Ciidamada Booliska JSL ee Qaybta Gobolka Saaxil ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysaneyaal ku eedaysan inay xadeen xadhkaha laydhka guryaha, iyo sidoo kale shakhsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay iibsanayeen xadhkaha la soo xado.
Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu si adag uga digayaa falalka noocan oo kale ah ee waxyeellada u geysta hantida ummada.
Sidoo kale, Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada ka codsanayaa inay la shaqeeyaan Ciidanka.
Ciidanka Booliska JSL
Waa Bogga Rasmiga ah ee Ciidanka Booliska JSL
The official page of the Republic of Somaliland Police Force
Hogaanka Tababarka Ciidanka Booliska JSL G/Sare Cabdiqani Ciise Maygaag ayaa tababar u furay xubno ka tirsan Ciidanka Booliska JSL.
Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Mustafe Jamaac Cismaan oo ku eedaysan in u dhacay xilli habeenimo ah Guri ku yaala degmada Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargeysa , kadibna xaday alaabo kala duwan sida ay duubtay Kamerada qarsoon ee CCTV-ga.
Hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska JSL garahaan Qaybta La-dagaallanka Mukhaadaraadka ayaa lagu qabtay eedaysanaha waxaana degdeg loo horgayn doonaa Ha'yaddaha garsoorka.
Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu farayaa ganacsatada iyo mulkiilayaasha meheradaha in ay ku rakibaan kamaradaha amniga (CCTV) si loo xoojiyo sugidda amniga, loogana hortago dambiyada.
27/05/2026
Saldhiga degmada Maxamed Mooge Hargeysa ayaa lagu hayaa ninkaa waayeelka oo aan garanayn Gurigisii.
Ehelkiisu halkaasi ha tagaan.
Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Cabdiqani Maxamed Ibrahim oo ku eedaysan in dhaawac u gaystay Dhibane Sakariye Xuseen Aadan sida ay duubtay Kamerada qarsoon ee CCTV-ga.
Hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska JSL ayaa lagu qabtay eedaysanaha waxaana degdeg loo horgayn doonaa Ha'yaddaha garsoorka.
Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu farayaa ganacsatada in ay meheradahooda ku xidhaan kamaradaha Amaanka.
Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Ciidamada Booliska JSL Munaasibadda Ciidul-Adxa awgeed.
26/05/2026
Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Todobaadlaha ee Saraakiisha Ciidanka Booliska JSL, kaasi oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud ee dalka, maalmaha lagu jiro munaasibadda Ciidul-Adxaa.
Shirka waxa warbixinno lagaga dhagaystay Hogaamada iyo Taliyeyaasha Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska JSL, kuwaas oo ka warbixiyay qorshayaasha lagu sugayo nabadgelyada inta lagu jiro maalmaha Ciidda.
Taliyaha ayaa saraakiisha ku adkeeyay xoojinta nabadgelyada iyo u adeegidda bulshada, si loo xaqiijiyo in shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ay ku ciidaan jawi nabdoon.
Shirka waxa sidoo kale ka qaybgalay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir.
25/05/2026
Hambalyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta dalacsiiyay 525 Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska JSL .
Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan waxa uu u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL oo dalacsiiyay Saraakiishan.
Sidoo kale Taliyuhu , waxa uu hambalyo u dirayaa dhammaan Saraakiisha la dalacay , waxaanu u rejaynayaa guul.
24/05/2026
Saldhiga Booliska ee 26ka Juun Daloodha ayaa lagu hayaa wiilkaa yar oo ambada ehelkiisu halkaasi ha tagaan.
24/05/2026
Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Xamse Cabdilaahi Diiriye oo ku eedaysan dilka Marxuum Cabdisalaan Maxamuud Cabdi.Falkaas ayaa ka dhacay magaalada Boorama 23/5/2026-ka
Waxaana Hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska JSL ee Qaybta Gobolka Awdal iyagoo kaashanaya bulshada , waxay gacanta ku dhigeen Eedaysanaha , waxaana degdeg loo horgayn doonaa Ha'yaddaha garsoorka.
Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL waxay mahadnaq ballaadhan u jeedinayaan Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland oo Ciidanka si fiican ula shaqeeya.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Address
Taliska Ciidanka JSL
Hargesa
