03/06/2026
: π§ποΈ Ugu dambayn, waxaa si guul leh loo hirgeliyey mid ka mid ah qodobadii muhiimka ahaa ee lagu heshiiyey geeddi-socodka ISA ee Mashruuca Dawlad-wanaag, kaas oo diiradda saarayey qorshaynta magaalooyinka iyo dib-u-furista waddooyinka xannibnaa ee Degmada Badhan.
π€ Hawlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyey Dowladda Hoose ee Degmada, Kooxda Shaqada Degmada ee ISA, Wasaaradda Hawlaha Guud ποΈ, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ποΈ, KAALO, Shirkadda Ceel Dahir, bulshada Degmada π₯, iyo Shirkadda Korontada Badhan (BECO) β‘.
π£οΈ Dadaallada wadajirka ah ee dhinacyadan kala duwan ayaa si weyn uga qayb qaatay horumarinta degmada, fududaynta isu-socodka waddooyinka, kor u qaadidda bilicda magaalada π, iyo taageeridda horumar waara oo loo dhan yahay π±.
π‘ Tallaabadan waxay tusaale u tahay awoodda iskaashiga iyo wadajirka bulshada ee lagu gaari karo horumar waara iyo adeegyo wanaagsan.
Dawlad-wanaag Project.
UK in Somalia Somalia Stability Fund Ministry of Interior - Puntland Badhan Electric Company-BEC Kaalo Aid and Development Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland
20/05/2026
: Hayβadda KAALO ayaa si guul leh u qabatay Bandhigga Ganacsiga iyo wax-soo-saarka Beeraha ee gobolka mudug, munaasabaddan ayaa kulmisay iskaashatooyinka (Beeraleyda, Soosaarayaasha Calafka, iyo Caanaha) ππ±, ganacsatada deegaanka, iyo masuuliyiinta dowladda si kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha iyo fursadaha suuq-geynta πΎπ€ .
Munaasabadda waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin sare oo dowladda ah, oo ay ka mid yihiin Isku-duwayaasha Gobolka ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha πΏπ, Ku-xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo ποΈ, iyo Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Mudug πΈπ΄.
Bandhiggan ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta wax-soo-saarka beeraha ee gobolka, soo bandhigista wax-soo-saarka maxalliga ah π
π₯¬, iyo kobcinta xiriirka ganacsi ee beeraleyda, ganacsatada suuqa gobolka ππ€.
Mashruucan wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay maalgelinta beeraha πΎ, horumarinta nidaamyada cunnada π½οΈ, iyo abuurista fursado dhaqaale oo waara oo loogu talagalay bulshada deegaanka π.
Mashruucan BRCiS-TERRA waxaa fulisay hay'adda KAALO, waxaana maalgelisay SIDA π€.
BRCiS Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI Kaalo Aid and Development
19/05/2026
: Hayβadda KAALO ayaa soo qabanqaabisay munasabadda xarig jarka iyo wareejinta Guryaha keyd ka iyo ilaalinta caanaha ee laga hirgeliyay deeganada ππ¨ππ¬π‘π¨ iyo πππ²π«π ee Degmada Gaalkacyo.
Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa kasoo qeyb-galay wasiirka wasaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Jama Qoorsheel iyo wafdi sare oo ka socda hayβadda KAALO.
Hay'adda ayaa wasaradda ku wareejisay Dhismaha guriga keyd ka Caanaha kaas oo ay u dhamaystiranyihiin qalabki looga baahna kuwaas oo ay ka midyihiin (π) Qalabka ilaalinta caanaha, (ππ) Qaboojiyaal lagu kaydiyo caanaha, (πππ) Gaadiid (ππ) Joog ayagana loo isticmaali lahaa fayafhawrka caanaha.
Ujeeddada munasabadda ayaa ahaa wareejinta guryaha Keyd ka caanaha kuwaas oo loo isticmaali doono sidii loogu kaydin lahaa, looguna ilaalin laha tayada iyo caafimaadka caanaha ka hor inta aan la keenin goobaha iibsiga ee suuqa.
BRCiS Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland
10/05/2026
: KAALO ayaa qabatay munaasabad qalin-jabin ah oo loo sameeyay 75 maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Kismaayo, kuwaas oo si guul ah u dhammeystay tababar socday Afar bilood oo isugu jiray xirfadaha Korontada, Harqaanka iyo xirfadaha akhriska iyo Dhigaalka.
Si loo taageero dib-u-dhexgalkooda bulshada iyo isku-filnaanshahooda dhaqaale, qalin-jabiyeyaasha waxaa la guddoonsiiyay agab iyo qalab shaqo oo ka caawinaya inay ka faaβiideystaan xirfadaha ay barteen intii uu socday barnaamijku.
Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay yareynta dib ugu noqoshada dambiyada iyadoo maxaabiista la siinayo fursado nololeed oo waara iyo xirfado shaqo oo kor u qaadaya dib-u-dhexgalkooda bulshada.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Ciidanka Booliiska Jubbaland, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Haweenka Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha, iyo sidoo kale wakiillo ka socday Ururrada bulshada rayidka ah, garsoorayaal, xeer-ilaaliyeyaal iyo qareenno.
European Union in Somalia Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland Kaalo Aid and Development
05/05/2026
: Bulshada deegaanka Malaasle ayaa maanta u dabaal-degaysa munaasabad Xarig-jarka iyo wareejinta Ceel biyood cusub kaas oo nolosha dadka deegaanka wax weyn ka beddeli doona isla markaasna soo afjaraya sannado badan oo caqabad ay bulshadu kala kulmaysay helitaanka Biyo nadiif ah oo joogta ah.
Munaasabadda daahfurka ceelka waxaa kasoo qeyb-galay madax ka socota hay'adda KAALO, Dawladda Puntland iyo sidoo kale Bulshada kala duwan ee deegaanka Malaasle.
Ceel-biyoodkan, waxaa hirgeliyay mashruuca BRCiS/TERRA oo ay fulisay hayβadda KAALO. waxaana si rasmi ah loogu wareejiyay Dowladda Puntland iyo Bulshada Deegaanka Malaasle.
BRCiS Puntland Ministry of agriculture and irrigation -MOAI Puntland Ministry of Environment and Climate Change Puntland Water Development Agency