka Qeyb gali doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug si loo gaaro Doorasho Qof iyo Cod ah.

Photos from Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug's post 08/04/2023

Agaasimaha Madaxtooyada Dowladda Galmudug oo Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Galmudug ku wareejiyay furaha Xafiis ku meel gaar ah oo uu ku shaqeyn doono Guddiga.

Gudoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Galmudug Xaliima Ismaacil Ibraahim (Xaliima Yarey) oo ay wehliyaan Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Dr Yaasin Abdi Jaamac iyo xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa agaasimaha Madaxtooyada Dowladda Galmudug Mudane Osman Mo'alim Hassan kala wareegay Xafiis si ku meel gaar ah uu ugu shaqeyn doono Guddiga madaxa banan ee Doorashooyinka Galmudug.

Xafiiskan ayaa fududeyn doona in la dar-dar galiyo howlaha baaxada leh ee hor yaala Guddiga madaxa banan ee Doorashooyinka Galmudug.

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug

Photos from Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug's post 05/04/2023

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banan ee Galmudug marwo Haliimo ismail Ibrahim (Halimo yarey) oo aay wehliyaan Gudoomiye ku xigeenka guddiga iyo xubnaha guddiga doorashooyinka madaxa banan ee Galmudug ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Magaalada Dhuusomareb.

Kulanka waxaa diira lagu saaray oo lagu soo bandhigay in guud ahaan Galmudug aay diyaar u tahay Doorasho, Nuuca Doorashada iyo Qorshaha Guud ee la xariira Doorashada,

Guddiga Madaxa banan ee doorashooyinka Galmudug ayaa ku guda jira qorshaha in Galmudug laga hir galiyo doorasho Qof iyo cod.

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Galmudug

Want your business to be the top-listed Government Service in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Dhuusamareeb
Dhuusamarreeb