23/05/2026
Garoowe- 23-May-2026: Madaxda Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee hay'adda Kaalo.
Kulanka ayay madaxda Wasaaraddu warbixin ku saabsan hawlaha shaqo iyo mashaariicda ay ka fuliso Puntland uga dhagaysteen hay'adda Kaalo.
........................DHAMMAAD...................
Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.
20/05/2026
WASIIRKA OO KA QAYBGALAY QAABILAADDA WAFDI KA SOCDA DOWLADDA MARAYKANKA.
Garoowe: 20 May 2026: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah Yusuf Ahmed Mohamud (Barre Faatax) ayaa ka qaybgalay kulan uu Madaxwaynaha dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Kuxigeenka H.E Ilyas Osman Lugatoor ku qaabiley Qasriga Madaxtooyada wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka Safiirka, Ambassador Justin Davis, ayna qeyb ka yihiin Saraakiisha Howlgalka Africom, oo uu ka midyahay Col. Shane Jones Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee maraykanka ee Africa.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga iyo siyaasadda guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga iyo guulaha ay Puntland ka gaartay la dagaalanka Argagixisada Daacish. Sidoo kale kulanka waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka gaar ahaan dhinacyada Amniga, maalgashiga, iyo ka faa'idaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, dhinacyada Macdanta, Kalluumeysiga iyo Shidaalka. Dhanka kale, shirku wuxuu xusay muhiimmadda xiliga kala guurka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhankiisa ku simaha safiirka Maraykanka ayaa boggaadiyey hawlgalada ciidamada Puntland ka wadaan buuralayda Calmiskaad iyo guulaha laga gaaray ciribtirka argagixisada, sidoo kale safiirka ayaa amaanay horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Puntland, waxaana uu balanqaaday taageerada Dowladda Maraykanka ee dhinacyada Adkeynta Amniga iyo baahinta adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.
20/05/2026
Garoowe- 20-May-2026: Madaxda Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee hay'adaha Cuntada Adduunka World Food Programme (WFP) iyo Xafiiska Qaramad Midoobey ee Adeegyada Mashaariicda, United Nations Office for Project Services (UNOPS).
Kulanka waxaa looga wada-hadlay fulinta iyo isku-dubbaridka mashruuca Hanaqaadka iyo Tayaynta Beeralayda Puntland (ACALS) oo Wasaaradda Qorsheyntu si rasmi ah u daah-furtay.
........................DHAMMAAD...................
Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.
19/05/2026
WASAARADDA QORSHEYNTA OO DAAHFURTAY MASHRUUCA HANAQAADKA IYO TAYEYNTA BEERALAYDA PUNTLAND
Garoowe-19-May-2026: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Mudane Yusuf Ahmed Mohamud (Barre Faatax) oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Mohamed Hassan Ibrahim iyo Wasiir dowlaha Mohamed Jama Abdirahman ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray mashruuca Hanaqaadka iyo Tayeynta Beeralayda Puntland).
Mashruuca Hanaqaadka iyo Tayeynta Beeralayda Puntlamd (ACALS) wuxuu muhiim u yahay xoojinta hanaqaadka beeraha Puntland, kor u qaadidda wax-soo-saarka, iyo taageeridda bulshooyinka ay saameeyeen abaaraha iyo isbeddelka cimiladu.
Mashruucu wuxuu diiradda saaraya horumarinta maaraynta biyaha iyo dhulka, taageeridda farsamooyinka casriga ah ee beeraha, kobcinta suuqyada, iyo dhisidda bulsho adkaysi u leh dhibaatooyinka cimilada.
Mashruucan ayaa sidoo kale la jaanqaadaya Qorshaha Horumarinta Dowladda Puntland 2026–2030, kaas oo mudnaanta siinaya adkeynta dhaqaalaha, sugnaanta cunnada, horumarinta wax-soo-saarka, ilaalinta deegaanka, iyo kobcinta iskaashiga horumarineed si loo gaaro horumar waara oo loo dhan-yahay.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeybgalay madaxda hay’adaha World Food Programme iyo United Nations Office for Project Services, iyadoo sidoo kale ay kasoo qeybgaleen Wasiirrada Wasaaradaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Beeraha iyo Waraabka, Xannaanada Xoolaha, iyo Wasaaradda Biyaha.
Sidoo kale waxaa munaasabadda qeyb ka ahaa Hay’adda Puntland Information Management Center iyo Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland.
Waxaa kaloo munaasabadda ka qeybgalay Agaasimayaasha Guud, Wasiir ku-xigeennada, Wasiiru-dowlayaasha, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.
11/05/2026
WASAARADDA QORSHEYNTA OO QABATAY GOGOL-XAARKA MASHRUUCA HANAQAADKA IYO TAYEYNTA BEERALAYDA PUNTLAND
Garoowe-11-May-2026: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Yusuf Ahmed Mohamud (Barre Faatax) oo ay weheliyaan Wasiir kuxigeenka Mohamed Hassan Ibrahim iyo Wasiir dowlaha Mohamed Jama Abdirahman ayaa shir-guddoomiyey kulanka gogol-xaarka mashruuca Hanaqaadka iyo Tayeynta Beeralayda Puntland (Activating Climate Resilience Agriculture and Livelihood in Somalia (ACALS).
Mashruuca Hanaqaadka iyo Tayeynta Beeralayda waxa uu ku dhisanyahay hannaanka isku dhafan ee siinta beeralayda iyo xoolo-dhaqata taagero iskaabaysa oo ku saabsan dhinacyada agabka iyo aqoonta beerashada ku habboon la jaanqaadka isbedelka cimillada, waraabka iyo maareynta biyaha, abuurista calafka xoolaha si adkeysi loogu yeesho abaaraha, maareynta dhul-daaqsimeedka iyo dhowrista deegaanka, maareynta khataraha, iyo xoojinta soo-saarista xogta iyo macluumaadka muhiimka u ah qorsheynta baraamijyada iyo qiimeynta waxqabyada lagu xoojinayo Wax-soosaar tabaca beeraha iyo dhaqashada xoolaha.
Kulanka waxaa ka qeybgalay madaxda Wasaaradaha kaalinta ku leh fulinta mashruuca ee Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Deegaanka & Isbadelka Cimilada, Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka, Haweenka & Arrimaha Qoyska, Wakaaladda Biyaha, hay’adda Maareynta Macluumaadka kheyraadka Dhulka iyo Biyaha, iyo Wakiilo ka socday Baraamijka Cuntada Aduunka (WFP), iyo UNOPS.
Ugu dambeyn waxaa la isku raacay dhismaha guddi-farsamo oo jiheeya fulinta mashruuca oo qorshihiisu yahay in dhawaan la daahfuro.
........................DHAMMAAD...................
Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.