03/06/2026
๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ซ๐จ๐ง๐ญ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Fadhigii 64-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.
Qodobbada lagaga wada hadlay Fadhiga 64-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ahaa:
๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ซ๐จ๐ง๐ญ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL , Mudane Eng.Axmed Jaamac Barre ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay kor u kaca qiimaha shidaalka iyo saamaynta uu ku yeeshay kharashka korontadda dalka. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay dedaallada ay Xukuumaddu ku yaraynayso culayska bulshada, oo ay ka mid tahay kabka la siiyo Shirkadaha soo dejiya Shidaalka si looga hortago in korodhka qiimuhu uu si toos ah ugu dhaco adeegga korontadda.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Shirkadaha Korontadda uga digay kordhinta qiimaha korontadda ee bulshada, isla markaana waa in ay u hoggaansamaan heshiisyada iyo waajibaadka ay la leeyihiin Xukuumadda.
Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Saxaafadda ee WT&M.
03/06/2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ansixiyey isla markaana soo saaray Wareegto Madaxweyne (Tix: JSL/XM/WM/222-264/052026), kuna taariikhaysan 31/05/2026, oo lagu
dhaqan-gelinayo Hagaha Mideynta Sumadda iyo Nidaamka War-isgaadhsiinta Rasmiga ah ee Hayโadaha Dawladda. Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa aqoonsi qaran oo mideysan, korna loogu qaadayaa tayada, hufnaanta iyo xirfadda war-isgaadhsiinta hayโadaha dawladda.
Sidoo kale waxa la hirgeliyey (Official Communication Dashboard), kaas oo noqon doona xarunta dhexe ee xogta, wararka iyo war-isgaadhsiinta rasmiga ah ee hayโadaha dawladda.
.
03/06/2026
Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL waxay ku wargelinaysaa dhammaan ganacsatada dahabka dalka JSL inay ka soo qaybgalaan kulan muhiim ah oo qabsoomi doona Khamiista, 4 June 2026, saacadda 11:00 subaxnimo, xarunta Wasaaradda ee Hargeysa.
26/05/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL wuxu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guud ahaan ummadda islaamkaba ugu hambalyaynayaa Munaasibadda Ciidda Barakaysan ee Carafo awgeed.Ciid Mubaarak ๐โจ.
.
26/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL wuxu shacabka Jamhuuriyadda iyo guud ahaan ummadda Islaamka ugu hambalyaynayaa munaasibadda Ciidda Barakaysan ee Carafo awgeed,Ciid Mubaarak ๐โจ.
24/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Macdanta JSL mudane Eng.Ahmed Jamac Barre ayaa magaalada Berbera ka dhagax-dhigay mashruuc cusub oo lagu balaadhinayo korontadda cadceedda, kaas oo awooddiisu tahay 12MWp Solar iyo 70MWh baytariyo kaydiya tamarta.
Mashruucan oo ku kacaya $24 Milyan waxaa maalgelisay shirkadda GSU, waxaana si weyn uga faaโiidaysan doona bulshada Gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera.
.