Qaybta 3aad- Su’aalaha iyo Jawaabaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland- Guddi gaar ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland u xilsaaray kor-joogtaynta Mashaariicda laga hirgeliyo Deegaannada Puntland.
Puntland Parliament
Official page, Puntland Parliament | Represents the people | Oversights | Debates issues | Enacts laws | Oversees Government spending.
Qaybta 2aad- Su’aalaha iyo Jawaabaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland- Guddi gaar ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland u xilsaaray kor-joogtaynta Mashaariicda laga hirgeliyo Deegaannada Puntland.
Qaybta 1aad- Su’aalaha iyo Jawaabaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland- Guddi gaar ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland u xilsaaray kor-joogtaynta Mashaariicda laga hirgeliyo Deegaannada Puntland.
: Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta Shir-guddoomiyay kulan looga hadlayey amniga Gobolka Mudug, kaas oo uu la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug.
Warbixinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland - Guddi gaar ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland u xilsaaray kor-joogtaynta Mashaariicda laga hirgeliyo Deegaannada Puntland.
04/06/2026
Gaalkacyo, 04 Juun 2026 – Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Mohamed Baarri Shire ayaa maanta Shir-Guddoomiyay kulan looga hadlayey amniga Gobolka Mudug, kaas oo uu la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland, Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, Agaasimaha Madaxtooyada Gaalkacyo ee Dowladda Puntland, Guddoomiyihii h**e ee Gobolka Mudug, iyo masuuliyiin kale.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda amni ee Gobolka Mudug, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta dhinacyada ay khusayso si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida deegaanka si wadajir ah.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
📧[email protected]
🌐 (https://puntlandparliament.com)
📲 (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
📍 Garowe, Puntland, Somalia
: Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Nabadaynta Shacabka Gobolka Mudug.
Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku weheliyay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Agaasimaha Madaxtooyada ee Gobolka Mudug.
04/06/2026
Gaalkacyo, 04 Juun 2026 – Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Nabadaynta Shacabka Gobolka Mudug.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nabadgelyo ee gobolka, dadaallada socda ee nabadaynta bulshada, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta u dhexeysa dowladda, isimada, waxgaradka iyo bulshada si loo adkeeyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka Mudug.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Agaasimaha Madaxtooyada ee Gobolka Mudug, kuwaas oo ka dhagaystay warbixin ku saabsan hawlaha nabadaynta iyo caqabadaha jira.
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee Golaha ayaa bogaadiyey shaqada ay Guddiga Nabadayntu ka hayaan gobolka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka, laguna dhisayo kalsoonida iyo wadajirka bulshada.
Dhankooda, xubnaha Guddiga Nabadaynta ayaa la wadaagay Guddoomiyaha iyo mas’uuliyiinta kale warbixinno iyo talooyin la xiriira xaaladda gobolka, iyagoo adkeeyey baahida loo qabo in la sii taageero qorshayaasha nabadaynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
📧[email protected]
🌐 (https://puntlandparliament.com)
📲 (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
📍 Garowe, Puntland, Somalia
Qaybta 3aad- Su’aalaha iyo Jawaabaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Iyo Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah - Guddi gaar ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland u xilsaaray kor-joogtaynta Mashaariicda laga hirgeliyo Deegaannada Puntland.
Qaybta 2aad- Su’aalaha iyo Jawaabaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Iyo Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah - Guddi gaar ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland u xilsaaray kor-joogtaynta Mashaariicda laga hirgeliyo Deegaannada Puntland.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Website
Address
Parliament Avenue
Garoowe
