Mohamed Abdirahman

Mohamed Abdirahman

Share

Bogga Rasmiga ah ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL

14/06/2026

Caawa 10:00 PM (East Africa Time) waxaan marti ku ahay barta Xspace, oo lagaga hadlayo safarka taariikhiga ah ee Madaxweynaha JSL ee Israël.

Kasoo qayb gal wanaagsan👇🏾👇🏾
🔗🔗 https://twitter.com/i/spaces/1qKDzzAOdZvJV

14/06/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu maanta booqasho rasmi ah ku gaadhay Dawladda Israa’iil, isaga oo noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland ee booqasho rasmi ah ku taga dalkaas.

Tani ma aha oo keliya booqasho diblomaasiyadeed; waa natiijada 35 sannadood oo ay shacabka Somaliland soo dhisayeen qaran nabdoon, dimuqraadi ah, isla markaana leh hay’ado dawladnimo oo shaqaynaya. Waa tallaabo kale oo muujinaysa kalsoonida sii kordhaysa ee Somaliland ku leedahay saaxadda caalamka.

Shacabka Somaliland waxay muddo dheer muujiyeen adkaysi, himilo iyo go’aan ay ku xaqiijinayaan mustaqbalkooda.

Taariikhda waxa gala ciddii leh aragti fog, geesinimo iyo dulqaad laakiin dhaqaaq joogsi laguma gaadho himilo qaran.


.

Photos from Cabdiraxmaan Cirro's post 14/06/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Cirro Maanta waxa uu mar kale qoray bog cusub oo Taariikh da Dalka baal dahab ah kaga xardhanaan doonta.

Hambalyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Photos from Mohamed Abdirahman's post 11/06/2026

Waxaan maanta xarunta wasaaradda Arrimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamigaa ee jamhuuriyadda Somaliland ku qaabilay wefti ka socday ururka caalamigaa ee socdaalka(IOM), oo uu hoggaaminayey madaxa xafiiska ee Somaliland mudane Liibaan Maxamuud Ciise.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd, sidii ururka IOM iyo wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland uga wada shaqayn lahaayeen xoojinta wadashaqaynta ka dhaxaysa qurba-joogta iyo dalkooda iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi wada shaqayneed mustaqbalka.

11/06/2026

Dhamaystirka Siyaasadda Dalxiiska iyo Martisoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Photos from Mohamed Abdirahman's post 11/06/2026

10/06/2026

Waxaan ka qayb galay dhamaystirka Siyaasadda Dalxiiska iyo Martisoorka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL si rasmi ahna u soo gebogebaysay.

Siyaasaddani waxay xoojin doontaa horumarinta dalxiiska iyo martisoorka dalka, iyadoo kor u qaadaysa iskaashiga iyo koboca dhaqaalaha qaranka.

Photos from Mohamed Abdirahman's post 07/06/2026

Waxa maanta xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah Ee JSL ku qaabilnay madaxa hay'adda UNICEF Somaliland mudane Tedla Mezemir Damte oo ka sii degaya xilka.

Mr. Tedla Mezemir Damte waxaanu ku bogaadinay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dalka muddadii uu madaxa ka ahaa UNICEF ee iskugu jirtay mashaariicaha kala geddisnaa ee waxbarasho, caafimaad iyo amnigaba lahaa, Sidoo kale waxaanu uga mahadnaqnay doorkiisii hoggaamineed ee xafiiska, oo muddadaas qabtay shaqo iyo hawlo waa weyn iyo qaabkii wanaagsanaa ee uu ula shaqeeyey xafiisyada hay’addaha xukuumadda ee ay wada shaqaynta wada lahaayeen UNICEF.

Photos from Mohamed Abdirahman's post 07/06/2026

Todobaadkan Waxa aan booqasho shaqo ku tagay dalka Kiiniya, halkaas oo aan kaga qayb galay shirar muhiim ah oo la xidhiidha danaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka gobolka.

Intii aan safarka ku guda jiray, waxa aan booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kiiniya, halkaas oo ay si diirran iigu soo dhaweeyeen Danjire Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kiiniya, iyo Safiir-ku-xigeenka Sharma’arke Geelle.

Kulankaas intii uu socday, waxa aanu si qoto dheer uga wada hadalnay xoojinta iyo adkaynta xidhiidhka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kiiniya, iyo sidii loo sii horumarin lahaa danaha Somaliland ee gobolka iyo caalamkaba.

26/05/2026

Ciidul-Adxaa Mubarak!🌙

Munaasibadda Ciidul-Adxaa awgeed waxaan uugu hambalyaynayaa dhamaan umadda islaamka ah, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyada Somaliland.

Farxad iyo caafimaad ku ciida, Ilaahay waxa aan innoo weydiinayaa in uu ciiddan ciiddeeda innagu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo!

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال وكل عامٍ وأنتم بخير
كل عام وانتم بخير بمناسبة حلول عيد الاضحى المبارك اعاده الله علينا وعليكم

23/05/2026

Waxaan waraysi balaadhan siiyay Global Business Channel Tv, waraysigan oon kaga hadlay safarka dheer ee ay Somaliland usoo martay inkabadan 30 sanno oo joogtayn dawladnimo ah iyo muhiimada istaraajiyadeed ee aynu u leenahay Geeska iyo Qaarada Afrikaba.
Sidoo kale waxaan waraysigan kaga hadlay in sannad Guurada 35aad ee dib-u-yagleelida Jamhuriyadda iyo Xuska maalinta Qaranimada ee in aan sannadkan u dabaal dagnay iyadoo dalkeenu helay aqoonsigii koobaad, aqoonsi buuxana bilawgiisii aynu sugayno.

Ugu dambayntii waxaan fariin u diray midowga afrika iyo dhamaan wadamada qaaradda afrika in ay Somaliland ku qiimeeyaan xaqiiqada ka jirta, ee ah in ay Somaliland si buuxda u maamusho dhulkeeda, dimuqraadiyada qaangaadhay, iyo joogtaynta nabada ee ka jirta dalka Somaliland.


💚🤍❤️

Want your business to be the top-listed Government Service in Hargeysa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Hargeisa
Hargeysa
00000