04/06/2026
DAY2: GARSOOR
Maalintii labaad ayaa si habsami leh uga socota Xaafadda laamaha xaafada Garsoor ololaha nadaafadda iyo bilic-soo-celinta xaafadaha magaalada, iyadoo maanta lagu guuleystay nadiifinta iyo furista goobo u xiray qashin iyo geedka garan waaga, sidoo kalena dib loogu furay wadooyin xirmay oo caqabad ku ahaa isu socodka bulshada iyo gadiidka.
03/06/2026
πππ¬ π― | π«ππππππ πππ₯π¦π’π’π₯
Waxaa maalintii saddexaad si rasmi ah xaafada garsoor uga bilowday ololaha nadaafadda iyo bilicsoocelinta xaafadaha magaalada Gaalkacyo kaas oo lagu nadiifiyo goobo muhiim ah bushada oo ay qashin iyo dhagax xireen saameeyna ku yeeshay isku socodka gadiidka iyo dadweynaha.
Olalaha oo ay hormuud u tahay dowlada hoose ayaa mudo labo cisho ah si toos ah uga socon doona laamaha kale duwan ee xaafada iyadoo ay qayb ka yihiin maamulka iyo bulshada xaafada, xildhibaanada golaha deegaanka, ururada dhalinyarada iyo qaybaha bulshada.
Intii ay socotay shaqadu, waxaa kormeer ku tagay goobaha ay shaqadu ka socoto Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo, Maxamed Ciise Xusseen, iyo Xoghayaha Degmada, Shaafici Cawil Maxamed, kuwaas oo u kuurgalay habsami u socodka hawlaha sidoo kalena bogaadiyey hawl wadeenada.
--ππππππππ--
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA EE DOWLADDA HOOSE DEGMADA GAALKACYO.
02/06/2026
DAY2| Waxaa maalintii labaad si habsami leh uga socda Xaafadda Yameys ololaha nadaafadda iyo bilic-soocelinta xaafadaha magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay Dowladda Hoose ka waddo dhammaan xaafadaha magaalada si kor loogu qaado nadaafadda, bilicda magaalada.
Howlaha maanta la qabtay ayaa diiradda lagu saaray hagaajinta goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin waddooyin xirmay oo saameyn ku lahaa isu socodka bulshada, iyo meelo ay qashinku ku buux-dhaafeen, kuwaas oo si weyn loo nadiifiyey loogana qaaday qashinkii yaallay.
Intii ay howluhu socdeen, waxaa goobaha shaqada kormeer ku tegay Duqa Degmada Gaalkacyo, Xuseen Cabdinuur Maxamed, isagoona u kuurgalay sida ay u socdaan hawlaha nadaafadda. Duqa ayaa bogaadiyey dadaalka ay wadaan hawl-wadeennada dowlada hoose, maamulka xaafadda, ururada dhalinyarada iyo bulshada, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan ka shaqada ay bulshada u hayaan.
--ππππππππ--
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA EE DOWLADDA HOOSE DEGMADA GAALKACYO.
01/06/2026
β
βGodod, 01 June 2026: Duqa Degmadda Gaalkacyo, Mudane Xussen Cabdinuur Maxame, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda xiritaanka Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliiska Puntland, oo ka qalin-jebiyay Dugsiga Tababarka Gen. Carays Godad ee Gaalkacyo.
β
βMunaasabadda oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladda, sida Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, qaar ka mid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha Wasiirrada, saraakiisha ciidamada, maamulka Gobolla iyo marti sharaf kale, iyadoona goobta lagu soo bandhigay aqoonta, tababarka iyo xirfadaha ay ciidamada cusub soo barteen muddadii ay ku jireen xerada tababarka.
β
β--ππππππππ--
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA EE DOWLADDA HOOSE DEGMADA GAALKACYO.