11/06/2026
Madaxweyne Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ee uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maanta si wada jir ah xarigga uga jaray Qasriga Madaxtooyada Hirshabeelle oo si casri ah loo dhisay, dhismayaasha Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyadda iyo sidoo kale afar waddo laami ah kuwaas oo kor u qaadaya bilicda iyo isku socodka magaalada.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hirgelinta mashaariicdan ay ka tarjumeyso dadaallada madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee lagu xoojinayo adeegyada dowladda, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sare u qaadidda adeegyada ay helaan shacabku.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Hirshabeelle iyo xarumo kale oo dowladeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona tayeynta maamulka, hufnaanta hayโadaha dowladda iyo dardargelinta adeegyada bulshada.
12/04/2026
๐๐ฎ๐บ๐ฏ๐ฎ๐น๐๐ผ: ๐ฆ๐ฎ๐ป๐ป๐ฎ๐ฑ-๐ด๐๐๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฒ๐ฒ-๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐ฒ๐ฒ ๐๐ถ๐ถ๐ฑ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ซ๐ผ๐ผ๐ด๐ด๐ฎ ๐๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ
๐ง๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ธ๐ต: ๐ญ๐ฎ-๐ธ๐ฎ ๐๐ฏ๐ฟ๐ถ๐ถ๐น, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฒ
Xafiiska Maamulka Degmada Jalalaqsi
Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, isagoo ku hadlayay magaciisa, kan maamulka iyo dhammaan shacabka degmada, wuxuu hambalyo iyo bogaadin aan la koobi karin u dirayaa Taliska iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda 12-ka Abriil oo ku beegan sannad-guuradii 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskoodii.
Maalintan qiimaha leh waxay astaan u tahay halgan dheer iyo dhiig loo huray difaaca dalka. Ciidanka Xoogga Dalka waa gaashaanka ay ku seexato ummadda Soomaaliyeed.
Waxaad tihiin laf-dhabarta difaaca, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dalka. Shacabka Jalalaqsi waxay mar walba garab taagan yihiin geesiyaashooda u taagan nabad-galyada.
Waxaan idiin rajaynaynaa in sannadkan sannadkiisa aad ku gaartaan guul, kala dambayn iyo idinkoo dalka ka sifeeyay haraadiga argagixisada.
"Waxaan halkaan salaan iyo qaddarin uga diraynaa geesiyaasha ku sugan furimaha dagaalka, gaar ahaan kuwa ka hawlgala deegaannada hoos yimaada Gobolka Hiiraan. Waxaad tihiin geesiyaal aan marnaba la iloobi doonin kaalintooda."
Ilaahay ha idin xafido, guuleysta mar walba insha Allah.
Sannad-guurada 66-aad!
Maamulka Degmada Jalalaqsi
Midnimo iyo Iskaashi