Maxamed Kaafi

Maxamed Kaafi

Share

Maxamed Kaafi

09/06/2026

QUR'AANKA IYO QAAB SAMAYSKA BUURAHA Waxa ka mida calaamoyinka rabbi ee ku sugan caalamka buuraha inagu hareraysan iyo saxara waxana yaable dhererkooda dhagaxtoodan aan dhaqaaqin balsay saameeyan arimo cimilo kala duwan sida dabayla, roobka, iyo heerkulka sare maalinti habenkiina hoos udhaca iyo arimo kale buuru waxay yihiin musbaar ahaan ku dhex jira Asthenosphere oo ahlakab ka hoose ee dhulka heerkulkiisuna sareeyo kulaylka holcaya haddu soo gadho qolofta sare dhulka ina baabi'in laha maaha ilaalin keliya balse wa qayb nolosheena 𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵 (سُبْحانَه وتعالى) 𝐖𝐚𝐱𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢 :-
{ وَالْجِبَالَ أَرْسَاهَا ۞ مَتَاعاً لّكُمْ وَلأنْعَامِكُمْ }[النازعات 32,33]
Buurahana wuu yeelay, si ay idinka iyo xoolihiinnaba ugu arsaaqdo
{ وَأَلْقَىَ فِي الأرْضِ رَوَاسِيَ أَن تَمِيدَ بِكُمْ وَأَنْهَارا...}[النحل15]
Dhulkana wuxu yeelay buuro inay idinla socdan buuro iyo wabiyo iyo wadooyinad ku hanuuntan

Waxayna ka shaqeeyan xasilinta isku xidhka iyo dheellitirka qolofta dhulka dildilaaca iyo dumida sida darteed tirade dildilaaca ee qolofta dhulka ku jirta awgeed ayuu Rabbigeena swt uu yidhi:-
{ وَالأرْضِ ذَاتِ الصّدْعِ}الطارق12] Iyo dhulka dildilaaca
Waxaynu ogaanay in qoloftii dhulka waxa ku jira buuro badan sida Himalayas, Zagros, Caucsus, Rockies, Andes, silsilada buuraleyda Bada Cas, Atlas of the Maghreb, iyo kuwa kaleto oo badan dalildilaacaas oon cirka ka jirn isago ku faanaya dhamaystirka makhluuqaadkiisa iyo hanashada farsamadiisa allaha raxmaankii waxa uu yidh:-
الّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقاً مّا تَرَىَ فِي خَلْقِ الرّحْمَـَنِ مِن تَفَاوُتِ فَارْجِعِ الْبَصَرَ هَلْ تَرَىَ مِن فُطُورٍ ۞ ثُمّ ارجِعِ البَصَرَ كَرّتَيْنِ يَنْقَلِبْ إِلَيْكَ البَصَرُ خَاسِئاً وَهُوَ حَسِيرٌ }[سورة:الملك3,4]
Rabbi waa ka abuuray todobo samo isdulsaran kala duwanaan shiyihiina kumana arkaysaan abuurka Rabbiga Raxmaanka ahi hadana soo celiya arragiina ma arragtaan wax dillaaca asal ahaan ilaa dhamaadkooda Abuuritaanka
{ وَيَسْأَلُونَكَ عَنِ الْجِبَالِ فَقُلْ يَنسِفُهَا رَبّي نَسْفاً ۞ فَيَذَرُهَا قَاعاً صَفْصَفاً ۞ لاّ تَرَىَ فِيهَا عِوَجاً وَلآ أَمْتاً } [طه 105,106,107]
Waxay ku waydiin buuraha waxad dhahda Rabbi wuu afuufi wuxuuna kagatagi meel ballaadhan kuma arkaysid dhexdeda qaloc iyo geeri midna

Buura waxa ka dhasha fulkaanooyinka oogada sare ee dhulka ama socodka biyaha bada, ama dhaqdhaqaqa, plate tectonics, lona yaqan Basin
waxay sababaan isku laablabashada lakabyada faa’iidoyinka la socda so bixista buura foolkana waxa ka mida inay ku xidhaan uumi biyo ah oo aad u badan sida ku cad aayaddahan Qur’aanka
{ وَالأرْضَ بَعْدَ ذَلِكَ دَحَاهَا۞ أَخْرَجَ مِنْهَا مَآءَهَا وَمَرْعَاهَا۞ وَالْجِبَالَ أَرْسَاهَا۞ مَتَاعاً لّكُمْ وَلأنْعَامِكُمْ}[النازعات30~33]
Markaasuu dhulka fidiyey oo ka soo saaray biyihiisii buurahana wuu yeelay

Buuruhu dhamaantood waa faa’iido sida:- Birta Dhagaxa, Nurada, Macdanta, Ciid, Fosfatta iwm Reer caad iyo reer samud waxay samayn jireen buuro cimrigoodo dheera dartiis sida ku cad
{ وَاذْكُرُوَاْ إِذْ جَعَلَكُمْ خُلَفَآءَ مِن بَعْدِ عَادٍ .....} [ الأعراف 74]
Xusuusata markuu idinka yeelay caad kuwii
badalay oo idin dejiyey dhulka od ka samaysa teen daarihii waweyna ee banaanagii iyo banan kiiba waxayna ahaayeen kuwo aad u sarreeya oo aad ka samaysaan daarihii waaweynaa

Waxay qoteen buura gurya sida ku cad aayadan
{ وَاللّهُ جَعَلَ لَكُمْ مّمّا خَلَقَ ظِلاَلاً وَجَعَلَ لَكُم....} [ النحل 81]
Alle wuxu idiin abuuray hadh wuxuna idiinyelay buuro buuraha dhexdooda wuxuuna idiin yeelay gabal ay kulaylka idinka ilalinayan iyo khamiisyo idinka ilalinaye iska amusa Alle wuu dhameyay barakoyinkiisa korkiina sad muslimiin unoqotan

Ogowna buuruhu inay dhaqaaqan Alle sidu yidhi:-
{ وَتَرَى الْجِبَالَ تَحْسَبُهَا جَامِدَةً وَهِيَ تَمُرّ مَرّ.....} [ النمل 88]
Oo waxaad arkaysa buuraha ood umalaynaysan inay dhaqaaqin oo ay u socdaan sida daruuraha oo kale waana falkii Rabbi ee wax walba sugay Rabbi waxaad camal falaysaan waa ogyahay

Buuruhuna ina ay dhaqaaqaan sida daruuraha una sujuudsan, una tasbiixsanayaan, aya una hogaansameen Rabbigeena waxaanu yidhi:-
{لَوْ أَنزَلْنَا هَـَذَا الْقُرْآنَ عَلَىَ جَبَلٍ لّرَأَيْتَهُ خَاشِعاً....}[الحشر 21]
Haddaan ku soo dejin lahayn Qur’aankan buur waxaad arki lahaydeen isagoo khushuucsan oo usoo socda cabsi Rabbi waana tusaale aan uga yeelno Rabbi dadka laga yaabo inay fikiraan

Markay samaysmaan waxaa la socda uumi biya oo aad utiro badan sido kale markay darruuruhu isku dhacan saqafkoda sare waxay samaystan xumo biyaho ka koban macdan dhaqalo qaaliya

Inkastay buuru ku xidhanyiin lakabka dabka ah haddana waxa ugu horreeya ee ay udhaqaaqan amaan, khushuuc Alle weye iyago la dildillaaca cabsida Alle swt waxaan hadalkeenna ku soo gabagabeyneynaa qawlkii Rabbigeene ahaa:-
{ الّذِينَ يَذْكُرُونَ اللّهَ قِيَاماً وَقُعُوداً وَعَلَىَ.....}[آل عمران191]
Kuwa xusa Rabbi iyagoo taagan iyo fadhi iyo dhinacoodaba kuna fikira abuurista samoyinka iyo dhulka Alle ma aadan u abuurin arrin mac- macaan ah adigaa nasahan nagu guuleeyo wuxuu ku dhalaalay naarta

𝐅𝐢𝐢𝐫𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡: 𝒘𝒊𝒙𝒊𝒊 𝒂𝒂𝒏 𝒔𝒂𝒙𝒂𝒚 𝑰𝒍𝒂𝒂𝒉𝒂𝒚 𝒙𝒂𝒈𝒊𝒊𝒔𝒂𝒚 𝒌𝒂 𝒔𝒖𝒈𝒏𝒂𝒂𝒕𝒂𝒚 𝒘𝒊𝒙𝒊𝒊 𝒂𝒂𝒏 𝒒𝒂𝒍𝒅𝒂𝒚𝒏𝒂 𝒘𝒂𝒂 𝒊𝒈𝒂 𝒂𝒒𝒐𝒐𝒏𝒅𝒂𝒓𝒓𝒐
╭┈─────────────
╰┈➤ Maxamed Kaafi ✍

08/06/2026

Illahay swt isaga aa oga naxaris badan ubadka waalidkii dhalay wuxuuna ka reebay inay dilaan iyagoo ka baqaya inay quud u wayaan waxaanu sugay risqiga aabaha iyo waxu dhalay bulshada ogol in caruurta la dilo iska so xaaqida uurjiifka iyo ka hortaga dhalmada saboolnimada darteed ma hagaajin karo arrimihiisa sababtoo ah waa bulsho ka faa'idaysata oo ay ubadantay danaysi
𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵 (سُبْحانَه وتعالى) 𝐖𝐚𝐱𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢 :-
{ وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُمْ خَشْيَةَ إِمْلَاقٍ نَّحْنُ نَرْزُقُهُمْ وَإِيَّاكُمْ إِنَّ قَتْلَهُمْ كَانَ خِطْنًا كَبِيرًا } [ سورة الإسراء آية رقم 31 ]
Hadaad ogtihiin in risqigu ku jiro gacanta Rabbi dadkoow-ha u dilin carruurtiinna cabsi darteed Alle waa arsuqa addoomadiisa siduu u arsaaqo aabayasha illeen dilida ubadku wa dambi weyn

╭┈─────────────
╰┈➤ Maxamed Kaafi ✍

05/06/2026

Illaahay swt ayaa u dardaarmay insaanka inay waalidkood kula dhaqmaan wanaag iyo khayr xitaa haday yihiin waalidiin kuwa gaala sabab too ah waalidka xuquuqdiisu aad iyo aad buu u waynyahay lamana soo guddi karro xuquuqda waalidku kugu leeyahay waxa kamid ah in loo duceeyo noloshooda iyo dhimmashadoodaba

Si aad ah ugu akhlaaq waalidkaa erayadaada falalkaaga dhaqdhaqaaqaaga iyo muuqaalkaga nin haybad badan cilmi badan maal badanow u khushuuc waalidkaan gaadhin waxad gaadhay waxad tahay waxan ahayn geedkooda so baxay Allaha awooda le nama amrin inaan u ducayno waalidiinteena ilaa uu si raxmad leh u baneeyay jawaabta sida ku cad aayaddan Qur’aanka ah
𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵 (سُبْحانَه وتعالى) 𝐖𝐚𝐱𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢 :-
﷽ { وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا } [ سورة الإسراء آية رقم 24 ]
Una daji garabka khushuuc naxariis darteed waxaadna tidhaahdaa Rabbiyoow u naxariiso labadayda waalid siday ii koriyeen anigoo yar

Hortooda is naxariista dartiis hoosaysii waliba is-hoosaysiinta iyo naxariista aawadood ajarna rajaynayn oo aan ka cabsanahaynin ama rajo ka qabin waxay haystaan iyo ujeedooyin kale taas oo aan addoonka loo abaal gudan una duceeya naxariista hadday nool yihiin iyo haday dhinteen si looga abaal mariyo soo kicintay iyaga oo yar halkaa waxaa laga fahmayaa in mar kasta oo ay tacliintu bato ay xaq u leedahay in qof kasta oo diintiisa iyo aduunkiisa ku dadaala si wanagsan oo aan waalidkii ahayn uu xaq ugu leeyahay inu ka sare mariyo kii soo koriyey isaga oo aad uyar

Ugudambayn in loo duceeyo waalidka waxa ina faray Alle swt waxaana loogu ducaynayaa duco kasto fiicano aduun iyo aakhiraba anfacaysa

𝑰𝒍𝒂𝒂𝒉𝒂𝒚 𝒉𝒂𝒅𝒂𝒇 𝒌𝒂𝒔𝒕𝒂𝒚𝒏𝒖 𝒏𝒐𝒍𝒐𝒔𝒉 𝒌𝒂 𝒍𝒆𝒆𝒏𝒂𝒉𝒂𝒏𝒂𝒚 𝒉𝒂𝒚𝒏𝒐 𝒇𝒖𝒅𝒖𝒅𝒅𝒆𝒆𝒚𝒐 𝒙𝒂𝒒𝒊𝒊𝒋𝒊𝒏 𝒕𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒉𝒂𝒏𝒂 𝒊𝒏𝒏𝒂 𝒘𝒂𝒂𝒇𝒂𝒋𝒊𝒚𝒐 𝒘𝒂𝒅𝒅𝒐 𝒌𝒂𝒔𝒕𝒐 𝒊𝒏𝒂𝒈𝒖 𝒌𝒂𝒂𝒍𝒎𝒂𝒚𝒏 𝒌𝒂𝒓𝒕𝒂 𝒙𝒂𝒒𝒊𝒊𝒋𝒊𝒏𝒕𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒎𝒂𝒏𝒕𝒆𝒏
╭┈─────────────
╰┈➤ Maxamed Kaafi ✍

05/06/2026

Qur'aanku waa qawlka Rabbigeen ee mucjisada ah dadka aftahanimaduna waxay u arkaan inuu leeyahay caddayn dhamaystiran iyo hadal qurux badan dadka caadiga ahna waxay u arkaan inuu yahay hadalka ugu wanagsan naf iyo maskaxba ugu dhow qofkii isku daya inu barta lo fududeyo
𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵 (سُبْحانَه وتعالى) 𝐖𝐚𝐱𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢 :-
{ وَلَقَدْ يَسَّرْنَا الْقُرْآنَ لِلذِّكْرِ فَهَلْ مِن مُّدَّكِرٍ }[سورة القمر آية 17]
Waxaan u fududaynay kalimada Qur'aanka akhris iyo xifdin macnihiisana fahamka iyo ka fiirsashada qof raba inu wax ka barto ma jiraa

𝑰𝒍𝒂𝒂𝒉𝒂𝒚 𝒉𝒂𝒅𝒂𝒇 𝒌𝒂𝒔𝒕𝒂𝒚𝒏𝒖 𝒏𝒐𝒍𝒐𝒔𝒉 𝒌𝒂 𝒍𝒆𝒆𝒏𝒂𝒉𝒂𝒏𝒂𝒚 𝒉𝒂𝒚𝒏𝒐 𝒇𝒖𝒅𝒖𝒅𝒅𝒆𝒆𝒚𝒐 𝒙𝒂𝒒𝒊𝒊𝒋𝒊𝒏 𝒕𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒉𝒂𝒏𝒂 𝒊𝒏𝒏𝒂 𝒘𝒂𝒂𝒇𝒂𝒋𝒊𝒚𝒐 𝒘𝒂𝒅𝒅𝒐 𝒌𝒂𝒔𝒕𝒐 𝒊𝒏𝒂𝒈𝒖 𝒌𝒂𝒂𝒍𝒎𝒂𝒚𝒏 𝒌𝒂𝒓𝒕𝒂 𝒙𝒂𝒒𝒊𝒊𝒋𝒊𝒏𝒕𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒎𝒂𝒏𝒕𝒆𝒏 ✍𝑾𝒂𝒂 𝒘𝒂𝒍𝒂𝒍 𝒌𝒊𝒊𝒏 Maxamed Kaafi 𝒐𝒐 𝒅𝒖𝒄𝒐 𝒊𝒅𝒊𝒏 𝒌𝒂 𝒓𝒂𝒋𝒂𝒚𝒏𝒂𝒚𝒂 𝑨𝒍𝒍𝒆 𝒙𝒂𝒒𝒂 𝒉𝒂 𝒊𝒏𝒂 𝒘𝒂𝒇𝒂𝒋𝒊𝒚𝒐 𝒅𝒉𝒂𝒎𝒂𝒏𝒕𝒆𝒏🤲

04/06/2026

Ku adkaysiga ku kalsoonaanta Rabbigeen maha wax luminaaya risqiga ileen Alle waana kan ugu kheyr badan ee ruuxii Alle ka cabsadana wuxuu ka imaan doonaa risqigiisu meel uusan filayn
haday naftadu kugu kallifto inad ku mashquliso cibadada xasuusi wanaaga iyo karaamadu Alle udarbay qoomkii addeeci jiray wax kasta oo ka mashquuliya inad adeecida Alle oo ka jeedisan inaad xusto isaga wa leexin macno dara iyo inta jere nolosha lagu lumiyo mashqul waxan micno lahayn 𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵 (سُبْحانَه وتعالى) 𝐖𝐚𝐱𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢 :-
﷽ { وَإِذَا رَأَوْا تِجَارَةً أَوْ لَهْوًا انفَضُّوا إِلَيْهَا وَتَرَكُوكَ قَائِمًا قُلْ مَا عِندَ اللَّهِ خَيْرٌ مِّنَ اللَّهْوِ وَمِنَ التَّجَارَةِ وَاللَّهُ خَيْرُ الرَّازِقِينَ } [ سورة الجمعة آية رقم 11]
Muslimiinta qaarkood haddii ay arkaan ganacsi ama wax ka mid ah maaweelada iyo quruxda aduunka way ku kala yaacaan oo ay kaa tagaan Nabiyow adgoo ku taagan minbarka qudbada waxaad ku tidhaahdaa Nabiyoow waxa Eebbe haysto ah ajar iyo naciimo kaaga faa'iido badan madadaalada iyo ganacsiga Eebana keligiis ayaa ka khayrron waxna arsaaqayee waydisto kaalmaysta Adeeci ddiisa si aad u hesho waxa uu haystoo ah Wanaagga Adduun iyo Aakhiraba

╭┈────────────
╰┈➤ Maxamed Kaafi ✍

24/05/2026

Qofku waa inuu hankiisu sareeya waayo haduu kankaagu hooseeyo waxaadku qancaysa meel hoose inaad hoosaysaana waa duli nimo wayn aayaddan hoose inta badan dadku si qaldanbay ufasirtaanoo odhanaysa aduunka farah kalabax se ogow adduunku inuu yahay wadada jannada ama wadada naarta se away kutaal kad racaysa

Ruuxii aakhiro damca ma aha oo kaliya inuu ka tago sareynta iyo fasaadka balse waxu ka tagaa rabitaankooda kana ilaaliya qalbigiisa inuu jan- jeedho qofku markuu damco inuu dhulka ka kor maro suu naftiisa ugu guulaysto hantidiisa waa in loo soo jiitaa inuu ku kaco musuq-maasuq si uu ugaadho yoolkaas uu nolosha ka leeyahay 𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵 (سُبْحانَه وتعالى) 𝐖𝐚𝐱𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢 :-
﷽ { تِلْكَ الدَّارُ الْآخِرَةُ نَجْعَلُهَا لِلَّذِينَ لَا يُرِيدُونَ عُلُوًّا فِي الْأَرْضِ وَلَا فَسَادًا وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ } [ سورة القصص آية83]
Aakhiro waxaanu uga yeellanay guri liibaanta ku waan rabin in xaqa dhulka la iska kibriyo ama aan fasahaadin Aakhirana la mahaddiyo oo ah jannada waxaa u sugnaaday kuwa ka cabsada cadaabka Eebbe oo fala camalka adeeca kana taga waxyaalaha xaaraanta ah

Ugudambayntii waa inaad Aayadaan sharci ka dhigato noloshaada iyo jirkaaga u dhawee qowl iyo camalba sidoo kale Aayaddani Qur’aankii waa qawlkii ugu dambeeye afkiisa kasoo baxa markuu dhimanaayay Cumar bin cabdul caziiz

𝑰𝒍𝒂𝒂𝒉𝒂𝒚 𝒉𝒂𝒅𝒂𝒇 𝒌𝒂𝒔𝒕𝒂𝒚𝒏𝒖 𝒏𝒐𝒍𝒐𝒔𝒉 𝒌𝒂 𝒍𝒆𝒆𝒏𝒂𝒉𝒂𝒏𝒂𝒚 𝒉𝒂𝒚𝒏𝒐 𝒇𝒖𝒅𝒖𝒅𝒅𝒆𝒆𝒚𝒐 𝒙𝒂𝒒𝒊𝒊𝒋𝒊𝒏 𝒕𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒉𝒂𝒏𝒂 𝒊𝒏𝒏𝒂 𝒘𝒂𝒂𝒇𝒂𝒋𝒊𝒚𝒐 𝒘𝒂𝒅𝒅𝒐 𝒌𝒂𝒔𝒕𝒐 𝒊𝒏𝒂𝒈𝒖 𝒌𝒂𝒂𝒍𝒎𝒂𝒚𝒏 𝒌𝒂𝒓𝒕𝒂 𝒙𝒂𝒒𝒊𝒊𝒋𝒊𝒏𝒕𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒎𝒂𝒏𝒕𝒆𝒏
╭┈─────────────
╰┈➤ Maxamed Kaafi 🗣️ ✍

24/05/2026

Cadalada iyo naxariista Rabbi wax kasto inagu waajib yeelay haddanay awooddeenna ku jirina inagu ma fiicna inlayna saaro Eebbe addoonka wuxuuku abaal-mariya wanaaga uu sameeyuu jano ku muto ama xumahuu sameyo ku ciqabo taasina waa shardiga qofka mu'minka hamiga cafiska iyo dembi-dhaafke maaha ka ku faana dembigu sida cad ugala xumaanaku adkaysta qofka hilmaanka waalo cudur daaranaya haddii uusan dayacin asbaabta lagu xasuusan karo uu san dhayalsan illeen wakan cafiska laga rajeeye

Nimcooyinka Eebbe ku manaystay ummaddani waxaka mida inu dhibka ka saaro sharcigiisana ka dhigo hawl fududayn dhib iyo bushaara aanu ka yeelin runti mu'miniintu waxay go'aansadeen inayku dhaqman waxa Eebbe udhibay hawshasi waxay dontabaha hate iyago rajaynaya naxariis tabaryaridodo anuku culaysin waxay xamilikarin janada cidna kuma geli doonto naxariista Allah mooyaane jidka guusha iyo awoodsiinta waa u fuduyay ruux talosaarta tiirka Eebbe hiis ruuxu Eebbe madax uyahayna k**a cabsado cid kale 𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵 (سُبْحانَه وتعالى) 𝐖𝐚𝐱𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢 :- ﷽
{ لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَا إِن نَّسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَا إِصْرًا كَمَا حَمَلْتَهُ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِنَا رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِ وَاعْفُ عَنَّا وَاغْفِرْ لَنَا وَارْحَمْنَا أَنتَ مَوْلَانَا فَانصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكَافِرِينَ} [ سورة البقرة الآية رقم 286 ]
Diinta Eebbe waa ufududay wax dhibina kuma jirto Eebbe addoomadiisu waxayka rabaan wax aanay xamili karin Allow hanagu cadabin hadan ilowno waxad nagu waajibisay ama anku gafno wax aad naga reebtay ee Rabbigeenna ha nagu cadaabin ee ah kuwa casiyobay silogu ciqaabo Eebahanno hana nagu rartaan kharash aanaan xamili karin gafafkanagana ha na saari oo adaa ammuurahanaga lehe naga guulaysta kuwii diin taada diiday kalinimadaada beeniyey nabigiina Muxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yele kayeel cidhibta anagale aduun iyo akhiraba

Mar ay soo degtay aayadd uu Alle swt ku yidhi:- {Hadaad muujisan waxa naftiina ku sugan ama aad qarisaan Eebbe wuu idin xisaabin doonaye}

Arrintaasna wayku adkaatay muslimiinta maxaa yeelay waxay u malaynayeen wax kasto lagama maarmaan ah ku-meel-gaar ah arrimo sugan iyo waxyaalo qalbiga ku dhaca waynala xisaabtami lahaayene ku dheh aayadan Eebe kuma cusleyo naf waxay qaadi karto macnuhu wa wax ku filan

Eebow hana nagu cuslayn waxaan qaadi karin wax kastoo laynagu waajibibiyay waa wax aynu awooddno ama karo maaha inad isku cuslayso

𝑰𝒍𝒂𝒂𝒉𝒂𝒚 𝒉𝒂𝒅𝒂𝒇 𝒌𝒂𝒔𝒕𝒂𝒚𝒏𝒖 𝒏𝒐𝒍𝒐𝒔𝒉 𝒌𝒂 𝒍𝒆𝒆𝒏𝒂𝒉𝒂𝒏𝒂𝒚 𝒉𝒂𝒚𝒏𝒐 𝒇𝒖𝒅𝒖𝒅𝒅𝒆𝒆𝒚𝒐 𝒙𝒂𝒒𝒊𝒊𝒋𝒊𝒏 𝒕𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒉𝒂𝒏𝒂 𝒊𝒏𝒏𝒂 𝒘𝒂𝒂𝒇𝒂𝒋𝒊𝒚𝒐 𝒘𝒂𝒅𝒅𝒐 𝒌𝒂𝒔𝒕𝒐 𝒊𝒏𝒂𝒈𝒖 𝒌𝒂𝒂𝒍𝒎𝒂𝒚𝒏 𝒌𝒂𝒓𝒕𝒂 𝒙𝒂𝒒𝒊𝒊𝒋𝒊𝒏𝒕𝒊𝒊𝒔𝒂 𝒅𝒉𝒂𝒎𝒂𝒏𝒕𝒆𝒏
╭┈─────────────
╰┈➤ Maxamed Kaafi 🗣️ ✍

23/05/2026

Qur’aanku waa kitaabka Alle swt ee mucjisada lamana abuuri karaayo jawaabo badan cajaa’ib kiisuna ka joogsan maayo ilaa iyo ay dhahaan
قُلْ أُوحِيَ إِلَيَّ أَنَّهُ اسْتَمَعَ نَفَرٌ مِّنَ الْجِنِّ فَقَالُوا إِنَّا سَمِعْنَا قُرْ
Waxaad dhahdaa waxaa la ii waxyooday inay dhageysteen koox jinni ah oo dhahen waxan maqalnay quraan yaab leh
يَهْدِي إِلَى الرُّشْدِ فَآمَنَّا بِهِ وَلَن نُّشْرِكَ بِرَبِّنَا أَحَدًا
oo ku hanunin jidka toosan markasan rumaynay wana rumeynay la wadajin mayno axada waxba
وَمَا يَسْتَوِي الْأَعْمَى وَالْبَصِيرُ ۞ وَلَا الظُّلُمَاتُ وَلَا النُّورُ ۞ وَلَا الضَّلُّ وَلَا الْحَرُورُ ۞ وَمَا يَسْتَوِي الأحْيَاءُ وَلَا الأَمْوَاتُ إِنَّ اللهَ يُسْمِعُ مَن يَشَاءُ وَمَا أَنتَ بِمُسْمِعٍ من فِي الْقُبُورِ [ فاطر19-22
Indhoole iyo wax arkaba ma sinna gudcurkana ma eka iftiin hadh iyo kulayl toona ma eka kuwa nool iyo kuwa dhintay toona ilen Alle wu maqla cidu dono ma maqlaysid kuwa qubura ku sugan

Aayadahan Qur’aankii waxay sheegeen in indho la’aanta iyo wax arkaba aanay sinnayn taasina waa la ogyay mana aha gudcur iyo iftiin farqiga udhexeya habeen iyo maalin muhiimad wayn u leeyihiin geedi socodka saamayntay ku leeyihiin dunida dhirta say u ogaano dhinaca cilmiga ee hadh iyo kulayl aan sinnayn waxaynu nidhahna Erayga hadh waxa quranka lagu sheegay lix jeer lakiin waxala shegay hadh,hadhkiisa, hadhkoda, hadhkiisa, hadhka, iyo hadhkayaga isku 18 jeer kelmada Alxuur 2jeerbay kuso aroortay labada kelmadode xara iyo al-xuurna marbayso aroren markaynu u soo noqono dunida dhirta si aynu u fahano sidaanay hadhka iyo kulaylku u sinnayn iyo kala duwanaanshiya sifooyinka hadh ka iyo kulaylka lamana soo koobi karo muhiimada ay dhirtu u leedahay guud ahaan nolosha dunidan

𝐅𝐢𝐢𝐫𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡: 𝒘𝒊𝒙𝒊𝒊 𝒂𝒂𝒏 𝒔𝒂𝒙𝒂𝒚 𝑰𝒍𝒂𝒂𝒉𝒂𝒚 𝒙𝒂𝒈𝒊𝒊𝒔𝒂𝒚 𝒌𝒂 𝒔𝒖𝒈𝒏𝒂𝒂𝒕𝒂𝒚 𝒘𝒊𝒙𝒊𝒊 𝒂𝒂𝒏 𝒒𝒂𝒍𝒅𝒂𝒚𝒏𝒂 𝒘𝒂𝒂 𝒊𝒈𝒂 𝒂𝒒𝒐𝒐𝒏𝒅𝒂𝒓𝒓𝒐
╭┈─────────────
╰┈➤ Maxamed Kaafi ✍

23/05/2026

Dhirta iyo sidday uga qayb qaadato hagaajinta tayda nolosha aadanaha inkasto markad eegto goynta dhirta soomalidu aad ay ugu dheerayso ayaan daro se aadbay uga gaabisa beeristeeda
𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵 (سُبْحانَه وتعالى) 𝐖𝐚𝐱𝐮𝐮 𝐘𝐢𝐝𝐡𝐢 :-
أَوَلَمْ يَرَوْا إِلَىٰ مَا خَلَقَ اللَّهُ مِن شَيْءٍ يَتَفَيَّأُ ظِلَالُ‍‍هُ عَنِ الْيَمِينِ وَالشَّمَائِلِ سُجَّدًا لِّلَّهِ وَهُمْ دَاخِرُونَ ۞ [سورة النحل ٤٨]
وَاللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّمَّا خَلَقَ ظِلَالً‍‍ا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ الْجِبَالِ أَكْنَانًا وَجَعَلَ لَكُمْ سَرَابِيلَ تَقِيكُمُ الْحَرَّ وَسَرَابِيلَ تَقِيكُم بَأْسَكُمْ ۚ كَذَٰلِكَ يُتِمُّ نِعْمَتَهُ عَلَيْكُمْ لَعَلَّكُمْ تُسْلِمُونَ ۞ [ سورة النحل ٨١ ]
Miyaysan aragg wax kasta oo uu Rabbi abuuray ee uu hadhkooda midig iyo bidix ka raaco inay yihiin kuwo Alle u sujuudsan iyaga oo sakhiran oo ah kuwo ku toosan wixii loogu talo galay, Sujuudda waxa Rabbi u abuuray oo dhan waxa ay ka dhigan tahay ku toosnaanta ay ku toosan yihiin wixii Rabi ugu talo galay waayo Rabbigen isagaa wax walba qaab uu u jiro ugu talo galay
۞ Alle wuxu idiinka yeelay waxaad hadhsataan geedo iyo wax kale wuxuna idiinka yeelay buuro godod iyo godod aad ku magan gashaan markii la doono wuxuuna idiinka yeelay dhar suuf iyo suuf iyo qaar kale kulaylka iyo dhaxanta idinka celiya waxaan u yeelay birta waxa idinka celiya colaada iyo dhibka sidu Rabbigen unicmeeyey taasina waa wuxuu idinku mannaystay hadalka xaqa ah inaad u hogaansamtaan amarka Allaah hana la wadaajinina isago cibaadadiisa kula jira

Geeduhu waxay ka mid yihiin nimcooyinka ugu waaweyne rabbi ku manaystay dhulka maahun noole dhulka kaso baxo hadh raaxo iyo quruxle Alle waxu inoo abuuray geedo suu inogu hoydo kulaylka cadceedu nagu raaxaysto iyo qabowga maalmaha xagaga hadhkay bixiyan geeda ayaa door muhiima ka ciyaara nolol maalmeedkeena hoos u dhigista heerkulka deegaanka ilaalinta kabayasha iyo ka qayb qadashada horumarinta caafimadka bulshada maqalkan waxan si faah fahsan uga hadli dona nimcadan weyn waxanu dib u eegi doona faa'iidooyinka badanee geedu ku bixiyaan hadhkooda qabow ee raaxada leh

Faa'iidoyinka hadhkay bixiyaan geedu wuxu aad ucaawiya hoos u dhigista heerkulka deegaanka maalma kulul heerkulka hadhka geedku wuxuu noqon kara 10 ilaa 15 darajo celsius ka hoseya meelaha qoraxda lee u dhow kala duwanansha heerkulkani wuxu saameyn toos ah ku leeyahay raaxada kulaylke dadka iyo deeganka ku xeeran

Hadhka geedku waa il dabiiciya oo raaxo iyo qabowle wuxu caawiyaa dhimista dhididka iyo kulaylka taasoo ka dhigaysa meelaha hadhkale geedku ku habboonyay picnics iyo nasashada inta waxa udheer waxay ilalinyan karan faladha ultraviolet ee waxyeellada leh taso yaraynaysa khatartaha gubashada iyo kansarka maqaarka door muhiimany ka ciyaara ilaalinta kabayasha burburka kulaylka wadoyinka iyo dhismayasha

Farqiga heerkulka udhexeeya meela geedale iyo meela bila dhirta herkulka gaadhi karta 35 ° C, halka hadhka geedka uu ku dhow yahay 25 ° C. Farqigani wuxuu yarayn karaa baahida loo qabo isticmaalka qaboojiyaha iyo tamarta laydhkaba wadooyinka dhirta le heerkulku waa qabow 30% taasay ku jirto faa'iidooyin caafimaad oo badan dhiirigelinta dhir beerista meel canka iyo meela la d**o waa lagama maarmaan si loo helo hadh

𝐅𝐢𝐢𝐫𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡: 𝒘𝒊𝒙𝒊𝒊 𝒂𝒂𝒏 𝒔𝒂𝒙𝒂𝒚 𝑰𝒍𝒂𝒂𝒉𝒂𝒚 𝒙𝒂𝒈𝒊𝒊𝒔𝒂𝒚 𝒌𝒂 𝒔𝒖𝒈𝒏𝒂𝒂𝒕𝒂𝒚 𝒘𝒊𝒙𝒊𝒊 𝒂𝒂𝒏 𝒒𝒂𝒍𝒅𝒂𝒚𝒏𝒂 𝒘𝒂𝒂 𝒊𝒈𝒂 𝒂𝒒𝒐𝒐𝒏𝒅𝒂𝒓𝒓𝒐
╭┈─────────────
╰┈➤ Maxamed Kaafi ✍

18/05/2026

Somaliland Happy independence day

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Hargeisa