04/06/2026
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Oo Ka Qayb-galay Munaasabadda Xil-wareejinta Maayirka iyo Maayir-ku-xigeenka Cusub ee Degmada Salaxley
Salaxley, [4/6/2026]
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda xil-wareejinta Maayirka iyo Maayir-ku-xigeenka cusub ee Degmada Salaxley.
Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Hay’adda AIDS-ka, cuqaal, waxgarad, masuuliyiin kale oo dawladeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada.
Intii ay munaasabaddu socotay, waxa si rasmi ah xilalka ugala wareegay maamulkii h**e ee degmada maamulka cusub ee dhowaan la doortay, iyadoo la muujiyey is-afgarad, wada-shaqayn iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee lagu kala wareegayo masuuliyadaha maamulka degmada.
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa maamulka cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, isagoo ku boorriyey inay si daacadnimo, hufnaan iyo karti leh ugu adeegaan bulshada degmada Salaxley. Wasiirku waxa uu sidoo kale uga mahadceliyey maamulkii h**e dedaalkii iyo shaqadii ay muddadii ay xilka hayeen u qabteen degmada.
Masuuliyiintii kale ee munaasabadda ka hadlay ayaa iyaguna bogaadiyey habsami-u-socodka xil-wareejinta, iyagoo maamulka cusub u rajeeyey guul iyo horumar ay gaadhsiiyaan degmada Salaxley.
Ugu dambayn, munaasabaddu waxay ku soo gebagabowday jawi wanaagsan oo ay ka muuqatay midnimo, wadajir iyo taageerada bulshada ee maamulka cusub.
03/06/2026
إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Wasiir-ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan iyo dhammaan Shaqaalaha Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Faysal Maxamuud Siciid (Farafidiye), oo ahaa Wasiir-ku-xigeenkii h**e ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, kuna geeriyooday xalay dalka Boqortooyada Midowday (UK).
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa masuuliyiintii qaranka mudada dheer ugu soo adeegay daacadnimo, karti iyo xilkasnimo, isaga oo raad muuqda ku lahaa horumarka iyo shaqadii uu u soo qabtay qaranka Somaliland.
Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisku waxay Alle SWT uga baryayaan Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, dembigiisana dhaafo. Sidoo kale, Alle uga baryayaan inuu samir iyo iimaan saadiqa kasiiyo qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay.
اللهم اغفر له وارحمه، وعافه واعف عنه، وأكرم نزله، ووسع مدخله، واجعل قبره روضةً من رياض الجنة، واجعل عيده في الجنة أجمل، وألهم أهله وذويه الصبر والسلوان.
Aamiin Aamiin Aamiin.
02/06/2026
02 June 2026
Wefti ka socday Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland oo booqasho shaqo ku joogay dalka Faransiiska ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday Nouvelle-Aquitaine, oo ah maamulka gobolka ugu weyn dalka Faransiiska kana masuul ah horumarinta dalxiiska, dhaqanka, hal-abuurka iyo iskaashiga caalamiga ah. Sidoo kale, waxay ka shaqeeyaan iskaashi caalami ah oo ay la yeeshaan dalal iyo hay’ado kala duwan.
Weftiga Somaliland waxa ka mid ahaa Agaasimaha Waaxda Dalxiiska iyo Aasaarta Qadiimiga ah, Maamulaha Xafiiska Wasiirka, xubno ka socday Hay’adda Expertise France, Agaasimaha Madxafka Qaranka Somaliland iyo La-taliyihiisa. Dhinaca Nouvelle-Aquitaine, waxa kulanka ka qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka gobolka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbarasho iyo xoojinta xidhiidhka iskaashi ee labada dhinac. Intii uu socday kulanku, dhinacyadu waxay soo bandhigeen hawlaha iyo waajibaadka ay ka kala qabtaan Somaliland iyo Faransiiska.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dalxiiska. Iyaga oo kaashanaya Expertise France, waxay danaynayaan inay sahamiyaan fursado iskaashi oo la xidhiidha dalxiiska, dhaqanka iyo ilaalinta goobaha taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu dambayn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo isfaham ku saabsan muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada shaqaynta iyo xidhiidhka labada dhinac. Waxa xusid mudan in Hay’adda Expertise France ay door muhiim ah ka qaadatay qabsoomidda kulankan.
01/06/2026
01/06/2026. Waxa Xarunta INRAP ee dalka France ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) iyo Hay’adda INRAP (National Institute for Preventive Archaeological Research), kaas oo lagu xoojinayey iskaashiga labada dhinac ee la xidhiidha ilaalinta, kaydinta iyo horumarinta aqoonta la xidhiidha dhaxalka taariikhiga ah iyo aasaarta qadiimiga ah.
Kulankan waxa qayb ka ahaa:
Dhinaca Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL:
Mr. Caydaruus Ismaaciil – Agaasimaha Waaxda Dalxiiska iyo Aasaarta Qadiimiga ah
Mr. Ridwan Abdirashid Sheikh – Maamulaha Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska
Mr. Khaalid – Isuduwaha Maxalliga ah ee Expertise France
Dhinaca INRAP:
Mr. Dominique Garcia – Madaxa Sare ee INRAP
Mr. Kai Salas Rossenbach – Ku-xigeenka Madaxa INRAP
Intii uu kulanku socday, waxa diiradda lagu saaray sidii labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen ilaalinta iyo kaydinta aasaarta qadiimiga ah ee Somaliland, isla markaana loo xoojin lahaa dhinacyada cilmi-baarista, tababarrada iyo kor u qaadista aqoonta la xidhiidha dhaxalka taariikhiga ah.
Ugu dambayntii, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ay labada dhinac gaadheen.
Waxa xusid mudan in Expertise France ay door weyn ka qaadatay qabanqaabada iyo fududaynta kulankan.
26/05/2026
Ciid Mubaarak dhammaan ummadda Islaamka ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan, Eebbe hay nooga dhigo ciidan mid aynu ku gaadhno bashbash, barwaaqo iyo caafimaad.
Waxaan si gaar ah hambalyada Ciidda ula wadaagayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL
Maxamuud Xuseen Aadan (Jabaake)
26/05/2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Jawhar Siciid Warsame, munaasibadda Eid al-Adha awgeed, waxa uu hambalyo iyo tahniyad u dirayaa guud ahaan Shucuubta Islaamka, gaar ahaanna shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenku waxa uu hambalyada la wadaagayaa shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland.
Alle ha inaga aqbalo acmaasha suuban, ducada iyo cibaadada wanaagsan ee aynu gudannay, hana inagu gaadhsiiyo ciiddeeda kale nabadqab, caafimaad iyo barwaaqo. Aamiin.
Farxad ku ciida dhammaantiin.
26/05/2026
“Munaasibadda Ciidda awgeed, waxaan hambalyo iyo tahniyad u diraynaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, waxaan hambalyada la wadaagayaa shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanan Eebbe ka baryayaa inuu innaga aqbalo soonka, cibaadada, camalka suuban iyo ducada.
Waxaan dhammaan shacabka u rajaynayaa caafimaad, horumar iyo nabad waarta.”
Wasiir Cabdiraxmaan Xasan Nuur
23/05/2026
Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda, iyadoo lagu gorfeeyey hawlaha shaqo ee socda, dardargelinta adeegyada Wasaaradda iyo qorshayaasha horumarineed mudnaanta leh.
18/05/2026
Saylac - Shaqaalaha iyo madaxda Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ee Gobolka Salal, oo uu hoggaaminayo Isuduwaha Wasaaraddu ee Gobolka, ayaa si weyn uga dhex muuqday munaasibadda xuska Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May, taas oo si wayn looga dabaaldegay magaalada Saylac.