26/05/2026
GAROOWE : 26-MAY 2026:- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, ayaa munaasabadda Ciidul Adxaa awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Ciidamada Amniga Garoomada iyo Shaqalaha Garoomada Puntland.
Wasiirka ayaa shaqaalaha ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa, isaga oo Alle uga baryey inuu ciidda ku gaarsiiyo bashbash, barwaaqo iyo caafimaad. Sidoo kale, wuxuu ku ammaanay shaqaalaha dadaalka iyo adeegyada ay u hayaan bulshada Puntland.
π§ Email: [email protected]
π Website: http://mocaa.pl.so
π Facebook: https://www.facebook.com
π¦ Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
π΅ Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ πππππππππ ππππππππ πππππππ πππ πππππππππ πππ.
21/05/2026
GAROOWE:- 21 MAY-2026:- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Sheekh Cali, ayaa ka qeyb galay Xafladda Qalin-jabinta Dufcaddii 3-aad ee Ardayda Machadka Puntland Aviation College, taas oo ka dhacday Masraxa Dookh ee Magaalada Garoowe.
Xafladda waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin kala duwan, maamulka Machadka, marti sharaf iyo qeybaha bulshada, kuwaas oo hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay kuna bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen muddadii waxbarashada.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa ardayda kula dardaarmay inay aqoontooda uga faaβiideeyaan bulshada iyo horumarinta adeegyada duulista hawada, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay tayeynta xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa la xiriira duulista iyo maamulka garoomada.
π§ Email: [email protected]
π Website: http://mocaa.pl.so
π Facebook: https://www.facebook.com
π¦ Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
π΅ Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ πππππππππ ππππππππ πππππππ πππ πππππππππ πππ.
01/05/2026
BOSAASO, 1- MAY 2026:- Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, ayaa si diirran ugu hambalyeeyay dhammaan shaqaalaha ka hawlgala garoomada diyaaradaha Puntland iyo Ciidamada Amniga, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed (International Workersβ Day).
Wasiirku waxa uu tilmaamay in maalintani ay tahay munaasabad muhiim ah oo lagu maamuuso laguna xuso doorka muuqda ee shaqaalaha, kuwaas oo si joogto ah oo hagar laβaan ah uga qayb qaata horumarinta, sugidda badqabka, iyo sare u qaadidda tayada adeegyada garoomada dalka.
βMaalintaano kale waa fursad lagu muujiyo qadarin iyo mahadnaq ballaaran oo loo jeedinayo shaqaalaha sida hagar laβaanta ah ugu adeegaya horumarinta iyo badqabka garoomada Puntland.
Ugu dambeyn, Wasiir Cabdifataax Ugaas Yaasiin ayaa u rajeeyay dhammaan shaqaalaha caafimaad, horumar iyo guulo waara, isaga oo ku boorriyay in la sii laba jibbaaro dadaalka lagu hormarinayo adeegyada duulista hawada ee Puntland.
π§ Email: [email protected]
π Website: http://mocaa.pl.so
π Facebook: https://www.facebook.com
π¦ Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
π΅ Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ πππππππππ ππππππππ πππππππ πππ πππππππππ πππ.
29/04/2026
CARMO:-29 APRIL 2026: Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Cabdifatax Ugaas Yaasiin, ayaa ka qayb-galay xiritaanka tababarka Ciidamada Birmadka Booliska Puntland oo maanta uu si rasmi ah ugu soo xiray Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane H.E Said Abdullahi Deni, oo u waheeliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Barri Shire Kulliyadda Ciidamada ee Degmada Carmo, Gobolka Bari.
π§ Email: [email protected]
π Website: http://mocaa.pl.so
π Facebook: https://www.facebook.com
π¦ Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
π΅ Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ πππππππππ ππππππππ πππππππ πππ πππππππππ πππ.
27/04/2026
BADHAN:- 27 APRIL 2026: Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, ayaa Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdilaahi Deni, kala qayb galay xarig-jarka xarunta dhismaha cusub ee taliska qaybta Booliiska ee Gobolka Sanaag, isla markaana dhagax dhigay dhismaha xarunta cusub ee Bangiga Dowladda iyo Furitanka tababarka qeyb ka mida cidamada Darawishta Puntland
π§ Email: [email protected]
π Website: http://mocaa.pl.so
π Facebook: https://www.facebook.com
π¦ Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
π΅ Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ πππππππππ ππππππππ πππππππ πππ πππππππππ πππ.
24/04/2026
GAROOWE : 24-APRIL 2026:- Masβuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa maanta kulan qado sagootin ah u qabtay Wasiirkii h**e ee Wasaaradda, Mudane Cabdilaahi Bile Nuur, si loogu maamuuso doorkiisii hoggaamineed iyo adeeggiisii mudada uu xilka hayay.
Kulankan waxaa ka qeyb galay Wasiirka cusub ee Wasaaradda, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, Wasiir Ku-xigeenka Wasaraadda Mudane Cabdirashiid Sheikh Cali, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Eng. Maxamed Ciise Lacle, Agaasimaha Guud Mudane Maax Axmed Gabobe, Mareeyeyaasha garoomada Puntland iyo shaqaalaha Wasaaradda.
Intii uu kulanku socday, waxaa la is dhaafsaday mahadcelin iyo dardaaran ku aaddan horumarinta howlaha duulista hawada iyo adeegyada garoomada, iyadoo si gaar ah loo bogaadiyay kaalintii Wasiirkii h**e ku lahaa kobcinta iyo horumarinta Wasaaradda.
Ugu dambeyn, masβuuliyiintu waxay u rajeeyeen Wasiirkii h**e guul iyo horumar mustaqbalkiisa, halka Wasiirka cusubna lagu dhiirrigeliyay sii ambaqaadidda dadaallada horumarineed ee Wasaaradda.
π§ Email: [email protected]
π Website: http://mocaa.pl.so
π Facebook: https://www.facebook.com
π¦ Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
π΅ Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ πππππππππ ππππππππ πππππππ πππ πππππππππ πππ.
21/04/2026
GAROOWE : 21-APRIL 2026:- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maax Axmed Gabobe, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Maareeyeyaasha Garoomada Puntland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, dardargelinta hawlaha garoomada, horumarinta adeegyada duulista, iyo sidii loo adkeyn lahaa hufnaanta iyo tayada maamulka garoomada Puntland.
Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saaray caqabadaha jira, fursadaha horumarineed ee muuqda, iyo muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu kobcinayo waxqabadka garoomada, si ay u waafaqaan heerarka iyo shuruudaha duulista rayidka.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan xoojinta wada-shaqeynta, dardargelinta qorshayaasha horumarineed, iyo sii wadidda dadaallada lagu horumarinayo garoomada Puntland.
π§ Email: [email protected]
π Website: http://mocaa.pl.so
π Facebook: https://www.facebook.com
π¦ Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
π΅ Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ πππππππππ ππππππππ πππππππ πππ πππππππππ πππ.