04/03/2026
KISMAAYO, MAARSO 04, 2026
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland waxay si dhow ula ganacsatada shidaalka qaar kamid ah oo ku dallacay qiimaha shidaalka deegaanada Jubaland iyagoo u sababaynaya dagaalka bariga dhexe iyada oo wasaaraddu ay ogtahay in kaydka shidaalka ee hadda yaalla suuqa uu yahay shidaalkii sicirkii h**e ku yimid ka hor dagaalka.
Sidaas awgeed wasaaraddu waxay uga digaysaa ganacsatadaas inay ka waantoobaan qiimaha ay kor u qaadayaan xilli lagu jiro abaaro ba,an oo dalka sameeyay iyo waliba bishii barakaysnayd ee ramadaan. Wasaaraddu waxay faraysaa laamaha sharci kormooridda, fulinta, iyo dhaqan galinta amarka Wasaaradda.
07/02/2026
KISMAAYO, Febraayo 07, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubaland, Mudane Idiris Hassan ayaa kulan gaar ah la yeeshay Hoggaamiyaha Farsamada ee GIZ iyo Mashruuca SEPOW Marwo Janne, iyo kooxdeeda oo Maalmahan ku sugnaa Kismaayo.
SEPOW waa Mashruuc Hormarin Bulsho looguna talagalay inay ka faa'idaystaan 470 Qoys oo ku dhaqan Jubbaland kaas oo la qorshaynayo sanadaha soo socda inuu wax ka badali karo Nolosha danyarta.
Agaasimaha ayaa xusay muhiimada uu leeyahay mashruucan, ugana mahadnaqay hay’adda GiZ taageeraha ay siiso dowladda iyo bulshada Jubalaland.
05/02/2026
KISMAAYO, FEBRAAYO 05, 2026
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay kulan looga hadlayay sida ganacsatada yar yar ee dumarka ay uheli karaan daymaha ay bixiyaan bangiyada, loogana fududeen karo shuruudaha qaarkood oo caqabad ku noqda inay helaan daynta bangiga uu bixiyo.
Shirka waxaa kasoo qayb Wasaaradda Maaliyadda, Haweenka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Qorahaynta, Cadaaladda, Waxbarashada, Dowladda Hoose ee degmada Kismayo iyo hay’adda qaxootiga Jubaland.
Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Bangiyada ka hool gala Jubaland, maalgakintana usameeya ganacsatada yar yar, oo ay ka mid yihiin Salaama Bank, Amal Bank, IBS, iyo Som Bank.
24/12/2025
KISMAAYO, DECEMBER 23, 2025
Dowladda Jubbaland oo adkaysay isticmaalka Shilin Soomaaliga
Dowladda Jubbaland ayaa soo saartay go’aan rasmi ah oo ku saabsan isticmaalka shilin Soomaaliga, kaas oo ku waajibinaya dhammaan ganacsatada iibisa badeecadaha kala duwan in ay aqbalaan Shilin Soomaaliga. Go’aankan ayaa mamnuucaya in ganacsaduhu diido qaadashada Shilin Soomaaliga, iyadoo lagu adkeeyay in cid kasta oo ku xadgudubta amarkan laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah iyo ganaaxyo adag.
Sida ku cad go’aanka, Shilin Soomaaliga ayaa lagu sarrifayaa 30 shilin marka loo eego gacanta h**e, halka gacanta dambe lagu sarrifayo 32 shilin. Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nidaamka lacagta iyo xasilloonida dhaqaalaha.
Dowladda Jubbaland ayaa ugu dambayn ugu baaqday ganacsatada iyo shacabka in ay si buuxda u dhaqan geliyaan go’aankan.